Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Hab cusub oo lagu ogaanayo shaqooyinka cusub

Radio Ergo by Radio Ergo
February 20, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: Hab cusub oo lagu ogaanayo shaqooyinka cusub

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hal-abuur tiknaloojiyadeed oo ku cusub Soomaaliya ayaa laba bil kahor laga hir-geliyay deegaannada Puntland kaas oo dadka taleefannada gacanta sita, fursad siman u siinaya in ay ogaadaan shaqooyinka cusub. Waxay is diiwaan-gelinayaan iyagoo aan u baahan Internet. Muddadaas waxaa is qoray in ka badan 2,000 oo qof. Maalin walba waxaa loo diraa farriimo cusub oo shaqo-sidayaal ah si ay u dalbadaan.

Dadka iska diiwaan-geliyay SOMALI SMS faraceeda Puntland oo loo yaqaan SAHAN SMS ayaa lagu sheegay in sagaashan boqolkiiba ay dhallinyaro yihiin.

Hay’adda UNDP ayaa sanadkii 2012 xog uruurin ay samaysay ku sheegtay in in ka badan 54 boqolkiiba dadka Soomaalida ah ee shaqeyn kara ay shaqo la’aan yihiin. Waxay kaloo warbixintu caddeysay in 67 boqolkiiba ay dadkaas ka yar yihiin 29 sano.

Inta ugu badan dadka codsiyadooda gubiyay ayaa jooga magaalada Boosaaso. Maxamed Xasan oo ah madaxa Somali SMS ayaa sheegay in inta badan dhallinyarada ay caqabad ka haysato sidii ay ku ogaan lahaayeen ama u raadsan lahaayeen shaqooyinka cusub.

Ujeeddada ay hal-abuurkan u sameeyeen ayuu Maxamed ku sheegay sidii ay dhallinyarada ugu soo bandhigi lahaayeen fursadaha shaqo ee ka bannaan shirkadaha ganacsi, iskuullada, jaamacadaha, hoteellada, warshadaha yar yar iyo makhaayadaha. Arrintaas oo shirkadaha ku dhiirigelisay in ay ku xirmaan adeeggan.

Khadar Cabdi oo ka baxay Jaamacadda Bariga Afrika afar sano ka hor isla markaana bartay cilmiga tiknaloojiyada, wuxuu ka mid yahay 10 qof oo bishan shaqooyin ku helay habkan oo afar ay dheddig yihiin. Siddeed maalmood kaddib codsigiisii ayuu markii ugu horreysay shaqo ka helay shirkad lagu magacaabo Tabaarak oo fadhigeedu yahay Gaalkacayo. Wuxuu u qaabilsan yahay qeybta xog-keydinta.

In ka badan 400 oo kale ayaa waqtigan sugaya natiijada shaqooyin ay u tartameen.

Dhalinyarada adeegan hoggaaminaysa waxay khidmado aan jaan go’nayn oo heshiis wada fariisi ku xiran ah ka qaadaan dadka loo xayaysiiyo shaqooyinka. Qofka is diiwaan-gelinaya ayay sidoo kale bishii ka qaadaan nus doollar.

Cabdifataax Cajab wuxuu ka mid yahay mulkiilayaasha maqaayadda cuntada ee Dhextaal oo bilowgii bishan laga furay magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in markii ay u dhammays tireen agabkii ay ku shaqayn lahayd, ay adeegsadeen SAHAN SMS si ay u helaan shaqaalaha ay u baahan yihiin.

“Waxaan wada ogsoonahay shaqooyinka noocan oo kale ah in loo yeeran jiray qof aan aqoon lahayn. Hadda waxaan heli karnaa dad ugu yaraan aqoon leh oo wax soo codsan kara”, ayuu yiri Cabdifataax.

Hal-abuurkan ayaa dhiirigelin u ah boqollaal dhallinyaro ah oo sanad walba ka qalinjebiya jaamacadaha gudaha. Shaqo-la’aanta waxay sidoo kale ka mid tahay sababaha ay dhallinyaradu u tahriibto.

Previous Post

Barnaamijka takhtarka raadiyaha

Next Post

Somaliland oo sheegtay in suuq ay burburisay 7 cisho ka hor ay ka dhisayso hangarro ganacsi

Related Posts

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

September 23, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
blank

Somaliland oo sheegtay in suuq ay burburisay 7 cisho ka hor ay ka dhisayso hangarro ganacsi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-SEP-2026

IDAACADDA 24-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-SEP-2026
September 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-SEP-2026
September 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo