Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hargeysa: Qoysas ka barakacay tuulooyin ay ceelashii ka dumisay duufaantii Sagar

Radio Ergo by Radio Ergo
July 26, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Buurhakaba: Daad qaaday cunto u keydsaneyd 730 qoys

Photo|Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqol iyo lixdan qoys ayaa labadii bilood ee u dambeeyay ka soo barakacay deegaanada Cabdi-geeddi iyo Ceel-sheekh, ku waas oo soo gaadhay tuulada Ilinta-dhexe oo 65 km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa.

Deegaanada oo duufaantii Sagar ay ku dhufatay 17-kii bishii May waxaa ka baaba’ay ceelashii riigga kuwaasi oo duufaantu dumisay. Tobankii qoys ee u dambeeyay ayaa tuulada Ilinta soo gaadhay 23-kii bishaan Julaay, waxaana deegaannada ay dadkaasi ka soo hayaamayaan biyo la’aan daran oo ka dhalatay saddex riig biyood oo deegaanadaas ku yaalay oo dumay, dadkuna waxay ku tiirsanaayeen biyaha ay ka cabi jireen riigagga.

Saddex boqol oo qoys ayaa labadii bilood ee u dambeeyay kusoo barakacay tuulada Ilinta oo ka tirsan degmada Hargeysa ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland. Dadkaasi ayaa ka soo barakacay biyo la’aan iyo kuleyl ka jira deegaanada xeebaha waqooyiga Somaliland.

Tuulooyinka laga soo barakacay waxay dhinaca waqooyi magaalada Hargeysa kaga beeganyihiin 70 km ilaa inta u dhaxeysa 100 km sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha tuulada Illinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise.

Maxamuud Aadan Cali iyo qoyskiisa oo ka kooban lix qof ayaa 22-kii bishaan Julaay soo gaadhay Ilinta waxayna ka soo guureen tuulada Cabdi-geeddi oo biyo la’aan xooggan ay ku haysatay muddo laba bilood ah.  Ceel u jira 35 km ayay biyaha ka helayeen kow iyo lixdan maalmood oo biyo la’aan ka jirtay deegaanka.

Hadda waxaa ay ku sugan yihiin Ilinta-dhexe oo ay ka helayaan biyo ay ku sii noolaadaan wakhtigaan Xagaaga.

“Wakhti dheer ayay nagu qaadanaysa inaan biyaha helno si ay carruurtu u harraad baxaan, maalintii toban saacadood ilaa sideed ayay qaadanaysaa, marka biyaha lasoo dhaamiyo  shaqo guri laguma qabanayn ee in caruurta raashin iyo cabitaan ay ka dhigtaan ayaan helaynay” ayuu yidhi.

Konton doolar ayuu ku caawiyay walaalkii oo ku nool Jabuuti si biyo la’aan uga hayaamo, lacagtaasi waxaa uu ku soo raray qoyskiisa oo gaadhi raac ayuu u isticmaalay. Saddex maalmood oo Ilinta-dhexe ay ku noolyihiin waxay helayaan biyo bilaash ah.

Waa biyo la’aantii ugu adkeyd ee ay ka soo barakacaan  qoyska Maxamuud muddo 45 sanadood ah oo deegaanka ku noolaayeen. Raashinka ay carruurtu ku noolyihiin waxaa uu sheegay in ay usoo direen qaraabadiisa oo ku nool magaalada Hargeysa. Cabdi-geeddi waxaa uu ku lahaa mehrad dukaan ah oo uu ku shaqeysan jiray haseyeeshee hadda waxaa uu soo xidhay meheraddii si uu carruurta biyo ugu helo.

“Wax taransi ah xeebtii ma sii laha, iyadoo duufaantii deegaankii naga baabi’isay ayay haddana kuleyl iyo biyo la’aan noogu soo darsameen waxaan u joogno tuulada ma jirin,  dadkiina waa nala wada mid, intii iskaga bixi karaysan bishii u dambeysay way ka socdeen Cabdi-geeddi”

Illinta waxaa ay lasoo degeen qoys ay qaraabo yihiin oo ku caawiyay aqal Soomaali ay ku noolaadaan qoyska Maxamuud.

Ruun Axmed Rooble  Toddoba   carruur ah ayay kala soo hayaantay biyo la’aan daran oo konton maalmood ku haysatay tuulada Ceel-sheekh oo waqooyi Hargeysa kaga beegan 95 km, muddo afar maalmood ah ayay caruurteeda ku nooleyd labaatan litir oo ay siiyeen gaadiid deegaanka socod ku marayay.

Nadiifinta guriga iyo biyo ay raashin ugu kariso saddexda wakhti markii ay wayday ayay bilowday in hal wakhti oo kaliya ay raashin u kariso caruurteeda. Cabdi-geeddi waxaa uga leeday haraad afar neef oo uga soo hadhay abaaro laba sano ka jiray deegaanka iyo duufaantii Sagar. Hadda waxaa ay lasoo hayaantay laba iyo toban neef oo adhi ah si ay uga badbaadiso haraad ah ay u leedeen. Labataan maalmood xoolaheeda biyo ma helin ka hor intii aanay soo barakacin tuuulada ay ku nooleyd, 24 maalmood ayay ku nooshahay Illinta dhexe oo ay biyo ka helayaan.

Habeen iyo maalin ayay usoo socdeen tuuladani qoyskeedu, waana dhibaatadii ugu adkeyd ee ay biyo la’aan ka dhaxleen muddo shan sano laga joogo. Wakhtigaas hore waxaa ka cilladoobay riiga ay biyaha ka heli jireen.

“Noloshu waa biyo, markii hore wax ayaa hagaagi ayaanu islaheyn oo sidaas ayaan u eegtay markii noloshii adkaatay ayaan caruurtii lasoo lugeeyay, wakhti dheer kadib qoys aan qaraabo nahay ayaan halkan dulsaar ku ahay oo raashinkii iyo gurigiiba la qaybsanayaa,” ayay tidhi.

Dhibaatada ay kala kulmeen biyo la’aan ku qabsatay deegankeeda ayay sheegtay in ay barakac u seeday dadkii deegaankeeda iyo qoyskeeda. Raadiyo Ergo ayay uga warantay nolosha ay hadda ku jiraan qoyskeeda oo aabahood muddo sanad ka hor uu ka dhintay.

“Dad aan waxba na dhaamin ayaan la joogaa, biyihii iyo doogii ayaan helayaa imika, laakiin noloshii kale meesha waa ka baxday oo deegaankaygii aan ku asturnaa ayaan kasoo cararay” ayay tidhi.

Duufaanta ayaa ka baabi’isay ceelkii ay biyaha ka heli jireen qoyska Ruun waxaa kale oo ay baabi’isay dugsigii ay dhigan jireen afar carruura oo ka mida qoyskeeda kuwaas oo gaadhay wakhtiga waxbarashada. Ma rajeynayso Ruun inay ku laabato noloshii tuulada Cabdi-geeddi ay ku haysatay laba bilood ka hor waxaana ay qorsheynaysaa in carruurteeda ay Hargeysa usoo rarto si ay ugu shaqeyso.

Inkasta oo tuulada Ilinta dhexe qoysas horleh soo gaadhayaan haddana waxaa labadii todobaad ee u dambeeyay soo gaadhay 38 qoys sida ay diwaan galiyeen maamulka tuuladu, Bildhaalay iyo Ceel-la helay ayaa sidoo kale looga imanayaan biyo la’aan ka jirta deegaanka sidaas waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise guddoomiyaha tuulada Illinta-dhexe

“Dadkii qaarna buulal ayay iska sameysteen kuwii kalena reerahooda ayay la dageen oo ay dulsaar ku noqdeen, wixii aan biyo dhaamis u sameyn karno deegaanada noo dhowdhow booyad yar ayaan biyo ugu dirnaa, balse kuma filnaanayso oo hadda hanfigiii xagaaga ayaa meesha ka dhacaya dadka imanaya maalin walba waana soo gaadhayaa”ayuu yidhi.

Saddex boqol iyo konton ayaa labadii bilood ee u dambeeyay Illinta usoo gaadhay biyo la’aan ka jirta afar deegaanka oo waqooyi Hargeysa ah. Xagaaga oo kuleyl daran leh ayaa keenay in sidoo kale ay qalalaan baliyadii ay dadkaasi biyaha ka helayeen.

Deegaanada ay biyo la’aantu ka jirto waxaa ay shacabku ka cabsi qabaan in haraad iyo kululka Xagaaga ay ku dhinteen maaddaama aanay jirin meel ay biyo ka doontaan oo u dhow.

Previous Post

Dhadhaab: Windle trut oo hormarineysa waxbarashada gabdhaha qaxootiga

Next Post

Somaliland: Qoys oo biyo la’aan uga barakacay deegaannadii duufaantu ku dhufatay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
700 boqol oo qoys oo abaaraha ku soo cayrtoobay oo tegey Ceelberde

Somaliland: Qoys oo biyo la'aan uga barakacay deegaannadii duufaantu ku dhufatay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo