Cabdiraxmaan Jaamac Faarax ayaa markii ugu horreysay labadii bishan wuxuu qoondo u helay $100 kaddib markii ay goosteen khudaar ka baxday beertooda oo saddex bilood jirta. Beertan oo ku taalla tuulada Oog oo 15 km u jirta degmada Caynabo ee gobolka Sool ayaa ka kooban 30 hektar. Waxay shirko ku yihiin afar nin oo kale. Qoysas badan oo xoolo-dhaqato ah oo deegaankan jooga ayaa u weecday beero-falashada markii ay ku ceyrtoobeen abaarta xoolaha yar ee u harayna ay ku filnaan waayeen noloshooda.
Ninkan oo 45 sano jir ah oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 8 qof waxaa abaarta uga dhimatay 350 ari ahaa iyo 25 geel ahaa. Hadda waxaa u haray siddeed neef oo ari ah oo keliya, Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in fikraddan beero-falashada ay ku dhalatay markii ay arkeen dad xoolo dhaqato ahaa oo beero samaystay, dalagna goosanaya, taas oo u caddaysay in deegaanka uu ku habboon yahay wax beerista.
Siddeed boqol oo kiilo oo yaanyo ah iyo basbaas dhan 200 kg oo ah wixii ugu horreeyay ee beertooda ay ka goostaan ayaa looga iibsaday lacag dhan $460. Waxay ku rajo wayn yihiin in dhaqaale intaas ka badan uu u soo xeroodo marka ay bisha Janaayo goostaan tacabka xiga.
Khudaar noocyo kala duwan leh, galley, masaggo, seytuun, liin iyo qare ayaa u beeran. “Filashadeennu waa inaan heli doonno saddex jibbaar lacagtii aan horay u helnay,” ayuu yiri.
Beerta kooxda Cabdiraxmaan ayaa toban ku ah beeraha ay xoolo-dhaqatadu ku shirkoobeen ee ku yaalla deegaanka. Tii ugu horreysay waxaa bishii Agoosto laga aasaasay agagaarka ceel biyaha laga cabo.
Cawil Yaasiin Baaruud oo ka mid ah kooxdii billowday oo toban qof ka kooban ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay gaareen heer ay labadii maalmoodba goostaan khudaar gaaraysa 140 kg oo celcelis ahaan uu qiimaheeda dhan yahay $70. Tan iyo markii ay goosashada billaabeen waxay iska bixiyeen deymihii lagu lahaa ee dukaamada ka qaateen xilligii abaarta, haddana waxay joogto u helaan masaariiftooda.
Wuxuu xusay in deegaanka ay ku yaallaan ceelal dabiici ah oo biyo laga heli karo xitaa xilliyada jiilaalka, taas oo uu tilmaamay inay tahay arrinta ugu weyn ee ku dhiirrigelisay beeraha. Hase yeeshee maaddaama dhulkan ay beeraha ku cusub yihiin ay caqabado kala kulmayaan bahallo ay ka mid yihiin caano-qub (kashiito) iyo shimbiro cunaya miraha masaggada iyo galleyda. Waxay ka fikirayaan inay joojiyaan abuurista dalagyadaas maaddaama ay bahalladu curyaaminayaan wax-soo-saarkooda.
Billowgii sagaal neef oo ari ah oo ay isku darsadeen ayay ku iibsadeen; matoor duug ah oo laga siiyay $250, tubbooyin ay ku waraabsadaan beeraha oo ay ka soo bixiyeen $80 iyo qalabka beeraha lagu fasho oo ugu fadhiya $70.
Wuxuu xusay in kooxdooda uu ku jiro nin beeraha wax ka yaqaanna oo ka mid ahaa dadkii abaartii 1974-kii ay dowladda Soomaaliya geysay dhulka beeraha hodonka ku ah ee koonfurta. Tababarro abuurka iyo waraabka ah oo uu bixiyo ayay ka faa’ideystaan beeraleydan cusub.