Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo dhaqato doorbiday iney arigooda ku bedeshaan geel

admin by admin
December 5, 2017
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Weekly Newsletter

Photo | Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xoolo dhaqatada ariga ee ku nool miyiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ariga ku bedelanayay geela oo ay sheegeen inuu abaarta uga adkaysi badanyahay.

Cumar Cabdulle Xasan oo jooga deegaanka Ceel-buruf oo 35km koonfur ka xigta Guriceel ayaa markii uu dareemay in abaaraha is xig-xiga ee ka dhashay roobabkii Dayrta iyo Guga ee sanadihii 2015 iyo 2016 oo aan ka di’in deegaankiisa, ay khatar ku yihiin arigiisa. Wuxuuna wakhtigaas go’aansaday inuu geel dhaqdo si aanu u cayrtoobin.

Wuxuu horey u dhaqan jiray ku dhowaad afar boqol oo ari ah, 330 kamid ah ayuu ku bedeshay 22 geela, halka sodonkii kale ee usoo harayna uu ku waayay abaarihii sanadkan ka dhacay Soomaaliya. Cumar ma doonayo in noloshiisa danbe uu ari sii dhaqdo, xitaa afartan neef oo hadda u hartay waxaa ka go’an inuu geel ku bedesho.

Geela oo bishii halmar biyo caba ayaa adkaysi u leh abaaraha iyo cimilada adag, wuxuuna inta badan daaqaa dhirta dhaadheer, halka arigu ka daaqo dhirta gaagaaban. Cumar ayaa Radio Ergo u sheegay in dadka ay isku deegaanka yihiin oo gaaraya ilaa 50, qoyskii lahaa 50 neef oo ari ah uu abaarta ku waayay 15 ilaa iyo 20 neef.

Saleemaan Maxamed Saalax oo ah dhakhtar xoolaha kana hawlgala xarrunta Daryeel oo ku taalla Guriceel ayaa Radio Ergo u sheegay in geelu ka faa’iido badanyahay ariga, marka laga reebo dhanka taranka oo neefka ariga ah uu laba jeer dhalo halka geeluna uu mar keliya dhalo sanadkii. Waxaa uu intaas ku daray in geelu uu gaadiid u yahay dadka reer guuraaga ah. Deegaannada ku dhow Guriceel ayuu sheegay in arigii ku noolaa boqolkiiba todobaatan ay dhinteen halka geelana boqolkiiba sodon ay abaarta raaceen.

Maxamed Caabi Maxamed oo geel dhaqda ayaa qaba in geela uu daaq la’aan ahaan karo haddii aanu cudur ku dhicin muddo 15 maalin ah. Wuxuu hadda baadiyaha Guriceel ku dhaqdaa 66 neef oo geel ah, sanadkan gudihiisa ayuu afar kamid ah geeliisa ku waayay cuduro laakiinse aanay abaar uga dhiman.

“Hadda intii lagu jiray abaarta masaggo ayaan siin jiray saddex maalin kadibna biyo ayaan u gadi jiray. Caano ayaan ka heli jiray waanan iibi jiray sidaa ayaan ku soo barbixiyey”. Ayuu yiri Maxamed Caabi.

Maxamed Caabi Maxamed ayaa sheegay in deegaankiisa ay ku nool yihiin qoysas uu ku qiyaasay 350 oo geela dhaqata. Wuxuu sheegay in geela uu abaarta ka soo baxay basle ariga uu aad ugu le’day isagoo intaa ku daray in dadka magaalooyinka u barakacay ee abaaruhu saameeyeen ay yihiin kuwa ariga dhaqan jiray.

Cabdirisaaq Xirsi Haajirow

Gurceel

Previous Post

Garoowe: Maxaa sabab u ah abaaraha soo noqnoqda ee ka dhaca dalka

Next Post

BARNAAMIJKA BEERAHA

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
BEERALAYDA IYO XOOLO DHAQATO KA FAA’IDAYSTAY MASHRUUC KOR LOOGU QAADAYO DAAQA

BARNAAMIJKA BEERAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo