Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga xerada Al-kharas ee Yemen oo saddex bilood kadib helaya adeegyadii UNHCR

Radio Ergo by Radio Ergo
January 24, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaxootiga xerada Al-kharas ee Yemen oo saddex bilood kadib helaya adeegyadii UNHCR

Sawir/Abdkadir oo jooga xerada Al-kharaz Yemen/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa todobaadka soo socda dib loo bilaabayaa raashinkii iyo adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee la siin jiray qaxooti ay Soomaali ka mid tahay oo ku jira xerada Al-kharas ee dalka Yaman. Tallaabadan ayaa timi kadib markii UNHCR iyo qaxootigu ay is afgarad ka gaareen muran soo jiitamayay ku dhowaad sanad ah. Wuxuu ka dhashay markii hay’addu kaarka aqoonsiga ka saartay taariikhdii uu qofku xerada ku biiray. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha xerada qaybta Soomaalida Cabdulqaadir Ibraahim Shaah.

Cabdulqaadir waxaa uu intaas ku daray in hishiiska ay la gaareen hay’adda UNHCR uu qorayo in kaarka aqoonsiga aan waxba laga bedelin oo loo daayo sidii uu ahaa sanad ka hor.

Saddexdii bilood ee ugu danbaysay oo aan wax gargaar ah la siin qaxootiga oo ka badan shan kun oo qof ayaa waxaa ka dhashay in dadkii xanuunsanayay ay waayaan daryeelkii caafimaad ee ay u baahnaayeen. Waxaa hadda u jiifa cudurka shubanka biyoodka ku dhowaad 20 qof oo qaxootiga ka mid ah sida ay Raadiyo u sheegeen masuuliyiinta xereda. Sida ay hoggaamiyayaasha xeradu u sheegeen Raadiyo Ergo, waxaa isbedel lagu sameeyey muddo hadda sanad laga joogo raashinkii la siin jiray qaxootiga oo isugu jiray bariis, bur iyo saliid oo hadda lagu soo koobay qamadi oo keliya.

Iyadoo aanay xerada ka jirin shaqooyin ayaa masuuliyiinta qaxootiga ay ka dayrinaya xaaladda nololeed ee dadka, inta awoodana ay u xammaali tagaan tuulooyinka xerada ku dhow ama magaalada Cadan oo qiyaastii 193 km u jirta Al-kharas. Waxa ay ka helaan dhiqida gawaarida iyo hadba shaqadii kale ee ay heli karaan ayay u ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Caasho Ibraahim Cali oo kamid ah guddiga xerada Al-kharas oo ay 28 sano ku nooshahay, ayaa sheegtay in mudadii aan lasiin raashinka iyo adeegyada kale ay soo wajahday dadka xerada ku nool culaysyo kala duwan. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in dadkii qabay cudarada kala duwan sida TB-da, HIV/AIDS ka iyo shubanka ay ku adkaatay inay helaan daryeelkii ay u baahnaayeen.

Raashinkan oo muddo saddex bilood ah ku kaydsanaa bakhaaro ku yaalla xerada, ayay Caasho sheegtay inay walaac ka qabaan xanuuno ka dhallan kara maadaama deegaanka uu saxaare yahay kulayl badana uu ka jiro.

Caasho ayaa Yemen timi 1992-dii. Qoyskeeda oo ka kooban 10 qof ayaa ku tiirsan gargaarka ay ka helaan hay’adda UNHCR. Bagaash isugu jira raashin ka kooban bur iyo sonkor oo ay ku dhex iibso xerada ayay ku masruuftaa qoyskeeda.

Mrs Jacqueline Parlevliet oo ah madaxa xafiiska hay`adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ee Cadan oo ka hadlaysay xallinta is fahan waaga ayaa sheegtay in hay’ad ahaan ay soo dhowaynayaan qodobada lagu hishiiyay. Dowladda Yaman ayay ku ammaantay gacantii ay ka gaysatay isu soo dhowaynta hay’adda iyo qaxootiga. Wafdiga UNCHR ee booqday xerada waxaa mid ahaa masuuliyiin ka tirsan dowlada Yemen oo uu hor kacayay wasiirka arrimaha gudaha.

Previous Post

Dad ka soo qaxay colaadda Soomaalida iyo Oromada oo ku dayacan xeryaha Doolow

Next Post

Boqollaal qoys oo dib ugu laabtay Buulo-burte oo ay ka barokaceen xilligii ay magaaladu go’doonsanayd

Related Posts

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

October 17, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

Boqollaal qoys oo dib ugu laabtay Buulo-burte oo ay ka barokaceen xilligii ay magaaladu go'doonsanayd

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo