Ku dhowaad kun qoys oo oo ah xoolo dhaqato beerlaeey oo abaaro ay saameeyeen ayaa sedexdii toddobaad ee la soo dhaafay soo galayey magaalooyinka gobollada Jubooyinka iyo Gedo, sida gudiga dib u dejinta dadka barakacay iyo kuwa ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee Jubbaland uu u sheegayo Raadiyaha Ergo.
Roobki deyrta oo ay rajo ka qabeen dadkan oo yaraaday saamaynna ku yeeshay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ayaa keenay in xilligan qoysasku noolal u raadsadaan goobaha ay gaarayaan.
Deegaannada ugu badan ee ay dadkan ka imaanayaan ayaa kala ah Kaam jiroon,Sanguuni ,Dhasheeg Waamo ,Tuulooyin Hoostaga Dagmada Afmadow,Jilib, Jamaame oo dhamaan Hoos tagga Gobolka Jubbada Hoose , Jubbada Dhexe iyo meelo ka tirsan gobolka Gedo.
Deegannada ay dadkan ka imaanayaan oo qaarkood ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, magaari karaan hay’adaha samamfalka iyo maamulka Jubaland. Taasii oo aan suurtgalin ka rin inay dadku helaan gargraar oo ay duurbidayaan inay u barakacyaan meelo aad uga fog deegaanadooda si ay u helana raashin iyo biyo. Abaarta ayaa soo martay heerar kala duwan oo maalinba xaalad ayey dadkan soo food saarsay ila augu danbayn ay npoqdaan kuwa barakaca ah.
Dadka Xoolla dhaqatada ah Baahidda ugu wayn ee magaalooyinka keenaysa waa iyaga oo Xoolihii ka waayey wax ay Ku nooladaan maadama dadka Xoola dhaqatada ah ay horay Abaaro Xoollo u dhaafiyeen intii u Hadhayna aysan ka hellaynin Wax ay ka Ibbsadaan iyo Caano ay ka maallaan oo ku nooldan .
Dadka hore ee Soo barakacay Hay’adaha waxaa ay Siiyaan Raashin Bil la ah iyo Boonooyin ay lacag ku Qaataan Sidoo kale Xeryaha waxaa loogu Geeya Biyo dhaamin lacag la’aan ah oo biyaha lacag kama Bixiyaan bil kastana waa Joogto .
Bishaar Maxamed Ibraahim oo Ka mid ah gudiga Barakacayaasha iyo Qaxootiga ayaa tilmaamay in dadkan ay yihiin kuwa ku tiirsanaa biyaha roobka oo uga faa’ideysna jiray xoolaha iyo wax soo saarka beeraha. Dadkan ayaa ku biiray xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla magalooyinka Kismaayo, Dhoobleey, Beledxaawo, Luuq iyo kuwa kale.
“360 ka mid ah dadka waxay imaadeen Kimaayo, 440 ka mid ahna waxay kala tageen Dhoobleey, Beledxaawo, iyo Luuq, tiradada hadda aan diiwaan galinay ayaa intaas ah basle waxaa jira dad intaa ka badan oo soo galaya magaalooyinkaGarbahaarreey, Baardheere iyo Ceelwaaq”.
Gudiiga waxaa ay sheegeen in aysan Jirin Wax dhaqaalle ah oo Gudigga u haayo dadka Abaaraha ku soo barakacaya balse iyaga Shaqadoodu tahay in Diiwaan galiyaan dadka Abaaraha soo barakiciyaan ,Baaqna ay u dirayaan hay’adaha samafalka iyo Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Ceebla Xusseen Cabdi waxaa ay ka mid tahay dadka Ka Soo barakacay Abaaraha Ka jira Gobolkaan Jubbada Hoose,Waxaa ay ka imaatay Baadiyaha Tuullada Miido oo Kismaayo u jirta ilaa 100km ,Dhanka magaalada Kismaayo ayey maalin socod u soo lugeeyeen ayada iyo carruurteeda. Hooyadaan iyo Cauurteeda ayaa muddo toban maali ah jooga xerada Camp Saatu ee magaalada Kismaayo xeradaan ayaa waxaa la Aas Aasay 2016 Bishii Kow iyo Tobnaad .
“aniga iyo Caruurtayda waan Soo lugayn waxaan imaanay wadda Kismaayo Soo aada ,halkaa gaadhi ayaa nagaSoo Qaday waxaa uu Qatay Sideedtan kun oo shilin Soomali ah ,Cunug iga Xanuunsana waxaa ii daaweyey dad Qaraaba ah ,Subaxii ayaan Soo baxnay Casarkiina Gaadhiga ayaa Na soo Qaaday”
Ceebla Qoyskeeda waxaa ay haysteen 80 Neef oo Adhiya 25 Neef ayaa uga haray Abaarha, Kuwaasoo ay ka waayeen caano iyo hilib toona, sidaa darteed waxay goosatay inay dad ku darto ariga ayada ay u guurto Kismaayo oo ay aamisan tahay inay caawimaad ka helayso. “ Carruurteeda waa agoon, waxaan ka cabsaday in carruurt gaajo iga dhintaan duruufta ugu weyn ee halkan I keentay waa taas, ilaa hadda wax caawimaad ahna maanu helin mark alag areebo dadka xerada oo raashin aan karsano noo soo aruuriyey”
Hooyadaan ayaa Radio Ergo u Sheegtay in dad badan oo ay Isku Deegaan ahaayeen ay u sheegeen in ay Caawi maad ka helleen Kismaayo,oo ay Filaysay Cawimaad Rasmiya ,waxaa kale intaas ku dartay In dadka degan Xeardda ay Siyeen meel ay ka dhisato Buush ,dad kalena ay ku Caawiyeen Kartoomo ,Maryo dhamaaday iyo ullo Sidaas-na ay buul ay ka galaan Qoraxda ay ku dhisteen. Xerdaan ayaa waxaa horay ugu nolaa 330 Qoys oo ka soo barakacay abaarihi 2016-2017 o oisugu jira xoolo dhaqato iyo beerlaeey .
Toddobaadyadi la soo dhaafay waxaa soo ku biiray 72 lab aqoys oo 34 k amid ah ay yihiin xoolo dhaqato halka inta kalana yihiin beeraleey, sida uu sheegayo Axmed Cali Cabdi oo ah Gudoomiyaha xeradan. “ Dhmmaadki bish aan Soo dhaafnay iyo horraanti bishan ayaa waxaa soo billowday dad badan oo abaaraha ka soo barakacaya, Sadex maalin ugu danbeeyey waxaa Camp-ka Saatu imaaday 26 Qof oo Xoolo dhaqata ah”
Maryama Haaji Muxumed waxaa ay ka mid tahay dadka dhawaan Imaaday Camp Jubba ee magaaladan Kismaayo ,10 Bari ka hor Ayey ka Imaatay Deegaanka Dhasheeg Waamo ee Gobolka Jubbada Dhexe, Ka Dib Markii Abaarta Saamaysay Xoollaha ay haystay oo ahaa 10 Neef oo lo ah, kuwaasi oo ay ka waayeen Cad iyo caano midnaba , Maryan ayaa sheegtay in wax Xoollaha ay abaartii uga hadhay Sadex iyo Toban Neef oo lo’ ah. Waxay tilmaantay in lo’ada qaar ay ku bakhtiyey abaarta qaarna ay iibsadeen inti ay roonayd, laakiin hadda inta hartay xataa aysan iib galayn. “ 10 neef oo wayd ah ayaan uga soo tagnay carruurta abbahood si uu meel un ugu ogaado”.
Maryan Haaji ayaa Radio Ergo u sheegtay in Kismaayo imaadaan ay ahayd Wadda kaliya ee u furnayd maadama dhibaatada Abaarta ay tahay mid hadda Sii bahaysa ,iyagana Xoollaha ay haysteen ay ka waayeen wax ay ku nooladaan.
Hooyadaan ayaa sheegtay Inta ay Awoodi karaan ,iyadda iyo Caruurteeda in ay ku talla Gashay in ay gaadhaan meel ay ka helli karaan Cawimaad iyo Gargaar.
Xoollaha aan Caano ka meellno waxaa noogu danbaysay Sanad ka hor ,Xoollaha aan haysanay waxaa ay ahaayeen Xoollo Gudhan oo aan Irmaanayn.,waxa kaliya ee aan ku noolayn waxaa ay ahayd in aan Iibsano naafkii noo Ibsami kara oo kaliya ,haddana wax aan Ibsano waanba ka Waynay.
Axmed Cabdi Maxamed (Toronto)









