Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Qoysas xoolihii ka dhammaadeen oo kalluumaysato isu beddelay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 16, 2018
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo dhaqato kalluumeysato isu beddelay

Siciid Aadan Cali oo kamid ah xoolo-dhaqatada kalluumeysatada noqday oo u warramaya weriye Ilyaas Cabdi Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Laba boqol iyo toddobaatan nin oo horey u ahaan jiray xoolo-dhaqato ku cayroobay abaaraha, ayaa muddo ka badan laba bilood hadda ka mid ah kalluumaysatada magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Xoolo-dhaqatada ku biirtay kalluumeysatada ayaa tirada dadka xirfaddan ku shaqeysta ka dhigtay 2,500 oo qof sida uu Raadiyo Ergo u sheegay   isku duwaha Wasaaradda Kalluumeysiga ee gobolka Saaxil Ismaaciil Maxamed.

Xoolo-dhaqatadan oo ku noolaa miyiga deegaannada Mandheera, Laas-ciidle, Abdaal, Macaaneeye, Lafaruug iyo  Galooley oo ka tirsan gobollada  Togdheer iyo Saaxil ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ku shaqeynaya Jillaabashada kalluunka ee xeebaha Berbera.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Somaliland ayaa ugu deeqday 50 laash iyo shabaago  ay ku dabtaan kalluunka qaar ka mid ah xoolo-dhaqatadan. Waxaa loogu qaybiyay laashashka siday usoo kala horreeyeen, waxaana la diiwaan-geliyay markii ay xoolo-dhaqatadii ugu horraysay soo gashay xeebaha bishii siddeedaad ee sannadkii hore. Wasaaradda waxaa qorshahan ka taageeraya Midowga Yurub oo bixiyay lacagta lagu gaday laashashka.

Siciid Aadan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada kalluumaysatada noqday ayaa Raadiyo Ergo uga warramay sababaha ku kallifay inuu ka guuro qaab nololeedkiisii hore. “Baadihaya wax loogu noqdo ma jirto oo xoolihii sannad walba abaar ayaa helaysa,” ayuu yiri.

Siciid oo taageero ka helaya qaar ka mid ah ehelladiisa oo xeebta ka kalluumaysta, ayaa xirfadan ku bartay muddo 10 maalmood ah. 15 kii maalmood ee u horraysay wuxuu xammaali ka noqday dekedda Berbera. Dhammaadkii bishii Sebtembar ayuu raacay kalluumaysato ay qaraabo yihiin oo ku shaqaysta hal laash.

Xilliyada qaar marka ay nasanayaan kalluumaysatadu, Siciid waxaa uu isku dayi jiray inuu keligiis jillaabasho tago si uu u daboolo baahiyaha abaartu ku reebtay qoyskiisa. Maalintii waxaa uu helaa 100 oo shilinka Somaliland ah ($10). Hadda waxaa uu rajaynayaa inuu laba bil kaddib qoyskiisa u soo raro magaalada Berbera, si carruurtiisu waxbarasho ugu hesho.

Shaqadan cusub ayaa u horseeday inuu qoyskiisa bilowgii bishii la soo dhaafay meherad yar oo lagu iibiyo bagaashka uga furo tuulada Mandheera oo ay hadda wali ku nool yihiin. Saddex ka mid ah carruurtiisa oo gaaray heerka waxbarashada ayuu ku daray dugsi ku yaalla isla tuulada.

Tuulada Mandheera oo 100 km galbeed uga beegan Berbera ayuu bishii toddobaad ee sannadkii hore u raray qoyskiisa. Bishii ku xigtay ayuu sheegay inuu go’aansaday inuu u shaqo tago qoyskiisa maadaama 65 neef oo ari ah oo uu dhaqan jiray ay ku dhammaadeen abaarta.

Dadkan oo isugu jira kuwa ku noolaa deegaannada xeebta ku dhow iyo kuwa ay hadda ugu horrayso, ayay wasaaradda kalluumaysiga Somaliland sheegtay in dadka abaaraha ku xoolo beelay ay ka dhaaftay ruqsadaha iyo cashuuraha laga qaado kalluumaysatada kale.

Fadxi Maxamed isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban 8 qof, ayay abaartu ku heshay baadiye u dhow tuulada Lafo-ruug oo 85 km galbeed ka xigta Berbera.  Laba tiro oo ari ah oo uu lahaa, waxaa uga soo hadhay 50 neef, oo hadda qoyskiisu ay ku dhaqdaan tuulada Lafo-ruug.

Markii xoolihii laga iibsan waayay, nolosha qoyskiisuna sii xumaatay ayuu  bishii Oktoobar ee la soo dhaafay la bilaabay jillaabashada wiil ay qaraabo yihiin oo 12 sano ku shaqaysanayay  xeebta Berbera. Wuxuu ka caawiyay fahamka iyo sida looga shaqaysto badda.

Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inuu hadda qorshaynayo inuu xaraasho xoolaha u soo haray, si lacagta uu ka helo uu ugu iibsado laash uu kaga kalluumaysto badda. Wuxuu qorshaynayaa inuu helo shaqo uu madax bannaan yahay maadaama uu hadda wali ku hoos jiro gacanta ninka ay qaraabada yihiin.

Previous Post

Boqollaal qof oo ka cararaya Jubada dhexe ayaa u gacan galay duruufaha ka jira xeryaha Dhadhaab

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo