Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beerallayda gobolka Bari oo khasaare ka soo gaaray roobabkii Guga

Radio Ergo by Radio Ergo
June 28, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Tababar ku dhiirrigeliyay dadkii Dhadhaab ka noqday inay beerahoodii dib u tacbadaan 16 December, 2016

Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roobab xoog leh oo horraantii bishan Juun ka da’ay buuraleyda iyo dhulka banaan ee gobolka Bari ayaa waxyeelo u geystay dalagyadii boqollaal beerood oo halkaas ku yaalla. Daadadka ayaa sidoo kale qaaday qalabii ay beerallaydu ku shaqaysanayeen. Khasaaraha xooggiisa ayaa soo gaaray dhulka beeraha ku haboon eek u yaalla Carmo, Qow, Meeladeen iyo Ufayn, sida ay sheegtay wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha Puntland Siciido Xuseen Cali.

Beerahaas ayaa daadad xoog leh oo ka dhashay roobab ka da’ay buuralayda labadii bisha Juun ku soo celiyeen. Beerallayda ayaan xilli hore helin digniin, ma jirin diyaar gorow ku filan oo ay sameeyeen kahor roobabka.

Mubaarak Ibraahim oo 40 jir ah, isaga iyo qoyskiisu waxay ka mid yihiin 170 qoys oo beellay ah oo soo wajahday barkac iyo dhaqaale burbur. Beer hal hiktar ah oo uu matoor ku waraabin jiray oo ku taalla deegaanka Barookhle oo 17 km u jirta degmada Carmo, isla markaana ay ku tiirsanayd nolosha qoyskiisu, ayaa ku burburtay daadadka ka dashay roobka.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay u barakaceen dhul bannaan ah oo aan sidaas uga sii fogayn halka ay beerta ku leeyihiin, isla markaana aanay xilligan haysan hoy iyo cunto ku filan, inkasta oo ay taageero raashin u badan ay ka heleen qoyskooda oo deggan magaalada Carmo.

Beerta oo uu aabihiis ka dhaxlay ayuu sheegay inay ugu beernaayeen xilligii daadku qaadayay geed mirood ay timirtu ka mid tahay iyo qudaartii kale, sida yaanyada, basasha iyo liin-dhannaanta. Ceelkii uu ka waraabin jiray beerta ayuu sidoo kale sheegay inay biyuhu awdeen. Shan neef oo ari ah ayuu sheegay inay uga bad baadeen biyaha.

Maxamed Faarax Ismaaciil, wuxuu kamid yahay beerallayda ay dhibaatadu ka soo gaartay roobabkii Guga. In kabadan 100 beerood ayay daadadkii ka dhashay roobabka ay qaadeen dhammaan dalagyadii ku beernaa. Maxamed waxaa biyuhu kala tageen abuur iyo agabka beeraha looga shaqeeyo oo uu sheegay in ay ugu kacday lacag dhan $5,000. Lacagta iyo abuurka ayuu ugu talo galay afar beerood oo uu ku leeyahay duleedka degmada Ufayn oo 120 km u jirta magaalada Boosaaso.

Wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland ayaa sheegtay in roobabkaasi oo aan hore looga sii gaashaaman ay khasaare xoog leh gaarsiiyeen beeralayda. Wasiirad ku-xigeenka wasaaradda Siciido Xuseen ayaa Ergo u sheegtay in ilaa 600 oo beerood ay saameeyeen roobabaka iyo daadadka ka dhashay. Masuuliyiinta wasaaradda ayaa xusay in wax soo saarka beerahaas loo iib gayn jiray dhowr magaalo oo ay Boosaaso kamid tahay.

Ka sokow barakaca iyo dalagyada lagu khasaaray, waxaa kaloo jirta saamayn dhinaca deegaanka ah oo ay arrintani ku yeelatay dhul beeraadka ku yaalla degmada Ufayn, sida uu sheegayo guddoomiyaha degmada Cali Jamac. Guddoomiyaha ayaa sheegay in inta badan deegaannadii wax lagu beeran jiray ay hadda isu bedeleen togag ay biyuhu ka jeexeen, taas oo caqabad ku noqonaysa beerallayda.

Previous Post

Barnaamijka Dalan-dool

Next Post

Mudug: Sayladda xoolaha deegaanka Wargalo oo dib loo furay

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE SUUQYADA SOOMAALIYA

Mudug: Sayladda xoolaha deegaanka Wargalo oo dib loo furay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo