Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xerada qaxootiga Xagardheer

Radio Ergo by Radio Ergo
April 27, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xerada qaxootiga Xagardheer
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Salaad Cali oo 7 jir ah, ayaa laba laba maalmood ka hor u dhintay cudurka daacuunka oo ka dilaacay xerada qaxootiga Xagardheer ee Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya. Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay madaxa caafimaadka bulshada ee xerada Dr.Cabdijamaal Xasan.

Dr. Cabdijamaal ayaa intasa ku daray in markii loo soo sheegay xaaladda bukaanka ay u direen gaariga gurmadka deg dega ah oo keenay isbitaalka xerada. Baaritaannoo iyo dadaal ay sameeyanna ay ku guuleysan waayeen iney bad baadiyaan Cali.

Cabdi Cali Cusmaan oo ah adeerka wiilka dhintay isla markaana soo korsaday, ayaa Ergo u sheegay in xilli habeennimo ah uu xanuunku ku soo booday wiilka, kaddibna ay ula carareen isbitaalka. Wuxuu intaas ku daray in markii la geeyey isbitaalka laga waayay xidid laga siiyo falmeebo, iyadoo markii dambe dhakhaatiirtu ay siiyeen dawo fuuq celin ah (ORS), laakiinse shubankii iyo mataggii uu istaagi waayay, sidaasna uu maalintii xigtay ku dhintay.

Sidoo kale haweenay iyo ilmyar ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu dhintay gudaha xerada labadii toddobaad ee la soo dhaafay, sida dhakhaatiirta isbitaalku u sheegeen Raadiyo Ergo. Labada qof ayaa dhintay kahor intaan la keenin xarrunta caafimaadka.

Isbitaalka xerada waxaa hadda jiifa oo lagu daweynayaa 13 qof oo siddeed ka mid ah ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay shan sano. Kuwaas oo la siinayo dawooyin joojinaya fuuq baxa, inta laga xaqiijinayo xanuunka haya.

Dr.Cabdijamaal Xasan ayaa Ergo u sheegay in marka bukaannada loo keeno ay meel gaar ah jiifiyaan, inta qofka ay ku socdaan baaritaannadu. Kaddib ayaa la ogaadaa inuu hayo shuban biyood ama daacuun, hadba sida lagu xaqiijiyo baaritaanka ka soo baxa sheybaarka.

Hay’adda IRC oo gacanta ku heysa caafimaadka xerada, ayaa faafitaanka cudurradan u sababaysay roobab xoog leh oo xerada ka da’ayay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Iyadoo biyuhu ay qaadeen musqulo si kumeel gaar ah ay dadku u dhisteen kaddib markii hore ka buuxsameen iyo carruurta oo meelaha biyuhu isugu yimaadeen ku qubaysanaya kaddibna guryohooda dib ugula laabanaya bakteeriyadii, sidaasna ay xanuunkii ku gudbinayaan.

Caasho Cabdiqaadir oo qoyskeedu sagaal qof ka kooban yahay, waxay ka mid tahay qaxootiga xerada Xagardheere. Laba carruur ah oo ay ayeeyo u tahay ayay maalintii toddobaad kula jirtaa qaybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka xerada. Carruurtan oo kala ah gabadh oo 6 jir ah iyo wiil 7 jir ah, ayay Caasho sheegtay in ay u maleynayso in cudurku ay ka qaadeen nadaafad darro ka dhalatay musqul la’aan heysata qoyskeeda, iyadoo carruurta ay bannaanada u saxaro tagaan..

Caasho ayaa sheegtay in muddo shan sano aanay fursad helin musqul, taasna ay ku khasabtay in ay carruurto aadaan bannaanada xerada ku dhex yaal, halka dadka waaweyna ay maryo iyo geed la isku xiray ka samaysteen musqul ku taalla xerada dhexdeeda. Dhowr jeer oo ay cabasho u gudbiyeen hay’adda gacanta ku heysa xerada, ayay sheegtay in ay usii gudbiyeen guddoomiyaha xerada, dhankiisana aanay ilaa hadda waxqabad ka heyn.

Cabashada qoyskan oo aan gudbinay hay’adda CARE oo qaabilsan faya-dhowrka xerada ayaa sheegtay in ay jiraan baahiyo dhanka musqulaha ah oo ka jira xerada. Inkasta oo ay u diiwaan gashan yihiin musqlaha buuxsamay iyo kuwa dayactirka u baahan, hadana dhaqaale xumo jirta ay arrintaas caqabad ku noqotay. Sida uu Ergo u sheegay Aadan Ismaaciil Sanweyne oo hay’adda CARE u qaabilsan nadaafadda iyo fayo-dhowrka xera.

Qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala xeryaha qaxootiga ayaa bilaabay wacyi gelinta khatarta xanuunka. Gawaari ay saaran yihiin cod baahiyaal ayay la dhexmaraan xerada, iyadoo dadka loo sheegayo sida ay uga fogaan karaan in cudurku ku dhaco, isla markaana ay isaga fogayn lahaayeen qashinka.

Previous Post

Stephen King And THE STREET To Hell For Writers

Next Post

Dhadaab: Carruur cudurka daacuunka u geeriyooday iyo qaar kale oo la daweynaya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xerada qaxootiga Xagardheer

Dhadaab: Carruur cudurka daacuunka u geeriyooday iyo qaar kale oo la daweynaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo