Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kumannaan arday ah oo ay waxbarashada ka hakisay xirista xerada IFO2

Radio Ergo by Radio Ergo
May 7, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhowaad 5,000 oo arday ayaan waxbarasho ku laaban wixii ka dambeeyey dhammaadkii bishii Apriil ee sanadkan. Xerada waxaa ku yaallay 10 iskuul oo hoose iyo dhexe ahaa iyo hal dugsi sare, dhammaantoodna hadda waxaa xiran yihiin, xilli dib loo furay heerarka kala duwan ee iskuullada waxbarasho ee Kenya, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Siyaad Cali Goldhow oo xubin ka ah guddiga waxbarashada ee xerada.

Hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in qorshaha dadka looga rarayo xerada IFO2 uu bilowday dhammaadkii bishii Maarso.

Xaawo Cali 36 jir ah, waxay ka mid  tahay qaxootiga wali deggan xerada IFO2, saddex carruur ah oo ay dhashay da’ ahaanna u dhexeeya siddeed jir iyo 14 jir, ayaa dhiganayay fasallada lixaad, afraad iyo saddexaad ee iskuulka Mwangaza ee hoose/dhexe oo ka mid ah iskuullada xirmay ee ku yaalla xerada.

Waxay sheegtay in hadda carruurteedu ay guriga iska joogaan, iyaga oo  dareemayaan niyad jab ay ka qaadeen waxbarashada ka kala go’day.

“Waxaan meesha u joogay oo aan qamidada iyo moordeyda u cunayay waxbarashadooda ayay ahayd, iyadiina lama hayo,” ayay tiri Xaawo.

Kaaliyaha xafiiska xiriirka arrimaha dibada ee hay’adda UNCHR u qaabilsan xeryaha Dhadhaab Assadullah Nasrullah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in iskuulladii xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo hadda dib loo furay awgeed,  ay dedejinayaan labada toddobaad ee soo socda in qaxootiga ku haray xerada IFO2 ay soo raraan, si carruurtoodu ay waxbarasho u helaan.

Xaawo oo qoyskeedu ka kooban yahay toddobo qof ayaa xerada soo degtay sanadkii 2011-xilligaas oo abaaro ka jiray deegaanka Salagle ee gobolka Jubada dhexe ay qallajisay beer ay nolosha qoyskeedu ku tiirsanayd.

Sida lagu ogaaday qiimayn laga sameeyey xerada IFO2 6-dii bishii Abriil, 70% dadka xerada ayaa sheegeen inaanay xilligan doonayn inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, si aan waxbarashada carruurtoodu u kala go’in.

Raadiyo Ergo oo hay’adda UNHCR wax ka waydiisay cabasho ku aadan in agabkii dhismaha guryaha aan qaxootiga guuraya la siinayn, ayaa Assadullah Nasrullah noo sheegay in arrintaas ay jirto. Wuxuu sheegay in qaxootiga guuraya ay siiyaan gaadiidkii qaadi lahaa iyo bacaha roobka.

Wuxuu sheegay in jiraan caqabado keenay inuu dib-u-dhac ku yimaado qorshihii ahaa in xilli hore dadka xerada degan laga raro.

“Tiirarka baxarasaafka iyo awlaaxda dhismaha oo la joojiyay ayaa ka mid ah caqabadaha naga hor yimi. Waxaadna ogtahay in saddexdii toddobaad ee  la soo dhaafay ay roobab xooggan ka da’ayeen xerada, taas oo caqabad ku noqotay in shaqaalayahagii ay tagaan xerooyinka, maadaama heerka biyuhu ay kor u kaceen,”.

Ardaydan ayaa qayb ka ah ku dhowaad 20,000 oo qoys oo ku haray xerada qaxootiga IFO2 ee Waqooyi-bari Kenya, ayaan helin adeegyadii muhiimka u ahaa sida caafimaadka iyo waxbarashada, muddo hadda laga joogo laba bilood.

Xerada IFO2 waxaa sidoo kale ku yaallay toddobo xarrumood oo qaabilsan caafimaadka iyo hal isbitaal oo oo wayn kaas oo dadka xerada ku nool ay si bilaash ah uga heli jireen dawayn.

Haweenka umulaya iyo dadka kale ee xanuunsada ayaa intii awooda loo qaadaa cisbitaalka xerada IFO1 oo qiyaastii u jirta 5 km ama kan ku yaalla xerada Dhagaxley oo isna u jira ilaa 10 km.

Bakaal Aadan Khayrow oo 53 jir ah, waxaa qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof ay ku nool yihiin xerada IFO2, waxaa xaaskiisa Sahro Maxamed Mataan ay 15-kii bishii Apriil ay ku foolatay xerada. Ma awoodin inuu geeyo cisbitaalka xeryaha kale, maadaama aanu haysan kharashka ku baxaya gaadiidka lagu gaynayo. Sahro ayaa isla maalintaas ku dhex umushay xerada dhexdeeda, kaddib markii umuliso-dhaqameedyo ay gacan siiyeen.

Hadda ayuu sheegay Bakaal in hooyada ay uur ku jirta iyo madaxa ka dareemayso xanuun halka wiilka yar uu diiday naaska. Wuxuu sheegay inaanu awoodin $40 oo gaadiidku ku qaataan gaynta iyo soo celinta bukaannada u baahda cisbitaallada ku yaalla xeryaha kale.

Dowladda Kenya ayaa joojisay diiwaan-gelinta qaxootiga cusub ee imanaya xeryaha Dhadhaab, waxay dhowr jeer ku cel celisay in sida ay u doonayso in xeryaha la xiro.

Previous Post

Cabdullaahi Abuukar, oo ka sheekeynaya hees hableed, kuwa dhaqanka ah

Next Post

Daadad ku dhuftay gobollada dalka Kenya oo saameeyay kumannaan dad ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Daadad khasaare dhaliyay oo ku dhuftay Dila

Daadad ku dhuftay gobollada dalka Kenya oo saameeyay kumannaan dad ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo