Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Waajid: In ka badan 400 oo carruur ah ayay haysaa nafaqo-xumo ay ka qaadeen cunto-yaraan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 27, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Waajid: In ka badan 400 oo carruur ah ayay haysaa nafaqo-xumo ay ka qaadeen cunto-yaraan

Photo|keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Afar boqol iyo afartan carruur ah oo u badan kuwo da’adooda ay ka yar tahay shan sano ayay nafaqa-darro bishaan aynu ku jirno ee Juun ku soo ridatay degmada Waajid ee gobalka Bakool. Nafaqo-xumada ayaa ka dhalatay cunto-yaraan ay wajaheen qoysaska barakaca ku ah sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Dr. Mukhtaar Axmed Xasan oo ah dhakhtar ka howlgala Xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad maxalli ah oo la yiraahdo Gredo.

“Sababta ugu weyn Nafqadarada soo noq noqtey ayaa ah macluul jirta iyo cunto yaraan,sababtoo ah Magaaladii Meelkasta way ka xiran tahay,marka maalin kasta caruur hor leh ayaa nanoo keenaa oo aad u liita sido kale hooyooyinka ayaa iyagana aad u liito” ayuu yiri dhakhtarku.

Degmada Waajid waxaa ay go’doonsan tahay muddo shan sano ah, oo ma jiro gaadiid xamuul ama rakaab qaado oo ka baxa ama gala magaalada. Tani waxay xumeysay xaaladda nolosha bulshada Waajid ku nool. Dadku waxay ku tiirsan yihiin gaari-dameerro si dhuumaleysi ah raashin uga soo qaado tuulooyinka Ceelboon, Buur-dhuxunle, Warmad, Ebde iyo Kurto oo 25 ilaa 45 km u jira Waajid.

Beeraleyda ku nool tuulooyinkaas oo haysta keyd maseggo ah iyo ganacsatada oo tuulooyinkaas soo marsiisto ganacsigooda ayaa suurta galisay in laga soo raro raashin si dhuumaalisi ay ku hesho Waajid. Maamulka degmada ayaa noo sheegay in ay yaraadeen dadkii gaari-dameerrada ku keeni jiray raashinka, cabsi ay waddooyinka kala kulmeen darteed iyo in mararka qaarkood in la gubo raashinka haddii la qabto iyagoo alaab u wado waajid.

Taas waxay keentay inuu kordho qiimihii raashinka lagu kala iibsan jiray gudaha magaalada. Labo bilood ka hor kiilada sokorta ah waxaa la iibin jiray 20 kun oo shilin Soomaali ah, laakiin hadda waxaa la kala siisanayaa 30 kun oo shilin, koombada masegada ah waxay xilligaas ahayd 10 kun oo shilin balse hadda waa 20 kun oo shilin Soomaali ah. Sidoo kale waxaa qiime koror ku yimid raashinka kale ee caadiga ah.

Raashinka lagu keeno gaari-dameerrada waxaa markiba horay ka iibsada dadka dhaqaale ahaan roon ee deegaanka, laakiin dadka barakaca ah iyo dan-yarta ku nool magaalada waxaa ku adkaata inay iibsadaan raashinkaas, qiimahiisa oo sarreeya darteed. 4,270 qoys  ayaa ku barakac ku ah degmada Waajid, sida uu noo sheegay Dr. Mukhtaar Axmed Xasan.

Dowlaay Sheekh Iimaan Waa 36 sano jir, ku nool xerada barakaca Towfiiq ee degmada Waajid. Wiil sedex sano jir ah ayaa hal toddobaad ay ka haysaa nafaqo-xumo uu ka qaaday cunno-yaraan haysato qoyskeeda.

Waxay qoyskeeda ku tiirsan yihiin xaabo ay ka soo gurto duurka, xaabadaas waxay ka heshaa 20 kun oo shilin Soomaali ah waxaana lacagta ay ka hesho xaabada ay soo gurto labadi maalinba mar ay suuragal u tahay in ay hal maalin oo hal gelin ah ay wax karsadaan, waxayna u goysaa hal koombo oo maseggo ah.

Mararka qaarkood ma helaan saliid ay ku iidaantaan iyo shaah, sababtoo ah lacagta uma qeybsanto iidaan iyo inay ku gataan raashin. Waxay sheegtay in carruurta ay masagada la kariyay ku cunaan biyo caadi ah oo ka daba cabaan markay cunaan kaddib.

Wiilkeeda ay nafaqo-xumada hayso waxaa hadda ay siisaa caano nafaqeysan oo laga soo siiyay xarunta caafimaad ee ay maamusho hay’adda Gredo oo ay gaysay marki ay nafaqo-xumada ku aragtay. Toddobaadkiiba hal mar ayaa la siiyaa waxyaabaha nafaqo soo celinta ah ee lagu baxnaaninayo wiilkeeda.

“Cuntada iidaan uma helno badanaa hadii shooda misaga ah soo iibiyo saliid iyo sonkor iyadoo lagu darin ayaa qaleelkeda la cunayaa, haddii maalintaas aan soo waayo wax reerka dabka loogu shido waxay noqonee inay baahi ku joogaan hadii deris dad dab shitay jirana cunto ayaan uga soo qadaa” ayay tiri Dowlaay.

Tuulada Safar-nooley oo 43 km dhan ka bari ka jirto Waajid ayay ka soo barakacday, waxayna halkaan joogtaa hal sano iyo saddex bilood. Dowlaay qoyskeeda waxa uu ahaa beeraley.

Nuurto Cabdi Ibraahim qoyskeeda wuxuu ka kooban yahay 10 qof oo shan ka mid ah ay carruur yihiin. Labo ka mid ah carruurteeda oo kala jira sedex sano iyo sanad iyo bar ayaa hadda laga baxnaaninayaa nafaqa-darro. Waxay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aanay dabka shidanin qoyskeeda.

Nuurto ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in nolosha qoyskeeda ay ku tiirsan tahay shaqo dhar dhaqis ah haddii ay ka hesho dadka magaalada ku nool, fursaddaas oo aan ahayn mid ay si joogto ah u heli karto. Marka ay hesho fursaddaas waxay heshaa hal doolar oo maalintaas ay dabka ku shitaan. Waxay sheegtay in mararka qaarkood ay deyn ka qaadato dukaamo ay macmiil yihiin, waxayna iska bixisaa maalinta ay shaqo soo hesho.

“Gabadha iyo wiilka nafaqa-darrada iga hayso aad ayay ula liitaan, malmalaado ayaan siyaa subax kasta oo xarunta caafimaadka la iga soosiiyay, laakiin is-badel weyn kama muuqdo habeenkii waan la dhafraa maalintiina carruurta kale ayaa cunto iga rabto gargaarna ma helno” ayay tiri.

Gabadha Nuurto oo saddex sano jir ah waxay nafaqo-darrada ka haysaa 11 maalmood, halka wiilkana ay 8 cisho nafaqo-xumada ka baxnaanineyso. Waxay sheegtay in dhakhaatiirta ay u sheegeen in carruurteeda ay hayso nafaqa-darrada heerka labaad.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in heerka nafaqa darada uu aad sarreeyo maalintiina xarunta Gredo la keeno 10 ilaa 15 carruur ah, waxaana heerkaas gaarsiyay go’doonka iyo cunto-yaraanta ka jirta magaalada.

130 kale oo ay ku dhacday nafaqo-darro ayaa bishaan gudaheeda lagu baxnaaniyay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Waajid iyo tan ay maamusho hay’adda ARD oo ah hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.

 

Previous Post

Barnaamijka beeraha

Next Post

Soomaaliya: Abaarti oo baddeshay hab-nololeedkii reer miyiga

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Soomaaliya: Abaarti oo baddeshay hab-nololeedkii reer miyiga

Soomaaliya: Abaarti oo baddeshay hab-nololeedkii reer miyiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo