Daadad ka dhashay roobabka da’aya ayaa ku dhuftay 30 ka mid ah deegaannada ismaamullada ee dalka Kenya. Kumannaan dad ah ayaa ku barakacay, inka badan 100 kalana way dhinteen. Meelaha daadadku ay saameeyeen waxaa ka mid ah gobolka waqooyi-bari ee Kenya.
Haddaba si aan faahfaahin uga helno khasaaraha ay daadadkan dhaliyeen iyo gurmadka loo sameeyey dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay ayaan ka wareysanay Xasan Roonow oo ah u-qeybsanaha hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya xeryaha qaxootiga Dhadhaab, Maxamed Xaashi oo ka tirsan Ergo ayaa wareystay.










