Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan arday oo fatahaaddii Beledweyne hakad ka gelisay waxbarashadoodii

Radio Ergo by Radio Ergo
May 30, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Kumannaan arday oo fatahaaddii Beledweyne hakad ka gelisay waxbarashadoodii

Dugisga hoose, dhexe iyo sare ee Mujamac ee Beledweyne/Jamaal Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdirisaaq Aadan oo da’da jira 22, waxaa uu kamid yahay in ka badan 1,000 arday oo ka baaqday imtixaanka shahaadiga ee sanad-dugsiyeedka 2017/2018 oo qorshuhu ahaa inay u fariistaan billowgii bishan May, hase yeeshee fatahaaddii ka dhacday magaalada Beledweyne dabayaaqadii bishii Abriil ayey biyihii ka dhashay fatahaadda gudaha u galeen iskuullada.

Qoysaska ay ardaydan ka soo jeedaan ayaa ku barakacay fatahaadda uu webiga Shabeelle ka sameeyey, xaafado afar ah oo ay magaaladu ka kooban tahay. Waxayna intooda badan barakac ku noqdeen deegaanka Ceel-jaalle oo 12 km waqooyi-bari ka xiga Beledweyne.

Cabdirisaaq oo dhiganayay fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Sheekh Maxamed Macallin, ayaa  isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban toddoba qof  waxay markii ay fatahaaddu dhacday u barakaceen dhul taag ku yaalla xaafadda Buundo-weyn ee Beledweyne, waxay halkaas hadda degan yihiin muddo bil ah. Si ay naftooda uga badbaadsadaan biyo galay xaafadooda ayey uga baxeen gurigooda.

Xilliga qoyska Cabdirisaaq ay barakacayeen waxay aheyd 25-ka Abriil oo ay 10 maalmood oo keliya ka dhimaneyd in uu u fariisto imtixaanka, wuxuuna ku jiray diyaar-garow iyo akhrinta casharrada.

Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey, guddoomiyaha dalladda waxbarashada FPENS ee maamusha iskuullada Beledweyne, Prof. Axmed Dhaqane, ilaa 14,000 oo arday oo dhiganayey 10 iskuul oo kuwa hoose/dhexe ayaa waxbarashadoodu ay hakad ku jirtaa muddo bil iyo bar ah saameynta fatahaadaha awgeed.

Imtixaanka fasalka u dambeeye ee dugsiga sare oo ka wada qabsoomay gobollada kale ee dalka ayaa Prof. Dhaqane, waxaa uu tilmaamay in marka ay ardaydu ku soo laabtaan guryahooda gudaha Beledweyne ay qaadi doonaan imtixaanka, ardaydana loo soo sheegi doono waqtiga la qaadayo. Cabdirisaaq Aadan wuxuu ka walwalsan yahay-se sida uu u geli doono imtixaankaas, maadaamaa buugaagtii ay casharrada ugu qornaayeen ay biyuhu la tageen.

Dhammaan iskuullada way xiran yihiin hadda,  waxaana dhex ceegaago biyihii ka soo rogmaday webiga, marka laga reebo hal dugsi oo ka mid ah dugsiyadaas oo biyihii ay ka baxeen, laakiin ay dhiiqadii weli dhex taallo.

Sidoo kale, ardayda fasalka u dambeeya ee dugsiga dhexe ayaa iyaguna uu imtixaanka ka baaqday. Ardaydaas waxaa ka mid ah Miski Cali Cilmi oo 17-jir ah.  Waxay dhiganeysay dugsiga hoose/dhexe ee Mujamac, waxayna raacday qoyskeeda oo u barakacay deegaanka Ceel-gaal,  halkaas oo ay dulsaar ku yihiin qoys ehelkooda ah.

Miski waxay rajo ka qabtaa in ay geli doonto imtixaanka maadaamaa buugaagtii ay wax ku baraneysay oo dhan ay u badbaadeen. Waxay sheegtay in ay u diyaar-garoobi doonto gelistiisa marka ugu horreeya ee lagu dhawaaqo in la qaadayo imtixaanka.

Dad lagu qiyaasay 65,000 oo qoys ayaa ku barakacay fataahadda uu sameeyey webiga Shabeelle dabaqaayadii bishii hore. Qoysaskan ayaa u barakacay dhulal taag ah iyo deegaannada duleedka magaalada.

Previous Post

Qiimaha xoolaha

Next Post

Barnaamijka Beeraha

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Turkiga oo caawin doona Beeraleyda Shabeellada Dhexe

Barnaamijka Beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo