Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Iskuullo waxbarasho iyo cunto ku caawiya agoonta ay qoysaskooda ku ceyrtoobeen abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
January 31, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Iskuullo waxbarasho iyo cunto ku caawiya agoonta ay qoysaskooda ku ceyrtoobeen abaarta

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Tirada carruurta agoonta ah ee qoysaskooda ay ku xoolo-beeleen abaarta ee waxbarashada isu diiwaangelinaya ayaa kordheysa. Qoysaskan oo ku nool xeryo lagu barakacay oo ku yaalla magaalada Burco ayaa fursad wanaagsan ka helay labo iskuul oo lacag la’aan wax ku bara agoonta. Mid ka mid ah oo wiilasha oo keliya ay dhigtaan waa hoy, wuxuuna carruurta siiyaa cunto saddexda waqti ah, halka kan kale oo gabdhaha u gaar ahna uu diyaariyo quraac iyo qado, wuxuuna leeyahay bas ardayda ka soo qaada, kuna celiya guryahooda.

Afartii bil ee u dambeysay waxaa dugsiyadan waxbarasho ka billaabay 110 arday oo ay da’doodu u dhaxeyso lix jir ilaa 14 jir. Waxaa sidoo kale diiwaanka ugu qoran, balse iskuullada oo buuxsamay awgood aan waxbarashada billaabi karin 270 arday oo kale. Dugsiyadan oo hoose-dhexe ah waxay ku tiirsan yihiin dhaqaale ay ku taageeraan ganacsatada deegaanka iyo qurbajoogta.

Carruurta oo isugu jira agoon barakac ah ama kuwo danyar ah oo laga yaabo in aanay guryahooda ka soo helin wax ay cunaan ayaa khasab ka dhigtay in uu iskuulku cuntada u sameeyo sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Cafiifa Xasan Nuur oo ah maamulaha dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Tabantaabo. Waxay intaa ku dartay inay waaliddiintana u tahay fursad kale oo ka yareyneysa walwalka qatooyadooda.

Dhamaan iskuullada kale ee magaalada lacag ayaa lagu dhigtaa. Dugsiyada ay dowladda maamusho waa $10, kuwa gaarka loo leeyahayna waa $30. Qoysaska deggan afar xero oo lagu barakacay oo tiradooda ay gaarayso 3,500 ayay carruurtooda waxbarasho la’aan haysataa sida noo sheegay guddoomiyaha degmada Burco Maxamed Diiriye Xayd. Carruurtan oo aan dhamaantood agoon ahayn ayay xitaa qoysaskooda ku adag tahay helista cuntada.

Saado Dhuux Hawd oo 35 jir ah ayaa ka mid ah reer miyiga carruurtooda uga faa’ideynaya fursaddan waxbarasho. Miyiga deegaanka Duruqsi ee xadka Itoobiya ayay bishii Luulyo ee sanadkii hore ka soo barakacday markii ay abaarta uga dhinteen 180 ari ahaa oo ay xoolo oo dhan ka lahayd. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurteeda oo ah labo gabdhood iyo wiil agoon ah ay wada gaysay labadan dugsi, balse fursad loo helay oo keliya gabadha ugu weyn oo sagaal jir ah.

Gabadha iyo wiilka kale waa loo diiwaangeliyay waxaana loo sheegay inay sugto inta uu boos uga bannaanaanayo. Hadda guriga ayay iska joogaan maaddaama aysan awoodin inay geyso iskuullada lacagta lagu dhigto. “Carruurta xoolaha ayay noo raaci jireen, hadda xoolo ma jiraan bannaannada ayay iska ciyaaraan,” ayay tiri.

Cafiifa ayaa tilmaantay in fursadda ugu dhow ee carruurta diiwaangashan ay waxbarasho ku heli karaan ay tahay in ay fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe oo ah kan ugu sarreeya iskuulkooda oo sanad-dugsiyeedkan ay markii ugu horreysay dhameyn doonaan 20 gabdhood ah. Dugsigan oo la furay 2010 ayaa waxaa sugaya in ay fursad ka bannaanaanaato 220 gabdho ah.

Maamulaha dugsiga wiilasha agoonta ah ee Abuubakar Sadiiq, Maxamuud Maxamed Xirsi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dowladda Somaliland iyo ganacsatada kulamo ay la qaateen ay uga codsadeen in la ballaariyo dhismaha iskuulka si loo kordhiyo fursadda waxbarasho ee carruurtan agoonta ah, loona shaqaaleeyo macallimiin badan. Toban fasal ayuu hadda ka kooban yahay, waxaana wax ka dhigta 12 macallin. Waxaa dhigata 170 arday oo 50 ay ka soo jeedaan qoysaska ay abaarta soo barakicisay, wuxuuna ka caawiyaa inay helaan meel ay seexdaan, cuntada iyo agabka waxbarashada.

Maamulaha ayaa xusay inay jiraan arday agoon ah oo dhameysatay dugsiga dhexe, kuwaas oo ay geeyeen dugsiyada sare ee lacagta ah, dhaqaalahana ay ka bixiyaan.

Previous Post

Boqollaal qoys oo cusub oo ka soo barakacaya abaaraha oo soo galaya magaalooyinka

Next Post

Dad laga barakiciyay xero hor leh oo ku taalla Muqdisho

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Dadkii laga burburiyay xeryaha KM 13 oo weli bannaanka daadsan

Dad laga barakiciyay xero hor leh oo ku taalla Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-22-JAN-2026

IDAACADDA-22-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-22-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo