Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kummanaan arday ah oo duufaantii Sagar ay waxbarasho la’aan dhigtay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 12, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dugsi lacag la’aan ah oo laga furay Beled-Xaawo

Sawir Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo Boqol iyo todobaatan arday ayaa qarka u saaran inay ka baaqsadaan imxitaanka fasalka siddeedaad ee iskuulada Somaliland, kaasi oo dhacaya dhammaadka bishan Juun. Kaddib markii duufaantii Sagar ee bishii hore ku dhufatay gobolka Awdal ay saamayn ku yeelatay  ilaa 14 iskuul oo ay ardaydaas wax ku baranayeen.

Khasaaraha goobaha waxbarasho gaaray ayaa isugu jira, dhismayaal daadku qaaday, kuwo qayb ahaan dumay iyo qaar uu kala tegay agabkii ay ardaydu wax ku baranayeen sida kuraastii, buugaagtii iyo sabuuradihii, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isu-duwaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ee gobolka Awdal Jeeke Cismaan Ciye.

Iskuulka hoose/dhexe ee degmada Gargaara ayaa kamid ah goobaha waxbarahso ee ay duufaantu sida ba’an u waxyeelaysay, sidoo kale iskuulkan ayaa ah halka loo qorsheeyey in imtixaanka shahaadiga ah ay ku galaan dhammaan ardayda wax ku barata deegaannada hoos yimaada degmada Lughaya.

Maamulaha iskuulkaas Cilmi Gaab Suge ayaa Ergo u sheegay in ardaydii iskuulkiisa dhiganayay ay qaarkood ay waalidkood ku waayeen duufaanta, halka kuwa kalena ay xilligan ay guryaha la joogaan waalidiintood iyaga oo aan waxbarasho u dareerin. Fasalka 8-aad ayuu tilmaamay inaanay fasax galeen, isla markaana ay diyaar u ahaayeen macalimiintii ardayda usii wadi lahayd waxbarashadooda. Balse 19-kii bishii hore ee May ay duufaantu ku dhufatay deegaanka.

Ku dhowaad 8,000 oo caruur ah ayaa dhiganayay Iskuulada ay saamaynta ku yeesheen roobabka iyo duufaanta, kuwaas oo ku yaalla degmooyinka Lughaya, Baki iyo deegaannada hoos yimaada ee gobolka Awdal.

Inkasta oo ay duufaantu kusoo beegantay xilligii ay xirmayeen sanad-dugsiyeedka 2017/2018, ayay ardayda fasalka siddeedaad wali sugayaan xilliga ay u fariisanayaan imitxaanka shahaadiga ah, maadaama ay fasalada kale ka dambeeyaan xilliga ay gelayaan imitxaanka. Guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Awdal Jeeke Cismaan Ciye ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in inkasta oo Somaliland looga diyaar garoobayo imtixaanaadkaas, hadana ardayda ku sugan meelaha ay duufaantku ku dhufatay ay adag tahay inay u fariistaan imixtaanka, maadaama ay burburtay xaruntii ay ku geli lahaayeen.

Raxiimo Maxamuud oo 15 jir ah, waxay kamid tahay ardayda fasalka siddeedaad ee deegaanka Gargaara ee isu diyaarinayay inay galaan imtixaanka shahaadiga ah ee dhici doona dhammaadka bishan Juun. Raxiimo ayaa ka walaacsan inaanay u suurta gelayn inay gasho imitaxaanka, maadaama buugtii ay wax ka akhrisan lahayd ay biyuhu qaadeen. Gurigooda oo ka kooban saddex qol ayay dabeysho saqafka sare ka qaaday, inkasta oo aan wax dhibaato ah ka soo gaarin qoyskeeda.

Isu-duwaha waxbarashada gobolka Awdal ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Jeeke Cismaan oo aanu waydiinay waxa u qorshaysan si ardaydaas dib loogu celiyo iskuulladii, ayaa sheegay in deegannadaas ay u direen khuburo qiimayn ku soo sameeya khasaaraha inta uu le’eg yahay iyo kharashka ku baxaya dib-u-dayactirka iskuullada. Kaddibna ay u howl geli doonaan in dib loo howl geliyo si ardaydii ay waxbarasho u helaan.

Previous Post

Laascaanood: Shuban ka jira deegannadi ay u barakaceen dadki ka cararay colaaddi Tuka-raq

Next Post

Barnaamijka Dakhtarka Raadiyaha

Related Posts

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

Barnaamijka Dakhtarka Raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-SEP-2026

IDAACADDA 14-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2026
September 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo