Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad laga barakiciyay xero hor leh oo ku taalla Muqdisho

admin by admin
January 31, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii laga burburiyay xeryaha KM 13 oo weli bannaanka daadsan

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xero lagu barakacay oo hoy u ahayd in ka badan kun qoys ayay ciidamada dowladda Soomaaliya dhulka la simeen 29-kii bishan. Xeradan oo lagu magacaabo Kalkaal ayaa ku taallay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxayna dadka laga raray oo deggenaa muddo toddobo bilood ah ay noo sheegeen inaan la siin muddo ku filan oo ay ku guuraan.

Qoysaskan oo u badan carruur, dumar iyo waayeel ayaa wakhtigan ku hoyanaya waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Qoysaskan ayaa u badan kuwo markii hore kasoo barakacay gobolka Shabeellaha hoose.

Dhulka dadkan laga saarayo waxaa la sheegay inay iibsatay ganacsato. Fursadaha maalgashi ee guryaha lagu dhisanayo ayaa ku xoogeysanaya magaalada Muqdisho. Waxaa soo badanaya ganacsatada dhulalka iibsanaya si ay hoteello iyo xarumo ganacsi uga dhigaan. Taas ayaa qiimo u sii yeeleysa xeryaha lagu barakacay oo inta badan ku yaalla meelo aan aad uga fogeyn magaalada.

Faadumo Cali Guuleed oo haysata labo gabdhood oo 9 jir iyo 7 jir kala ah, ayaa ka mid ah dadka hoygoodii ku waayay burburintaas. Waxay hadda joogaan meel bannaan ah oo u dhow KM13. Ma haysato wax ay ka dugaashato dhaxanta, cadceedda iyo amni-darrada uga iman karta cidlada. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in markii ay ciidamadu u yimaadeen ay isku dayday inay ogaato sababta loo barakicinayo, laakiin ay ciidamadu xadgudub jireed u geysteen halkii ay jawaabta ka sugeysay.

Waxay hadda raashin ay cunaan ka helaan jiko si ku meel-gaar ah ay u dhiseen maamulka degmada Kaxda iyo kan gobolka Banaadir. Mana jirto caawimaad kale oo ay ka heleen dowladda iyo hay’adaha.

Waxay shan bilood kahor kasoo barkaceen degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose oo dagaal-beeleed uu ka dhacay.  Mana jirto rajo ay ka qabaan inay dib ugu noqdaan dhulkii ay markii hore ka yimaadeen maadaama wali xiisado colaadeed ka jirto. meeshana aanay nolol ku haysan.

Qoysaskan ayaa ku biiraya kumannaan kale oo dhamaadkii bishii hore ay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ka burburiyeen xeryo ay ka degganaayeen KM13, degmada Kaxda.

Aamino Jaylaani waa hooyada afar carruur ah. Waxay umulan tahay muddo 10 cisho ah. Waxay qayb ka tahay qoysaska wajahaya nolosha adag ee bannaanka u hoyanaya, lagana sal-kiciyay xeradii ay degganaayeen. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in ciidanka dowladda oo hubaysan iyo dad la socda oo masaar wata ay khasab guryahoodii uga burburiyeen. Waxay intaas ku dartay in dadka ka madax adayga in aqalladooda la dumiyo harraanti looga saarayay.

Ma jirto dhul loo qoondeeyey qoysaskan inay degaan. Carruurtooda ayaa halis ugu jira gawaarida adeegsada wadada.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiweli Nuur Faarax oo Raadiyo Ergo ay la xiriirtay ayaa beeniyay warka la xiriira in dad laga barakiciyay degmadiisa. Sidoo kale afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliya, Cornel Qaasim Axmed Rooble ayaa xaqiijiyay in aanay ciidanka booliska howlgalkaas fulin.

Previous Post

Iskuullo waxbarasho iyo cunto ku caawiya agoonta ay qoysaskooda ku ceyrtoobeen abaarta

Next Post

Kun qoys oo habeenkii saddexaad ku hoyana banaan kaddib markii la burburiyay kaamki ay deganaayeen oo ku yaalla Dayniile

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Kun qoys oo habeenkii saddexaad ku hoyana banaan kaddib markii la burburiyay kaamki ay deganaayeen oo ku yaalla Dayniile

Kun qoys oo habeenkii saddexaad ku hoyana banaan kaddib markii la burburiyay kaamki ay deganaayeen oo ku yaalla Dayniile

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-OCT-2026

IDAACADDA 03-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo