Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Waddo siddeed sano colaad u xirnayd oo dib loo furay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 27, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Waddo siddeed sano colaad u xirnayd oo dib loo furay

Odayaasha Togdheer

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa toddobaadkii tegay dib loo furay jidka xiriirya magaalooyinka Burco iyo Buuhoodle, kaas oo ku xirmay colaado siddeed sano halkaas ka jiray. Jidkaan ayaa ah kan keliya ee xiriiriya labada magaalo oo isu jira 160 km kana wada tirsan gobolka Togdheer.

Labada beelood ee colaaddu dhex martay ayaa hishiis ay odayaasha iyo culimaa’udiinka ka wada shaqeeyeen ku gaaray gogol nabadeed oo la dhigay tuulada Qorilugud oo qiyaastii 40 km waqooyi ka xigta Buuhoodle.

Ganacsiga xoolaha, gaar ahaan kuwa laga keeno Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayuu jidkan muhiim u yahay. Muddadii ay colaaddu jirtay ayay ku khasbanaayeen in ay isticmaalaan jidad ka fog, kana kharash badan.

Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ka mid ah wadeyaasha markii ugu horreysay ee dib loo furay ku safray waddada, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay intii colaadda ay jirtay inay waddadan ka wareegi jireen masaafo gaaraysa 300 km. Safarkaas wuxuu ku qaadan jiray wax ka badan 16 saacadood, halka hadda ay ku maraan wax ka yar lix saacadood.

Tan ayaa sidoo kale wax ka beddeshay qiimaha gaariga lagu raaco. Gaariga Cabdiraxmaan oo nooca xamuulka qaada ah oo safarka markuu dheeraa lagu raaci jiray $20 ayaa hadda noqday $10.

Marka xilli galab ah ay gawaaridu Burco ka baxaan fiidkaba waxay tagaan Buuhoodle, waa marka Qorilugud la maro, halka jidka wareegadka ah ee dheer ay gawaarida ku qaadaneyso ilaa gelinka hore ee maalinta xigta galabta ay soo baxeen sida uu sheegay Cabdiraxmaan.

Ganacsata tuulada Qorilugud oo ah halka gogosha nabada la dhigay ayaa sheegay in meherado ka badan 30 oo isugu jira dukaamo, maqaayado cunto iyo goobo laga qaxweeyo ay ku xirmeen waddo-la’aanta.

Yuusuf Cabdullaahi Maxamed oo goob laga cunteeyo ku haysta Qorilugud ayaa sheegay in muddo sideed sano ah kaddib uu furayo ganacsigiisa. Billowgii colaadda ayuu sheegay in muddo labo bilood ah uu sii shaqaynayay, laakiin markii cuntada uu kariyo uu waayay cid ka cunta maadaama dadku ay deegaanka ka qaxeen, sidaasna uu ku xirmay ganacsigiisa.

Hadda oo uu dib u furay maqaayaddiisa wuxuu xusay in uu helo macaamiil u badan dadka safarka ah. Maalintii shan gaari ayaa timaada deegaanka sida uu sheegay.

Sheekh Cumar Axmed oo odayaasha Buuhoodle ka mid ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in la isku afgartay in qofkii dil gaysta la soo qabto loona gacan geliyo eheladii qofkii uu dilka u gaystay. Dhaca iyo dhibaatooyinka kale ayaa iyana lagu hishiiyay in masuuliyaddeeda ay qaadaan odayaasha iyo maamulka labada dhinac.

Isu-socodkii dadka iyo ganacsigii ayaa istaagay wixii ka dambeeyay bishii Abriil ee sanadkii 2011 oo ay billaabatay colaadda u dhaxeysa labada beel sida uu sheegay Sheekh Cumar. Siddeed jeer oo ay dhinacyadu dagaallameenna waxaa ku dhintay dad ka badan 300 oo qof. Waddada oo kala qeybisa deegaannada labada beel waxay noqotay meel go’doon ah oo looga cabsaday is aaneysi.

Previous Post

Heshiis laga gaaray colaad 8 sano jirtay oo u dhexeeyey qabaail dega Buuhoodle iyo Burco

Next Post

Shuban saddex carruur ah ku dilay Diinsoor

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Shuban saddex carruur ah ku dilay Diinsoor

Shuban saddex carruur ah ku dilay Diinsoor

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo