Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jarista Garan-waaga oo dad abaaraha ku cayroobay shaqo abuur u noqday

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Jarista Garan-waaga oo dad abaaraha ku cayroobay shaqo abuur u noqday

Sawir:kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Rowda Aadan Jaamac oo ah 42 jir ay barakicisay abaarta gobolka Togdheer waxay ku faraxsan tahay in aysan ka walwali doonin cuntada carruurteeda oo sagaal ah. Si ka duwan bilihii la soo dhaafay oo waxa keliya ee ay ku tashato uu gargaar ahaa waxay noloshooda ku maareyneysaa lacag ay ka qaadatay mashruuc shaqo-abuur ah oo loogu talagalay dadka soo barakacay. Lacagtii ugu horreysay ee ay qaadatay ayay toddobadii bishan ku soo iibsatay min saddex haaf oo sokor, bariis iyo bur ah, iyo saliid iyo caano.

Waxay ka mid tahay 600 oo qof oo ah xoolo-dhaqato abaaraha ku ceyrtoobay, kuna barakacay ah oo ka faa’ideysanaya mashruuc labo bil soconaya oo deegaanno ku yaalla gobolkaas looga jarayo geedka Garan-waaga ah, kaas oo ay fulineyso hay’ad gudaha ka shaqeysa. Qof kasta oo dadkaas ka mid ah oo shaqeyn doona lix maalmood toddobaadkii waxaa hormaris ahaan bil kasta loo siin doona $82.

Waxaa geedkan laga jari doonaa dhul ballaaran oo isugu jira dooxooyin iyo dhul-beereed oo ku yaalla magaalada Burco iyo tuulooyinka hoostaga ee kala ah Beer iyo Yiroowe ee gobolka Togdheer, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xasan Cawil Dirir oo ah madaxa Dalladda Maxalliga ah ee Reer-guuraaga iyo Deegaanka ee Geeska Afrika (PENHA). Waxaa dhaqaalaha ka caawinaysa hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Dadka shaqo abuurka loo sameeyey oo da’doodu u dhexayso 25 ilaa 50 jir ayaa lagu soo xulay hadba sida ay u kala baahi badan yihiin.

Rowdo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ninkeedu uu shaqo la’aan noqday, kaddib markii abaartii labadii sano ee la soo dhaafay ay uga dhinteen 180 neef oo ari ah iyo 7 geel ah. Xoolahaas oo hadda ay uga soo hareen toban neef oo ari ah.

Waxay sheegtay in raggu ay dhirta jaraan, halka dumarkuna ay gubaan. Xilligan ayay sheegtay inaanay welwel ka qabin cunno la’aan maadaama bishan wixii ay cuni lahaayeen ay guriga u yaallaan.

Xasan Cawil madaxa PENHA ayaa sheegay in arrintan ay ku kalliftay kaddib markii ay arkeen in geedkan uu ku sii faafayo gobolka Togdheer, gaar ahaan meelihii ku haboonaa beeraha.

Abshir Cabdi Yuusuf oo 45 jir ah, Lix carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayuu ku hayaa kaamka Siliga ee ku yaalla bariga Burco. Sannad iyo laba bilood oo uu shaqo la’aan ahaa kaddib, hadda waxaa uu ka mid yahay dadka ka faa’iideysanaya shaqo abuurka jarista Garanwaaga.

Lacagtii u horreysay oo $82 ah oo bishan bilowgeedii qaatay ayuu qoyskiisa ugu iibiyay raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid, oo uu sheegay inay dabooshay baahidii ay qabeen. Ergo ayuu u sheegay inuu jeclaan lahaa in shaqo abuurkan sii socdo, si ay uga baxaan gargaarka ay ku tiirsan yihiin.

Qoyska Abshir ayaa markii hore ku noolaa gargaarka ay ka helaan caawimaada ay mar mar keenaan xeryaha hay’ada deeqda bixiya. Wuxuu deegaanka Habuura oo ku taalla howdka gobolka Togdheer, oo 83 km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Burco, uu ku dhaqan jiray  180 neef oo ari ah iyo 26 geel ah. Wuxuu sheegay in dhammaantood uu abaarta ku waayay, taas oo ku kalliftay inuu xerada hadda uu ku nool yahay usoo barakaco.

Geedkan oo deegannada Soomaalida qaar looga yaqaano ‘keligii noole’ ayaa dhibaato u leh deegaanka sida uu qabo Maxamed Faarax oo bare ka ah kulliyadda beeraha ee jaamacadda Burco. “Wuxuu xirayaa dhulkii togaga ahaa, halka uu ka baxona geed kale ka bixi maayo oo dhirta kale waa suulinayaa, mana aha geed anfac u leh xoolaha iyo dadka,” ayuu yiri Maxamed.

 

Previous Post

Guryo-la’aan haysata qoysas qaxooti ah oo dumiyay guryahoodii xerada la xirayo ee Ifo2

Next Post

For instance, student loans allow you to get coaching and the schooling nowadays to obtain a larger pay tomorrow.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

For instance, student loans allow you to get coaching and the schooling nowadays to obtain a larger pay tomorrow.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo