Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dadka la nool HIV/AIDS oo ka cabanaya faquuq iyo tacaddi

Radio Ergo by Radio Ergo
March 2, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka qaba xanuunka HIV/AID ee ku nool Kismaayo oo faquuq kala kulmo bulshada

Photo| Cali Daa'uud oo la nool HIV/AIDS/Axmed Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Daa’uud oo ka mid ah dadka la nool HIV/AIDS ayaa sheegay in saddex jeer oo kala duwan laga saaray guryo uu kiro ku deggenaa markii la ogaaday inuu xanuunka qabo. Sidoo kale gabar ay qaraabo yihiin ayaa bartamihii sanadkii hore ka joojisay $150 oo bil kasta ay ku taageeri jirtay, kaddib markii uu warbaahinta ka hadlay isagoo qiranaya inuu cudurka la nool yahay.

Ninkan oo ah 46 jir ku nool Kismaayo ayaa sheegay in dadka la midka ah ee gudaha Soomaaliya jooga ay maalin kasta la kulmaan faquuq iyo tacaddi bulshada uga imaanaya. Wuxuu hadda guddoomiye ka yahay urur ay leeyihiin dadka xanuunka qaba oo ka dhisan magaaladaas.

“Intaas dadka oo nux nux leh oo faraha igu taagtaagayaa ayaan arkaa, taasina dhibaato xoog leh ayay aniga igu tahay,” ayuu yiri Cali oo xanuunkan la nool muddo toddobo sano ah. Wuxuu saddexdii bil ee u dambeysay la shaqeeyaa qeybta lagu daweeyo dadka laga helo AIDS-ka ee isbitaalka Kismaayo.

Hadda wuxuu guri kiro ah oo uu leeyahay qof ay qaraabo yihiin la deggan yahay xaaskiisa oo iyadana qabta xanuunka. Waxay is-guursadeen lix sano ka hor. Hase yeeshee wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in saddexda jeer ee guriga laga saaray, mar ka mid ah isaga oo maqan alaabta bannaanka loogu tuuray.

Dadka ay qaraabada yihiin qaarkood ayuu xusay inay xiriirka u jareen iyagoo u arka inuu dilay magaca qoyska.

Dad badan way qarsadaan xanuunka si aan loo faquuqin, xitaa qaarkood waxay diidaan inay joogto ula xiriiraan isbitaalka oo siiya dawooyin kaalmaati ah oo bilaash ah, sida uu sheegay Cali oo qeybta wacyigelinta qaabbilsan.

Dad uu isbitaalka labadii bil ee u dambeysay ka helay HIV/AIDS oo ay tiradooda gaarayso 18 qof ayaa diiday inay dawooyinka qaataan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Ibraahim Cismaan Dhicis oo ah madaxa qeybta HIV/AIDS ee isbitaalka Kismaayo.

Laakiin waxaa u diiwaangashan oo ay joogto xaaladdooda uga warqabaan 43 qof oo kale oo la qoray labadii sano ee la soo dhaafay oo qeybtan ay shaqeyneysay. Lix ka tirsan waa dadkii ka noqday Dhadhaab oo isbitaalka ula tagay waraaqihii ay dawada ku qaadan jireen.

Shukri Xaaji Cabdalla (ma aha magaceeda saxda ah), waa 35 jir xanuunka laga helay saddex sano ka hor. Markii ay aad u xanuunsatay ayay aadday isbitaalka Kismaayo, waxaana laga baaray qaaxo.  Markii ay xaaladdeeda caafimaad waxba iska beddeli waayeen iyadoo dawooyinkii qaaxada qaadanaysa muddo afar bil ah ayaa mar kale lagu sameeyay baaritaan cusub oo lagu ogaaday in ay qabto xanuunka HIV/AIDS.

Xilligaas oo aanay shaqeyneyn qeybta xanuunkan la tacaasha ee isbitaalka waxaa ku adkaatay inay hesho dawo. Dhaqaatiirta isbitaalka Kismaayo mid ka mid ah ayaa markii dambe ka bixiyay tikitka diyaarad geysay Muqdisho. Muddo lix bil ah ayay halkaas dawooyin kaalmaati ah ku soo qaadaneysay.

“Markii la i dhahay ‘xanuunkaas ayaad qabtaa’ waan qarracmay. Cudurkan waxaan moodayay in horay looga dhimanayo, ma moodayn noocaan in uu yahay oo lala noolaan karo,” ayay tiri.

Wacyigelin la’aan dadka ka haysata sida cudurka loo kala qaado, iyo inta uu la ekaan karo xiriirka ay la yeelanayaan bukaannada ayaa loo sababeeyaa faquuqa.

Previous Post

Boqollaal qoys oo biyo la’aan ku hayso duleedka Buuhoodle

Next Post

Dhegeyso qisada heesta ‘Dareen’ ee uu qaado fannaanka Iidle Yare

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
Next Post
Dhegeyso qisada heesta ‘Dareen’ ee uu qaado fannaanka Iidle Yare

Dhegeyso qisada heesta 'Dareen' ee uu qaado fannaanka Iidle Yare

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-JUN-2026

IDAACADDA 15-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo