(ERGO)-Daka muruq-maalka ah iyo kuwa danyarta ah ayaa noqday kuwa ugu badan oo saameyn ay ku yeelatay lacagta shillin Soomaliga ah ee laga diiday gobolka Galgaduud mudo sanad ka hor. Diidamda shilling ayey ganacsatada gobolka xilgaas sabab ooga dhigeen lacago been abuur ah oo lasheegay in soo geliyay gobolkaas.
Mahado Ibraahim Aadan, muddo sanad ah gacanteeda kumaysan qabanin wax lacag ah, ha ahaato shilin Soomaali ama doolar. Way shaqeysaa haddana lacagta ay shaqada ka hesho waxaa loogu diraa taleefan, oo dadku ma iticmaalaan wax lacag kaash ah. Mahado iyadu ma haysato taleefan laakiin waxaa lacagta loogu diraa dukaanle ay deris yihiin.
Aroor walba waxay u jarmaaddaa shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka raadsato nolol maalmeedka carruurteeda. Waa 39 jir haysata 8 carruur ah, waxayna ku nooshahay degmada Guriceel.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in lacag ay gacanteeda ku xisaabiso ay ugu dambaysay bishii July ee sanadkii 2017, markaas oo Guriceel laga diiday shilinkii Soomaaliga. Mahado waxay nolosha qoyskeeda muddo saddex sano ah ku maareysaa shaqadaan dhar dhaqista oo aan ahayn mid ay si joogto ah u hesho, lacagta ugu badan ee ay ka heshana waa $3 oo kaliya.
Qoyska Mahado waxuu ku nool yihiin hal qol oo jiingad ah, waxaana kiro ahaan looga qaadaa 12 doolar iyo bar. Si ay lacagta kirada iskaga bixiso waxay hal doolar ka jartaa lacagta ay shaqada ka hesho, taas oo ay ku keydsato dukaanlaha deriskeeda ah.
Intaan la joojinin isticmaalka shilinka Soomaaliga oo, Mahado waxaa shaqada dhar dhaqista maalinta ay hesho ka soo gali jiray lacag dhan 300 oo kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $12, lacagtaas oo ay sheegtay inay ugu filnayd nolol maalmeedka qoyska iyo inay welwel la’aan isaga bixiso kirada guriga.
Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in labo ka tirsan carruurteeda ay ka joojisay waxbarashada dhaqaale xumada qoyska haysata darteed.
Saameynta ka dhalatay diidmada shilinka Soomaaliga ee Guriceel, waxay sidoo kale raad ku yeelatay shaqooyinka uu xamaalka ka mid yahay. Cabdiqaadir Axmed Nuur, oo ka xamaala suuqa magaalada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in si weyn uu u tebay shilinka iyo sidii uu ugu filnaa qoyskiisa.
Lix sano ayuu ku shaqeysanayaa xamaalka, wuxuuna raraa ama rarka ka dejiyaa gaadiidka xamuulka qaada ee suuqa degmada Guriceel. Intaan shilinka la diidin wuxuu maalinti heli jiray ugu yaraan 300 oo kun oo shilin Soomaali ah, wuxuuna ka biili jiray qoyskiisa oo 7 qof ah iyo qoyska walaashiis oo 5 carruur oo agoon ah korsata. Laakiin hadda wuxuu helaa $7 doolar oo u dhiganta 168 kun oo shilin soomaali ah marka lagu qiimeeyo halkii uu taagnaa sarrifka intaan shilinku istaagin, lacagtaas oo aan ka badneen qoyskiisa.
Wuxuu ka cawday dhibaatooyin ay kala kulmaan lacagaha talefoonka lagu dirayo, sida in qof kale si qalad ah lacag ay ugu diraan.
“Lacag ilmaha ay saaxiib nagula yihiin oo ay jeebka kala baxayaan, oo aan ateeno, qad taga iyo taleefopon dab la’ midna ku xirneyn ayey aheyd,” ayuu ku daray Cabidqaadir.
Dadka shilinka la diiday uu saameeyay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xilliyihii lacagta shilin Soomaaliga lagu kala shaqeysanayay ay dadku haysteen dhaqaale, ayna ogolaayeen in lacag fiican ay bixiyaan marka loo shaqeynayo, laakiin hadda uu yaraaday dhaqaalihi, sidaas darteedna uu qofka shaqaalaha ah uusan sidii hore ula gorgortami karin qofka loo shaqeynayo.
Joojinta isticmaalkeeda shillinka waxay sidoo kale saameysay sarrifleyaashii ku shaqeysan jiray lacagaha la isku badesho ee shilinka iyo doolarka. Halkii sano ee la soo dhaafay ma jirin wax lacag la kala sarrifanaayay. Qaar ka tirsan sarrifleyaashii ayay shaqo la’aan haysaa, halka qaarkood ay ku khasbanaadeen inay xirfadaha badeshaan.
Iidle Sheekh Yuusuf, oo shan sano sarrifle ka ahaa Caabudwaaq ayaan haynin wax shaqo ah tan iyo markii shilinka la diiday, mana laha xirfad kale oo uu ku shaqeysan karo. Siddeed milyan oo shilin Soomaali ah ayuu haystay markii uu shilinku joogsaday una taala guriga. Boqol kun oo shilin ayuu maalinti heli jiray marki uu sarriflaha ahaa.
Waa xaasle uu qoyskiisu yahay 4 qof, tan iyo muddadaas wuxuu dulsaar ku yahay hooyadii oo uu soo biilo walaalkiis oo Muqdisho ku nool.









