Labo carruur ah ayaa cudurka shubanka ugu geeriyooday isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho Axaddii la soo dhaaftay. Isbitaalka oo ay horay ugu jireen 35 carruur ah ayaa shalay oo arbaco ahayd la geeyay 15 bukaan, kuwaas oo 50 qof ka dhigaysa tirada hadda cudurka u jiifta isibtaalka.
Drs Luul Maxamuud Maxamed oo ah madaxa qaybta carruurta ee isbitaal Banaadir ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in cudurkani xeryaha ka jiray tan bishii hore, uuna sii kordhayo, waxaana carruurtan barakacayaasha ah shubanku ay ka qaadeen sida ay dhaqaatiirta isbitaalka Raadiyo Ergo u xaqiijiyeen biyaha wasaqaysan iyo nadaafad darida degaanadooda ka jirta.
Roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho bishii hore ayaa waddooyinka iyo biyo galeenka ah ku yaalla xeryaha barakaca dhigay biyo wasaqaysan kuwaas oo weli aan laga saarin, waxaana wasaqowga biyahaasi ka dhashay shubanka hadda jira.
Bukaanada ayaa la siiyaa daawooyin fuuq celin ah iyo kuwa xanuun baabi’iye ah, iyadoo carruurta shubmaya loogu daro nafaqo celin si looga baaqsado in difaaca jirka cunugu sii baabba’o.
Qof kasta oo booqanayana isbitaalka waxaa laga codsadaa inuu lugaha ku dhaqdo biyo leh milanka kolariinka oo lagu shubay meel xeendaaban oo loogu talagalay qofku inuu inta dambe ee kabaha uu geliyo biyaha si uusan cudurka u qaadin.
Xeryaha Rajab, Daynuunaay, Daryeel, Bidhaan iyo Misbaax intuba waxaa ka dilaacay cudurka shubanka. Xerada rajab waxaa ku nool 432 qoys , Daynuunaay iyana waxaa deggan 500 oo qoys, halka bidhaan iyo misbaax isku darkooda ay ku nool yihiin 711 qoys, kuwaas oo ah dadkii abaaraha iyo colladdaha Shabeellaha hoose ka soo barakacay.
Caasho Axmed Maxamed waa 28 jir haysata afar carruur ah, labo kamid ah carururteeda ayay isbitaalka kula jirtaa.Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xannuunku uu markii hore ku bilowday gabadha ugu wayn carruurteeda oo seddex sano jir ah, waxay ku aragtay calaamadaha qandhada iyo sidoo kale matag, xilli habeen ah, maalintii xigtayna saddexda carruur ee kale ay la mid noqdeen iyagoo weliba aad u shubmayay.
“Aroortii ayaan isbitaalka keenay waxaana markii shubanka laga daaweeyay haddana ku dhacday dhammaantood markale jadeeco, hadda aadbay u wanaagsan tahay xaaladdooda oo isbitaalka ayaa daawooyin siiyay, welina aan kula jiraa afartoodii,”ayay tiri Caasho.
Caasho oo ku nool xerada Iftin ee deegaanka kiilo mitir saddex iyo toban ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa timid magaalada oo ay barakac ku tahay 4tii bishii 5-aad ee sanadkii 2016-dii. Markaas oo ay ka soo salkacday sida ay sheegtay gobolka Shabellaha hoose sabab la xiriirta colaado u dhaxeeyay labo beelood oo wada dega halkaas.
Nolosheedu waxay ku tiisanayd dhul beereed ay lahaayeen oo labo hiktar ah, kaas oo tan iyo waqtigaas aysan soo fiirin, waxna ku tacban maaddama deegaankii ay degganayd ee Farxaane labada beelood ee colaaddu ka dhexayso ay heyb ahaan isku dilayeen.
Abshiro Axmed oo ka soo barakacday Baydhabo 2016-kii ayaa kamid ah hooyooyinka kale ee carururtoodu shubanku soo ritey, waxaa uu kaga dhacay gabadha ugu yar carruurteeda oo 1-sano jir ah, waxayna cisbitaalka ku hooyanaysaa shan habeen oo xiriri ah . Qoyska Abshiro Axmed oo beeralay ahaa ayay sheegtay in abaartii dalka ka dhacday ay saamayn ku yeelatay noloshooda. Waxay tilmaamtay in qoysaska ay wada deggan yihiin in badan oo kamid ah uu shuban-biyoodku ku dhacay carruurtooda.
Abshiro waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in biyaha ay ka helaan ceel biyood hareerihiisu ay biyo fariistaan oo ay wasaq yihiin, sidoo kalena halka ay degan yihiin aanu lahayn musqulo ku filan. Xaga hooyga waxaa ay ku nool yihiin labo aqal oo cooshad ka samaysan, dhis wanaagsana aan lahayn.
Saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka Banaadir ayaa waaliddiinta barakacayaasha ugu baaqay inaanay ka daahin ilmahooda inay cisbitaalka keenaan marka ay ku arkaan calaamadaha ay kamid ka yihiin shubanka iyo matagga oo socda wax ka badan 30-daqiiqo, si ilmaha xaaladiisa wax looga qabto, waxaana ay sheegeen in carururta ugu badan ee hadda loo keenay ee xeryaha ka imaanaya la keeno iyagoo aad u fuuq baxay oo halis ay ku jirto noloshooda.









