(ERGO) – Ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Somaliland ayaa sheegaya inay heleen suuq cusub oo adhiga ay u iibgeynayaan, ayna 50,000 neef oo bishaan ramadaan geynayaan wadanka Cumaan, tanoo ah markii u horeysay dekada Berbera laga dhoofinayaa muddo 2 sano ah. 15kun oo neef ayaa Berbera laga dhoofiyay 12 bishan May.
Adhiga hadda la dhoofinayo waxaa laga kala keenayaa sayladaha Hargeysa, Berbera, Burco, Gabiley, Boorama iyo Wajaale, iyadoo ay horay sayladahaani u haysatay iib la’aan dhinaca xoolaha ah tan iyo intii Sucuudigu xanibay xoolaha Soomaaliya laga keeno bishii Diiseembar 2016.
Isuduwaha wasaarada xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil Axmed Cumar Cismaan ayaa radio Ergo u sheegay in todobaadkan xoolihii u horeeyay oo tiradoodu tahay 15 kun oo neef oo adhiya ay ka baxeen dekada Berbera, kuwaasi oo kusii jeeda Dalka Cumaan, waxaa uu sheegay in suuqa cusub ee furmay xoolaha ay yididiilo galinayso Xoolo dhaqatada abaaraha iyo suuq la’aantu iskugu darsameen.
“Maalmahan waa lagu jiray suuqyada, mashquul ayaa dekada ka jiray oo xoolo intii hore ka yar ayaa dekada laga dhoofin jiray balse intaba dhiig joojin ayay u noqonaysaa dadkii dhibaateysnaa ee xoolahoodu waxay siistaan garan la’aa” ayuu yiri Axmed.
Boqolaal qof ayaa ka faa’deysanaya iibka xoolaha ee dib u furmay, waxaana dib shaqada u bilaabay dilaalatadii iyo dadkii kale ee ka shaqeysanayay sayladaha, sida haweenka meelaha cunada ku leh iyo goobaha bagaashka lagu iibin jiray.
Nuur Cigaal waa dilaal xoolaha ku iibiya sayladda Gebiley, ayaa ka mida dadka fursada ka faa’ideysanaya waxaa uu ergo u sheegay in todobaadkan Xoolo afar boqol ka badan uu ka iibiyay saylada Gabiley si uu uga iibiyo ganacsato xoolaha u dhoofinaya dalka Cumaan.
“Marka dhaq dhaqaaq ganacsi yimaaddo fursaddaada dhaqaale ayaa kor u kacaysa, neefkii nus dollar ayaan ka qaataa” Ayuu yiri Nuur
2 sano ka hor ayaa ugu dambeysay saylada xoolo laga iibsado, wuxuu sheegay intii sayladda uusan iib ka jirin in uu xamaal raashinka gawaarida laga rogo donan jiray, marna uu helo marna uu waayo.
“Suuqyada dadkii xoolaha dhaqatada ahaa way keenayaan oo markii hore cid ka iibsata ayaan jirin hadda xoolaha sayladda la keenayaa waa kuwo hillib leh, waxaan la kala siisanayaa kan ugu sareeya 70 dollar.
Maxamuud Jibriil Cismaan waxaa uu ka midyahay xoolo dhaqatada abaaruhu ku hayeen duleedka Kalabeydh oo Gabiley, 15KM ka xigta dhinaca galbeed, wuxuu Ergo u sheegay in todobaadkan gudihiisa laga iibsaday 7 neef oo ka mida xoolihiisa
“400 oo dollar ayaa la iga siistay, raashin iyo daawo xoolaha ayaan iibsadan, waxaan kale oo carruurta u iibsaday kabo iyo dhar ay sanado ka hor ay iigu danbaysay inaan iibsado” Ayuu yiri Maxamuud.
Wuxuuintaas ku daray in 35 maalmood ka hor ah oo roobku ka da’ay deegaankiisa ay xoolaha ka soo kabteen hadda abaartii. Wakhtiga abaarta saddex goor oo uu xoolihiisa geeyay saylada Gabiley ayaa laga iibsan waayay, waxayna ahayd markii ugu danbaysay bishii Maarso ee sanadkaan, sayladuna cidla ayey ahayd.
Maxamuud oo ah 42 jir, waa aabe dhalay shan carruur ah wuxuu sheegay in wakhtiga xoolaha laga iibsan waayay uu raashinka ka bixin jiray walaalkii oo ku nool magaalada Hargeysa, waxaa uu sheegayaa in nolosha qoyskiisa ay ku tiirsan tahay xoolaha nool.
“Haddii la joojiyo awoodii iyo niyadii aad ku dhaqaysa ayaa meesha ka baxaysa oo nin xoolo haysta oo ka gaajeysan ayaa noqonaysaa, laakiin markan la iibinayo haddaad sanad dhaqdo waad ka faa’idi, marka lagaa iibsado”ayuu yidhi Maxamuud.
Abaarta waxaa kaga leeday 50 neef oo ka mida 120 neef oo adhi ah oo uu lahaa Maxamuud, Hadda waxaa nolosha qoyskiisa ayaa kusoo noqotay markii uu xoolaha dhoofka ah iibin jiray.
Xilligii abaarta ayuu sheegay in uu siin jiray Hadhaaga Raashinka, Garaabada Jaadka iyo Karatoonka uu kasoo ururiyo magaalada Gabiley si aan u quudiyo.
Cabdiqaadir Maxamuud Yoonis oo ah khabiir dhinaca wax soosaarka iyo dhaqaalaha, bare ka ah jaamacada Hargeysa ayaa Ergo u sheegay in xoolaha la iibsanayo ee wadamada Carabta loo iibgeeyo ay muhiim u tahay dhaqaalaha Soomaalida, dhoofkaan xoolaha uu wax ka tarayo sicir bararka dhinaca raashinka iyo lacagta adag ee ka taagan Soomaaliland.
“Qofkii sanad dhan xoolihiisa dhaqayay marka lagu yidhaa lagaa iibsan maayo waa dhibaato nololeed, laakiin hadba xoolaha yare e la iibsanayaa, noloshii ninka xoolo dhaqatada ahaa iyo magaalada joogayba kor ayay usoo qaadaysaa”ayuu yidhi.
Isuduwaha ayaa sheegay in Cumaan xoolaha iibsan doonaan bishaan Ramadaanta, haddii ay ku qancaan caafimaadka xoolaha ay sii wadayaan, wuxuuse sheegay in la filayo in suuqa Sacuudiga iyo Yemen lasoo celiyo oo wasiiro ka tirsan dowlada Todobaadkan ay tagayaan dalka sacuudiga si ay ugu soo qanciyaan in xoolaha ay xayiraadda ka qaaddaan.
“Dhakhaatiirtii maxjarka ayaa jooga oo baadhaya neef walba caafimaadkiisa, xooluhu way qurux bateen, insha allah waxaanu rajeynaynaa in suuq kale oo dheeri ah ilaahay inooga dhigo kan hadda bilaabmay.
Hore waxaa Cumaan loogu dhoofin jiray lo’ aan badneyn, balse suuqyada ugu badan ee xoolaha Somaliland ka dhoofa waxaa uu ahaa Sacuudiga oo sanadkii loo dhoofin jiray 4 milion oo iskugu jira Geel iyo Adhi ah.










