Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka soo qaxay colaadda Soomaalida iyo Oromada oo ku dayacan xeryaha Doolow

Radio Ergo by Radio Ergo
January 23, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qaxootiga Al-Kharas oo ka walaacsan xaaladda ammaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Colaad Bilow Buulle, hooyadiis oo 80 jir ah iyo wiil uu dhalay oo afar jir ah waxay muddo bil ah ku hoydaan meel bannaan oo ka mid ah xerada Kabaasa 2 ee degmada Doolow ee gobolka Gedo. Waxay ka mid yihiin qoysas ka soo qaxay colaadda qeybo Itoobiya ka mid ah ku dhex mareysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Saddexdooda oo gacmaha uga jabay weerar ay la soo kulmeen weli ma aysan helin daryeel caafimaad oo fiican marka laga reebo kab ay u sameeyeen dadka xerada.

Khadka telefoonka wuxuu noogu sheegay in aysan haysan hoy ay ka galaan kuleylka daran ee qorraxda, boorka iyo dhaxanta xilliyada habeenkii. Cuntada ayuu xusay in dadka deriska la ah marka ay xaaladdooda arkaan ay si Soomaalinnimo ah ugu soo ururiyaan. Waxay xaaladdan la wadaagaan qoysas kale oo ay ka soo wada qaxeen deegaanno ku yaalla miyiga Nageyle oo ah magaalo hoostagta gobolka Oromiya.

Colaad wuxuu ka walwalsan yahay xaaladda xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo aanu nolol iyo geeri ku ogeyn. Waxaa la waayay labo bilood ka hor mar isaga oo ka maqan la weeraray miyigii ay deggenaayeen. Dib ayuu ka helay hooyadiis iyo wiilka hadda la socda oo uu ula soo qaxay dhinaca Negeyle, halkaas oo mar kale lagu weeraray iyaga iyo intii la socotay, dhaawacyadana ay ka soo gaareen.

Muddo bil ah ayuu xaqiijiyay inay Nageyle ku go’doonsanaayeen ka hor intii uusan Doolow keenin gaari ay dad Soomaali ah wateen oo soo caawiyay.

Xeradan oo ay horay u buux-dhaafiyeen kumannaan qoys oo soo barakacay ayay muddo bil ah ku biireen 123 qoys oo hor leh oo ka yimid deegaannada ay colaadda ka jirto ee dalka Itoobiya, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cali Ibraahim Axmed oo ah guddoomiyaha xerada Kabaasa 2. Dadkan oo dhamaantood aan wadan wax agab ah waxay daadsan yihiin bannaannada. Wuxuu tilmaamay in aanay jirin cid ilaa iyo hadda u gurmatay marka laga reebo dadka soo barakacay oo wax ka siiya cunto gargaar ah oo hay’ado samafal ay siiyaan kuwii horay u deggenaa oo u diiwaangashan.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dadkan xerada imaanaya laga soo dhacay hantidii ay lahaayeen, noloshoodana ay ku tiirsaneyd oo isugu jirtay beero iyo xoolo, qaarkoodna la guryihii laga soo gubay.

Qoyska Colaad waxay noloshooda ku tiirsaneyd beero ay falan jireen oo dalagyo kala duwan ay ugu abuurnaayeen. Waxaa ka mid ahayd galley, masaggo iyo digir ay goosan lahaayeen bishan.

Soomaalida iyo Oromada oo xudduud wadaag ah ayuu bilo ka hor ka dhex qarxay dagaal la sheegay inuu ku saleysan yahay muran dhul. Xeryo ay dad soo barakacay iyo qaxooti deggan yihiin ayaa ku yaalla Doolowda Gedo iyo Doolowda dhinaca Itoobiya, laakiin dadka qaar oo aan waydiinnay sababta aysan dhinaca Itoobiya ugu hakan ayaa noo sheegay in aanay xeryaha dhinacaas ka socon diiwaangelin dadka cusub ah.

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Next Post

Qaxootiga xerada Al-kharas ee Yemen oo saddex bilood kadib helaya adeegyadii UNHCR

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qaxootiga xerada Al-kharas ee Yemen oo saddex bilood kadib helaya adeegyadii UNHCR

Qaxootiga xerada Al-kharas ee Yemen oo saddex bilood kadib helaya adeegyadii UNHCR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo