Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guryo-la’aan haysata qoysas qaxooti ah oo dumiyay guryahoodii xerada la xirayo ee Ifo2

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Guryo-la’aan haysata qoysas qaxooti ah oo dumiyay guryahoodii xerada la xirayo ee Ifo2

Nimco Mahad oo carruurteeda la fadhida halka ay gurigeeda ka dumisay/Axmed-Nuur Yogol/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nimco Mahad Samatar waxay habeenkii tobnaad ku hoyaneysaa meel bannaan ah, kaddib markii ay gurigeeda dumisay si ay u ilaaliso waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in la xirayo xerada Ifo2 ee degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Hooyadan oo haysata toddobo carruur ah ayaa ku tashaneyd in gebi ahaanba la xirayo xerada wixii ka dambeeya 31-kii Maarso. Waqtigaas waxaa horay u shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan qaxootiga (UNHCR).

Afar habeen oo xiriir ah oo toddobaadkan ah waxaa cidladaas ku helay roobka gu’ga oo si xooggan uga da’ay xeryaha. Waxay sheegtay in aysan ogeyn sababta ay dib uga dhacday guuristeeda oo ku xirneyd in hay’adda UNHCR ay guri kale ka siiso xerada Ifo1 toddobaad ka hor. “Guriga waxaan ku fikireynay inaan kii kale qaadaneyno oo dhisaneyno, kanna aan ku sii yabyabaneyno,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in la siiyay kaar ay ku qoran yihiin calaamadihi ay guriga ku qaadan lahayd iyo magaceeda.

Xeradan waxay hoy u tahay 18,000 oo qoys. Waa tan ugu dadka yar, waxayna qoysaska deggan u badan yihiin dadkii ka soo qaxay abaarihii Soomaaliya ku dhuftay 2011. Sababaha loo xirayo mid ka mid ah waa in deeq-bixiyeyaasha ay dhimeen dhaqaalihii ay ku taageeri jireen qaxootiga xeryaha Dhadhaab, maaddaama tiro badan oo dadkaas ka tirsan ay si iskood ah ugu noqdeen Soomaaliya.

Kala-bar dadka ku nool Ifo2 ayay hoy la’aan haysataa sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha xerada, Cali Cabdulle Cali. “Waxay ahayd in guryo la siiyo, kaddibna ay guuraan, gurigiina qeyb yar ayaa qaatay,” ayuu yiri. Dad ku dhow 2,000 oo qoys ayuu sheegay inay ku kala biireen xeryaha Ifo1 iyo Dhagaxley tan iyo bishii hore oo UNHCR ay billowday guri-bixinta.

Wuxuu xusay shir ay bishii hore ee Maarso ay Dhadhaab kula qaateen hay’adaha in looga hadlay arrinta guurista. Sida uu sheegay waxaa lagu wargeliyay in dadka ay gaarsiiyaan in la rarayo oo saddexda xero ee kale lagu kala biirinayo, maaddaama aysan xeradan u sii furnaan karin dhaqaale-darro awgeed.

“Si rasmi ah looma xirin xerada, waa howl billaabatay laakiin aan weli dhammaan,” ayuu yiri Assadullah Nasrullah oo ah sarkaal ka tirsan UNHCR oo ku sugan xeryaha Dhadhaab. Wuxuu qiyaasayaa inuu qorshahan soo idlaan doono ilaa dhammaadka bisha.

“Dadka waxaan ku wargelinnay in aysan guryahooda dumin ilaa aan sidaas u sheegno. Marka waxaan la yaabbanahay sababta ay guryahooda u dumiyeen, iyadoo aan guryo laga siinin xeryaha kale,” ayuu ku sii daray.

Nasrullah ayaa tilmaamay maaddaama aysan dadka halmar wada rari karin inay mudnaan kala siinayaan iyagoo la tashanaya maamulka xerada iyo hoggaamiyeyaasha qaxootiga. Waxay dadka geeddiga ah ugu talagaleen agabkii ay guryaha ka dhisan lahaayeen iyo taageero lacag ah oo ay u kaashadaan safarka, marka waxaas oo dhan ay helaan oo guryaha ay ka dhistaan meelaha laga siiyayna ay tahay inay guuraan.

Hase yeeshee, sarkaalka ayaa xaqiijiyay in la la joojiyay qaar ka tirsan adeegyadii muhiimka ahaa ee xeradaas. Isbitaalkii weynaa ee Ifo2 ayaa xiran tobankii cisho ee u dambeeyay. Laakiin sida uu xusay Nasrullah iskuullada oo hadda muddo bil xiran imtixaannada dartood ayaa dib loo furi doonaa dhammaadka Abriil. Carruurta qoysaska guuray waxaa u furan inay ku biiraan iskuullada xeryaha ay degaan.

Isbitaalka dadka ku xirnaa waxaa ka mid ah Cabduqaadir Xuseen Buulle oo 57 jir ah, kaas oo caafimaadka hooyadiis oo 90 jir ah uu si joogto ah uga warqabay isbitaalka. Dhiig-kar ayaa hooyadiis laga sheegay, intii aan la xirinna saddex habeen ayay xanuun dartiis u jiiftay isbitaalka. “Rukun buu noo ahaa oo haddii uu xanuunka ku soo noqdo soo celiya ayay ahayd ballanti noo dhaxeysay,” ayuu yiri. Wuxuu xusay in dhibaatada ugu daran ee hadda haysata ay tahay in aanay hayn xiriirka goob caafimaad, haddii ay haweenay fool qabato, qof uu xanuunsado ama la qaniino. Ambalaastii keliya ee ay lambarka ka hayeen shaqada way joojisay.

Dadka qaar waxay noo sheegeen inay weli arrimaha caafimaad u aadaan xeryaha kale ee furan. Laakiin Nasrullah ayaa sheegay in adeegyada caafimaad aanay boqolkiiba boqol xirneyn, isla markaana ay diyaar yihiin qeybo ka jawaaba xaaladaha degdegga ah.

Previous Post

Qoysas laga saaray xerada Hargaha iyo saamaha ee Muqdisho

Next Post

Jarista Garan-waaga oo dad abaaraha ku cayroobay shaqo abuur u noqday

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Jarista Garan-waaga oo dad abaaraha ku cayroobay shaqo abuur u noqday

Jarista Garan-waaga oo dad abaaraha ku cayroobay shaqo abuur u noqday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo