Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro ka faa’iideystay xirfado shaqo oo loo abuuray

Radio Ergo by Radio Ergo
July 9, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xerada qaxootiga Xagardheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Khaliif Cabdirashiid Xasan oo 26 jir ah , wuxuu ka howl gala qeybta nafaqeynta ee xarunta caafimaadka ee Heal Post 6 ee xerada qaxootiga Xagardheer. Khaliif ayaa kamid ah 68 dhallinyaro ah oo dhowaan dhammaysay cilmiga caafimaadka oo si lacag la’aan ah fursad ugu helay inay uga bartaan koleej ku yaalla magaalada Mombasa, oo xarun ka samaystay xerada.

Muddo sannad ah oo uu baranayay caafimaadka, ayaa ugu dambeyn u horseeday inuu hadda ka howl galo xarunta nafaqo-celinta ee xerada Xagardheere, wuxuuna xarunta u qaabilsan yahay baaritaanka iyo daweynta dadka la ildaran nafaqo-darada.

“Dareen aad u weyn ayay ii leedahay, weligay waa ku riyoon jiray ilaa aan yaraa inaan caawiyo bulshadeyda oo aan wax u qabto, gaar ahaan marka aan dib ugu laabto dalkeyga, cilmigii aan bartay aan wax ugu qabto dadkeyga,” ayuu yiri.

Xarunta uu Khaliif ka shaqeeyo, ayaa la socota xaaladda carruurta tan iyo marka la keeno ilaa inta ay ka caafimaadayaan. Xarunta waxaa hadda ka diiwaan-gashan yihiin 400 oo carruur ah. oo qaba naqo-darro saa’id ah iyo mid dhex-dhexaad ah, waxayna ka qaataan cuntada nafaqo celinta. Raadiyo ayuu u sharaxay shaqooyinka uu u qabto bukaannada loo keeno.

Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay, in  shaqadan ay ku tiirsan yihiin nolosha qoyskiisa oo ka kooban saddex qof oo ay ku jiraan xaaskiisa iyo gabar uu dhalay. Dhinaca kale ayuu sheegay in ay u tahay fursad weyn oo uu ku caawin karo carruurta nafaqo-darradu hayso, si uu uga bad baadiyo waxyeellada ay nafaqo-darradu u horseedi karto noloshooda.

“Marka hore cunagga da’diisu gaarto lix bilood ilaa shan sano, waa in MUAC –giisa ama gacanta marka laga cabiro uu noqdaa  inka yar 11.4 cm, sidoo kale waa inuu cunuggu qaadan karaa buskudka la siinayo ee Pulpi Nute.  Asbuuc ayuu cunuggu xarunta ka maqnaanaya oo uu soo qaadanayaa buskudka. Maalintii labo xabo ayaa cunagga la siiyaa, miisaankiisa ayaana lagu siiyaa,” ayuu yiri.

Khaliif ayaa xeryaha Dhadhaab yimid sannadkii 1992-dii, isaga oo markaa jiray afar bilood oo keliya. Waxbarashadiisii dugsiga sare ayuu dhammeeyey sannadkii 2011-kii, wixii xilligaas ka dambeeyeyna ma helin shaqo uu si joogta ah u qabtay.

Xilli heerka shaqo la’aanta ee xeryaha barakaca ee Dhadhab uu aad u sareeyo, gaar ahaan ardayda sanad walba  dhammeeya dugsiyada sare, ayaa hay’adda IRC oo kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala xeryaha Dhadhaab, waxay dhalinyaradan ka bixisay waxbarashada caafimaad oo muddo sannad ah socotay.

27 kamid ah dhalinyaradaas ayaa shaqo helay wax ka yar saddex toddobaad kaddib markii ay qalin jebiyeen, oo ku beegan 22-kii bishii hore ee Juun.

Yuusuf Maxamuud Cismaan oo 24 jir ah, waxaa uu kamid yahay dhallinyarada ka fa’iideystay fursadda aqooneed, waxaa uuna ka howlgalaa qeybta bukaan-jiifka ee dadka qaba xanuunka daacuunka ee lagu daweeyo isbitaalka xerada Xagardheer, oo ah kan ugu weyn xeryaha Dhadhaab.

Sanado badan kaddib. oo ay isaga iyo qoyskiisu ku tiirsanaayeen gargaarka ay hay’aduhu siiyaan qaxootiga, Yuusuf hadda waa qofka keliya ee soo saara nolol maalmeedka qoyskiisa, taas oo u ah tallaabo ku sii dhiirrigelineysa shaqadiisa.

“Shalay markii aan shaqaynayn, waxaan ahaa qof mas’uul laga yahay, mar walba wixii uu u baahdo la siinayo. Maanta oo aan shaqeeyo oo aan nin caafimaad bartay ahay, anaaba hadda caawiya dadkeyga, waxaana cid dhan u ahay hormuud. Wax weyn baa iska kay beddelay,” ayuu yiri.

Yuusuf ayaa xeryaha Dhadhaab ku dhashay sannadkii 1994-tii, waxaana uu iskuulka dhammeeyey sannadkii 2013-kii. Wali ma guursan waxaana uu la nool yahay waalidiintiisa iyo afar carruur ah oo ay walaalo yihiin.

Qaar badan oo ka tirsan dhaklinayrada ku nool Dhadhaab, waa shaqo la’aan, sababtoo ah fursadaha shaqo ee xeryaha oo aad u yar iyo dhallinyarada oo aan badankoodu helin deeqo waxbarasho oo dugsi sare dhaafsiisan.

Xarunta uu Yuusuf hadda ka howlgalo oo bilihii Maarso iyo Abriil ay dad badan jiifeen, ayaa hadda waxaa jiifa shan qof oo qaba cudurka daacuunka, waxaana uu Yuusuf daaweyn joogta ah siiyaa bukaannada, iyadoo sidoo kale ay xilli kasta filan karaan in bukaanno cusub loo keeno maaddaama xanuunku dhowr jeer oo hore uu xeryaha ka dillaacay.

“Daacuunka waa xanuun khatar ah, oo haddii aan qofka aad loogu dadaalin uu 24 saacadood gudohood ku dhiman karo. Meeshan dad badan oo sakaaraad ah oo xanuunsan baa la keenay, si fiican baan dadkii u caawiyay, qaar markii ay meesha ka baxaan bay iigu mahad celiyaan,” ayuu yiri.

Kuma eka oo keliya dhallinyarada caafimaadka bartay, kuwa helay fursadaha shaqo ee ka jira xeryaha, laakiinse waxaa sidoo kale jira dhallinyaro helay tababaro ay ka dhaxleen xirfado kala duwan oo ay uga dhex-shaqaystaan xeryaha.

Cabdinaasir Cabdulaahi Jaamac waa 26 jir, waxaa uu saddexdii sano ee ugu dambeeyey ka shaqeeyaa hagaajinta xargaha korontada qaada. Wuxuu ka howl-galaa mid kamid ah xarumaha ay yaallaan matoorrada korontada laga dhaliyo ee xeryaha Dhadhaab. Cabdinaasir ayaa sidoo kale leh macaamiil u gaar ah, kuwaas oo u yeerta marka ay korontadu ka danto, ama marka ay u baahdaan cillad bixin dhanka korontada ah.

Waa aabaha labo caruur ah, dhaqaalaha uu ka helo xirfaddiisa ayuu ku maareeyaa nolosha qoyskiisa. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in inkasta oo shaqada korontadu ay tahay mid halisteeda leh, haddana uu si taxadar leh uu u cillad bixiyo xargaha korontada.

“Waa run oo ma dhib yara, laakiinse anigu waan ka shaqeeyaa. Dadka waxay haystaan taleefankayga, waa i soo wacaan, waana u hagaajiyaa. Waxa i soo gala waxay ku xiran tahay cilladaha dhaca markaa. Mararka qaar xilli habeen ayaa lagu soo wacayaa, waa inaad u tagtaa macaamiisha, waana qaali. Waxaa laga yaabaa in alaab gubatay, waa in aad deg-deg meesha u tagtaa si aan khalad kale oo koronto u imaan,” ayuu yiri.

Cabdinaasir ayaa xeryaha Dhadhaab yimid sannadkii 2008-dii, isaga oo ka soo cararay dagaal xilligaas ka dhacay magaalada Muqdisho. Markii uu xeryaha yimid ma helin fursad uu ku sii wato waxbarsahada dugsiga sare, laakiinse wuxuu maalmaha qaar heli jiray tababarro farsamada gacanta oo ay  hay’adda NRC ka bixin jirtay xerada Xagardheer.

 

Previous Post

Burco: Abwaan da’yar oo gabayo ka sameeya dhibaatada tahriibka iyo qaxootiga

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhaq-dhaqaaqa suuqa xoolaha Beydhabo oo dib u soo laabtay

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo