Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Ceelbarde: Sare-u-kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo maciishadda oo saameeyay nolosha dadka danyarta ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 20, 2018
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Maxaa sababay in shilin soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Xassan Maxmuud oo haysata Lix caruur ah, waxay ka mid tahay dadkii abaartu ka soo barakicisay deegaanka Haluul ee gobolka Bakool, markii 57 neef oo ari ah iyo 12 neef oo lo’a ah oo ay dhaqaneysay ka dhamaadeen. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in saddex maalin oo ay qabato shaqada dhar dhaqista ay ka hesho 50 kun oo shSo ah, islamarkaana aysan u goynin wax maalintii ay hal mar cunnaan halka hore ay labo jeer maalintii ay u gayn jirtay wax ay karsadaan. 

Xaliimo ayaa tilmaamtay in lacagta ay maalintii hesho haddii ay shilin Soomaali noqoto aysan waxba ku gadan oo ay guriga iska dhigto. Reeraha ay u shaqayso qaarkood iyo kuwa ay qaraabo yihiin ayay ka heshaa lacag ay taleefanka ugu soo tuuraan, taas oo ay ku gadato hal kiilo oo bur, bariis ama sokor ah, si ay saddex maalin u haystaan kiiladiiba.

Kiilada sonkorta, burka ama baastada oo horay u ahaa lix iyo toban kun oo shilin Soomaali ah $0.78, ayaa gaaray 40 kun oo Shilin, $1.94, halka liitarka saliidda ah oo horay ahaa 28 kun hadda uu yahay 50 kun oo shilinka soomaaliga ah oo u dhiganta 2.4 doolar.

Isbadelkan dhanka maciishadda ah waxa sababay u ah lacagta kaashka shilin soomaaliga ah oo badan iyo ganacsatada dukaamada oo doolar mooyee aan kaashka wax ku iibsanin, sida uu raadiyo Ergo u sheegay Shuceyb Xasan Maxamed oo kamid ah ganacsatada iibiya raashinka ee degmada Ceelbarde.

Gawaaridii magaalada raashinka keeni jiray ayaan hadda imaan sababo la xiriira biyihii roobka oo xiray waddooyinka magaalada soo gala. Maalintii waxaa raashin keeni jiray saddex ilaa afar gaari, waxaana hadda isbuucii yimaada hal gaari taas oo iyaduna sabab u noqotay in raashinku uu qaali noqdo.

Dadka barakacayaasha ah oo keliya ma aha kuwa ay saamaynta ku yeelatay qiima kororka maciishadda, danyarta magaalada deggana waa ay taabatay, wax buuran ma heysanin, waxay helaanna kama badneyn dab shidka maalintaas, waxaana welwel ku haya iyagoo daruuftaas ku noolaa caqabadaha ay ka mid yihiin maciishada qaaliga ah iyo lacagta ay helaan oo waxba u gooynin.

Mahad Salaad Cabdulaahi oo deggan Ceelbarde, waa aabbe ay noloshiisa ku tiirsantahay xoogsi. Badanaa nolosha qoyskiisa oo ka kooban toddobo ruux wuxuu ku maareyn jiray lacagta uu soo helo. Waxa uu wadi jiray gaari dameer uu xaabo kaga keeni jiray baaddiyaha, inkastoo roobkii da’ay uu xiray waddooyinka magaalada soo gala taasna ay sababta in shaqadu ka joogsato.

Wuxuu Sheegay in marxalad aad ugu adag tahay meel ay u barakacaanna aysan jirin, isagoo xusay  inuu awoodi waayay nolosha qoyska  oo wax dabka looga shido la heyn, marka laga tago caawimaad uu ka helo dad ehladiisa ah oo ceelbarde ku sugan, sida ilmaha adeeradiis oo kala jooga Xudur iyo Ceelbarde oo marka uu qaylo dhaamiyo ka helo shan ama toban doolar oo uu maalintas reerka ku biilo.

“Markii aan guriga tago carruurtu way igu soo ordayaan, waxay cunaan ayay iga rabaan. Ganacsatada waxaan waydiistay inay dayn i siiyaan inta aan lacag ka helaayo, waana ii diideen, guriga maalin walba dab lagama shido”. Ayuu yiri Mahad.

Shuceyb Xasan Maxamed wuxuu ka mid yahay ganacsatada magaalada Ceelbarde ee gobalka Bakool, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in kaashkii cid ka qaadata ay waayeen maaddama magaalada ay ku badatay lacagta shilinka Soomaaliga ah. Caqabadda ugu weyna ay ka timid ganacsatada kale ee ay ganacsi ahaan wax ka dalbadaan inay daneynayaan doolarka.

 

 

Previous Post

Fatahaad baabi’isay kumannaan beer oo ku yaallay tuulooyin ka tisan Balcad

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Reer-miyiga ay abaartu saamaysay oo sayladaha Galgaduud ka iibsanaya xoolo-dhaqaal ah

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo