Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dad qaniinyada abeesada ugu dhintay deegaano hoostaga Berbera

Radio Ergo by Radio Ergo
June 26, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
DEGMADDA JANAALE OO AY KA TAGAN TAHAY ADEEG LA’AAN CAAFIMAAD

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Laba qof ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ugu dhimatay qaniinyada abeesada tuulada Xagal oo 95 km bariga uga beegan magaalada Berbera. 12 qof oo kale ayaa u jiifa dhaawac ka soo gaaray qaniinyada kuwaas oo toddobo kamid ah xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Berbera. Xagal oo aan lahayn xarumo caafimaad ayaa keentay inaanay helin dawo si xaaladooda wax looga qabto.

Labada qof ee u dhimatay qaniinayda abeesada waxaa kamid ahayd gabar labo jir ah oo 14-kii bishan xilli habeenimo ah ay abaasadu ugu gashay aqal Soomaali iyadoo la huruday waalidkeed, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Jaamac Cali Nuur oo ah aabaha dhalay gabadha. Wuxuu tilmaamay in gabadhiisu ay hal mar qaylisay, markuu toosh ku ifiyayna uu arkay abeeso cudada midig ka haysata gabadhiisa, kaddibna uu sidaas ku dilay. Jaamac ayaa intaas ku daray in aroornimadii xigtay ay gabadhiisu u dhimatay suntii abeesada.

Gabadhiisa ayuu sheegay in saacadihii ay xanuunsaday ay siiyeen bari idaad, laakiinse aanay waxba ka tarin xaaladda gabadha oo marba marka ka dambaysa sii xumaanaysay. Deegaanku isbitaal ma leh, waxaase ku yaalla xarun lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhallaanka, taas oo bixisa adeegyada tallaalka iyo bukaan eegtada.

Wuxuu sheegay in abeesadu ay soo baxdo xilliga xagaaga ah ee dhulkuna kulul yahay. Tuulada Xagal oo dhacda dhulka gubanka loo yaqaan ee xeebta usii foorara, ayaa waqtigan lagu arkay abeeso tiro badan oo waxyeelo u gaysanaysa dadka deegaanka.

Jaamac oo xoolo-dhaqato ah ayaa qoyskiisu ka kooban yahay sagaal qof oo kan ugu wayn uu jiro 14 sano jir, gabadha ay abeesadu cuntayna ay ugu yarayd. Baadiyaha tuulada Xagal ayuu ku dhaqdaa 40 neef oo ari ah, kuwaas oo uga soo haray 200 oo neef oo uu abaarta kahor haystay.

Wadada loo maro  magaalada Berbera ayaa ah mid ay ku adag baabuurta maadaama ay buuro iyo bacaad. Gaariga ayaa u socda siddeed saacadood iyo wax ka badan.

Saleebaan Maxamed Dubad oo ah madaxa xarunta caafimaad ee toddobada qof la geeyey, ayaa Ergo u sheegay in bukaannada u yimaada yihiin kuwa tuulada degan, laakiinse dadka ay miyiga ku cunto abeesadu aysan u imaan, maadaama reer miyugu aanay aaminsanayn in qaniinyada abeesadu dawo wax looga qaban karo. MCH-ka ayaa ka kooban saddex qol oo labo kamid ah bukaannada la jiifyo halka kan kalena uu yahay xafiis.

Wuxuu intaas ku daray in reer miyugu ay geed hoostiis ku hayaan qofka ay abeesadu qaniinto, iyaga oo aaminsan inaan la qaadin si aanu u ruxmin, taas oo ah caado-dhaqameed ay sanado badan kula tacaalayeen dadka ay abeesadu qaniinto.

Dr. Faysal Faarax oo kamid ah dhakhaatiirta ka howl gala isbitaalka guud ee magaalada Berbera ayaa dhankiisa Ergo u sheegay inaanay hayn dawadii loogu talo galay qaniinyada abeesada. Wuxuu intaas ku daray inaanay dawadaasi oolin Somaliland, laakiinse ay bukaannada kula tacaalaan dawooyin qallajiyayaal ah iyo faleembooyin ay ku xiraan, kuwaas oo aan wax badan ka qaban xaaladda caafimaad ee bukaanka.

Deegaanka Xagal waxaa saamaysay abaartii dalka soo martay, iyadii dadkii deganaana ay badankoodu u guureen dhulka bannaanka ah gaar ahaan Saraar oo u dhexaysa Burco iyo Ceergaabo. Roobabkii Guga ee sannadkan oo deegaanka ka da’ay ayaa horseeday in xoolo-dhaqatadii ay dib ugu soo laabteen deegaanka.

Previous Post

Dhegeyso Xubinta Qiimaha Xoolaha

Next Post

Barnaamijka beeraha

Related Posts

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Next Post
Baardheere: Qaxooti Dhadhaab ka noqday oo dib u billaabay tacabka beeraha 03 October, 2016

Barnaamijka beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-FEB-2026

IDAACADDA 13-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-FEB-2026
February 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-FEB-2026
February 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo