Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Boqollaal qoys oo biyo la’aan ku hayso duleedka Buuhoodle

Radio Ergo by Radio Ergo
March 1, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo la’aan daran oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Photo | Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Biyo la’aan ayay haysataa qoysas ka badan 1,000 oo ku nool deegaanno saddex ah oo ku yaalla waqooyiga Buuhoodle. Bilowgii bishii hore ayaa waxaa istaagay biyo dhaamin ay u sameyn jireen hay’adda Bisha Cas iyo qurbo joogta deegaanka.

Xafiiska hay’adda Bisha Cas ee Buuhoodle oo aan isku daynay inaan wax ka waydiino sababta keentay in biyo-dhaamintii deeggaanka ay joojiyaan ayaa ka gaabsaday. Laakiin mid kamid ah shaqaalaha hay’adda oo Hargaysa jooga ayaa weriyaha Raadiyo Ergo u sheegay in biyo-dhaamin saddex bilood ah oo bishii Nofeember soo bilaabatay ay wakhtigaas ku ekayd.

Tuulooyinka Sool-joogto, Maygaagle iyo Gocondhaale ayaa horey biyaha uga heli jiray ceelal qodaal ah. Deegaanka Sool-joogto oo ah halka ay ugu badan yihiin dadka biyo la’aantu hayso, ayaa waxaa ku nool 600 oo qoys. Saddexdii sano ee lasoo dhaafay deegaannadaas waxaa ka jiray abaaro soo noq-noqday.

Deegaannadan ayaa biyaha looga keenaa magaalada Buuhoodle oo fogaan ahaan qiyaastii u jirta inta u dhexasya 30-50 km. Qiimaha biyaha ayaa qaali noqday mudadii biyo la’aantu jirtay. Gaariga biyaha qaada ayaa saddex saacadood u socda deegannadaas. Arrintaas oo qaali ka dhigtay  biyaha. deegaannada qaar sida Gocandhaale waxaa fuustada biyaha ah ay ka joogtaa Sosh180,000, halka ay horey uga ahayd Sosh50,000.

Qoysaskan waa xoolo-dhaqato horey ugu cayroobay abaaraha. Bartamihii sannadkii hore ayay soo degeen deegaanka oo ay xilligaas ka heli karayeen biyo.

Cumar Axmed Cabdulaahi oo 45 jir ah, wuxuu ka mid yahay qoysaska degan Maygaagle. Ergo ayuu u sheegay in awoodiisa dhaqaale u saamaxayn inuu meel kale u guuro, si uu qoyskiisa iyo xoolihiisaba biyo ugu raadiyo.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoys walba uu ku tiirsan yahay dad ehelladooda ah, halka kuwa kalena biyaha ay helaan ay dayn uga qaadanayeen dadka ganacsi ahaan biyaha u keena deegaanka ay ku nool yihiin mudada. Cumar ayaa ka welwelsan sida uu isaga bixin doono lacag  80 doolar ah oo uu dayn ahaan u qaatay.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay biyaha uu carruurtiisa ayuu ii sheegay in uu ka soo qaadanayay qoysas ay deris yihiin oo jirikaamo soo iibsaday. Dayntii hore markii uu bixin waayay hadda ma jirto cid uu dayn kale waydiisto.

Cumar iyo toddobo carruur ah oo uu dhalay ayaan hadda qabin rajo ay biyo ku heli karaan. Xoolihii ay abaarta ka hor dhaqan jireen oo isugu jiray 280 neef oo ari ah iyo 15 geel ah ayaan hadda waxba uga noolayn.

Qoyasaska ay hadda soo food saartay biyo la’aantu ayaa isugu jira xoolo-dhaqato deegaanka usoo barakacay iyo dadkii horey usii deganaa ee iyagu marti geliyay.

Aadan Warsame oo 55 sano jir ah, isaga iyo lix carruur ah oo uu dhalay oo kan ugu yar uu jiro 2 sano. Waxay muddo bil ka badan ay isticmaalayaan dhowr fuusto oo biyo ah oo middiiba laga siiyay Sosh180,000. Wuxuu ka mid yahay qoysaska ku nool Gocondhaale oo dhanka Waqooyi 50 km uga beegan Buuhoodle.

Waxaa uu Ergo u sheegay in xoolo isugu jira 170 ari ah iyo 16 geel ah oo uu abaartii kahor dhaqan jiray uu hadda ka gacmo-maran yahay. Hadda oo biyihii la heli jiray istaageen ayuu Aadan cabsi ka qabaa in dadku  ay harraad u  dhintaan.

Walow deegaanka ay biyo la’aan ka jirto hadana 70 qoys ayaa nasiib u helay in ay raashin isugu jira bariis, bur, sonkor iyo caagad saliid ah ka helaan hay’adda cunnada adduunka ee WFP. Qoysaskan ayaa ah kuwa ugu tamarta yar ee deegannadaas ku soo barakacay.

Previous Post

Gurista webiga Shabeelle oo saameysay beeraleyda Soomaaliyeed

Next Post

Dadka la nool HIV/AIDS oo ka cabanaya faquuq iyo tacaddi

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Dadka qaba xanuunka HIV/AID ee ku nool Kismaayo oo faquuq kala kulmo bulshada

Dadka la nool HIV/AIDS oo ka cabanaya faquuq iyo tacaddi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo