Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qof oo ka cararaya Jubada dhexe ayaa u gacan galay duruufaha ka jira xeryaha Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
March 15, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal qof oo ka cararaya Jubada dhexe ayaa u gacan galay duruufaha ka jira xeryaha Dhadhaab

Da'ud and his family outside their shelter in IFO2/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qiyaastii 600 oo qof oo ka soo qaxay deegaannada miyiga ah ee gobolka Jubadda dhexe ayaa saddexdii bilood ee u dambaysay gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya. Qoysaskan ayaan ilaa iyo hadda loo diiwaan-gelin qaxootinnimo, si ay u helaan kaalmada ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha xerada IFO2 Cali Cabdille Cali ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in habeennimadii siddeedii bishan Maarso uu arkay ilaa 50 qof oo soo gelaya xerada. Duruufta ay dadkan ku sugan yihiin ayaa ah mid aad u liidata.

“Dadka imaanaya waa kuwo aad u diifaysan, rafaad badanna uu ka muuqdo.” Ayuu yiri.

Inta badan dadkan ayaa ka imanaya deegannada ay Soomaaliya ka maamulaan Alshabaab, waana meelo ay dhibaato ku hayso abaaro iyo biyo yaraan. Tuulooyinkii ay ka yimaadeen ma helin wax gar-gaar ah, iyadoo hay’adaha kaalmada bixiya iyo NGO-du aanay awoodi Karin in ay ka howl-galaan deegannadaas.

Hase ahaatee, dowladda Kenya ayaa hakisay diiwaan-gelinta qaxootiga imanaya Dhadhaab sannadkii 2016-dii. Waxay horey u sheegtay in ay xiri doonto xeryaha.

Raadiyo Ergo oo waraysatay Luuley Maxamed Sheekh oo 25 jir ah oo hal toddobaad oo keliya joogta IFO2 iyada iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Luulay waxay sheegtay in ninkeedii ay uga timi beer saddex hiktar iyo bar ah oo ay ku leeyihiin degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe. Beerta ayay sheegtay inaanay waxba uga soo go’in muddo shan sano ah. Waxay noloshoodu ku tiirsanayd 30 neef oo ari ah iyo 15 lo’ ah, laakiinse markii ay abaartu ku wayday ayay go’aan satay in ay carruurta ula qaxdo Dhadhaab.

Luuley ayaa carruurteeda habeen iyo maalinba ula soo lugysay tuulada Kalooley oo 40 km u jirta Saakow. Waxay uga sii gudbeen Bu’aale, oo ay ka heleen gaari u socda Dhoobley oo ku taalla xuduuda Kenya. Safarka ay uga soo baxeen Saakow ee ay ku yimaadeen Dhadhaab wuxuu ku qaatay muddo 10 maalmood ah.

Tan iyo markii ay yimaadeen Kenya, Luuley waxay sheegtay inaanay helin kaalmadii ay rajaynaysay. Waxay u tagtay xafiiska UNHCR ee ku yaalla xerada, laakiinse kama helin wax gacan qabasho ah. Misaajid ku yaalla xerada ayay ka heshay lacag Ksh2,000 ($20). Dadka xerada ayay ka heshaa kaalmo cunno ah oo ay carruurteeda siisato oo moordi iyo canjeero isugu jira.

Luuley iyo carruurteeda ayaa hadda u hoyda buul ay horey u lahaayeen dad si iskood ah dib ugu laabtay Soomaaliya. Kartoomo iyo maryo ayay dusha ka saartay si ay uga celiyaan qorraxda iyo dhaxanta.

Raadiyo Ergo ayaa sidoo kale la hadashay Daa’uud Cali Xuseen oo 23 sano jir ah, wuxuu ka mid yahay dadkii siddeedii bishan xilliga habeennimada ah yimi xerada IFO2. Wuxuu ka soo qaxay tuulada Buula-hareeri oo 35 km waqooyi ka xigta Saakow ee gobolka Jubbada dhexe. Daa’uud, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo ay dhalay ayaa hal qol la qaybsada dad ay qaraabo yihiin oo xerada uga soo horreeyey.

“Waxaan dhaqan jiray 35 lo’ ah,” ayuu yiri Daa’uud. “Markii 30 iiga dhimatay abaarta, ayaan go’aansaday inaan iibiyo shanta soo hartay. $120 ayaan ka helay, waxaana ka soo dhigtay jid mar aan ku imi Dhadhaab,”.

Qoyska Daa’uud ayaa Buula-hareeri ku lahaa beer laba hiktar ah, taas oo aanay beeran muddo saddex sano ah oo deegaanka aan roob ka di’in. Waxay ku tiirsanaayeen ceel 35 km u jira. Ceelka ayaa ugu dambayn u qalalay biyo la’aan kaddib markii ay ka bateen dadka iyo xoolaha, markaas ayuu Daa’uud go’aansaday inuu ka tago deegaanka.

madaxa warfaafinta hay’adda UNHCR xafiiskeeda Dhadhaab ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2016-dii aan la diiwaan-gelin dad gaaraya 6,982 qof oo Soomaali ah, 12 qof oo ka mid ah waxay ka yimaadeen gobolka Jubbada dhexe.

Dadkan ma helin doonaan wax gar-gaar ah maadaama aan la diiwaan gelin. Waxay sidoo kale dhibane u yihiin in dowladda Kenya xirto oo ay dib u celiso.

UNHCR ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dedaallada ay ku doonayso sidii dib loogu bilaabi lahaa diiwaan-gelinta, taas oo ay kala xaajoon doonto hay’adda qaxootiga u qaabilsan Kenya.

Previous Post

Gaarisa: Gudniinka fircooniga oo lala dagaallamayo

Next Post

Qoysas xoolihii ka dhammaadeen oo kalluumaysato isu beddelay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Xoolo dhaqato kalluumeysato isu beddelay

Qoysas xoolihii ka dhammaadeen oo kalluumaysato isu beddelay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo