Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ay saameynta abaarta u beddeshay beero-falato

admin by admin
December 11, 2017
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqato ay saameynta abaarta u beddeshay beero-falato
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Cabdiraxmaan Jaamac Faarax ayaa markii ugu horreysay labadii bishan wuxuu qoondo u helay $100 kaddib markii ay goosteen khudaar ka baxday beertooda oo saddex bilood jirta. Beertan oo ku taalla tuulada Oog oo 15 km u jirta degmada Caynabo ee gobolka Sool ayaa ka kooban 30 hektar. Waxay shirko ku yihiin afar nin oo kale. Qoysas badan oo xoolo-dhaqato ah oo deegaankan jooga ayaa u weecday beero-falashada markii ay ku ceyrtoobeen abaarta xoolaha yar ee u harayna ay ku filnaan waayeen noloshooda.

Ninkan oo 45 sano jir ah oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 8 qof waxaa abaarta uga dhimatay 350 ari ahaa iyo 25 geel ahaa. Hadda waxaa u haray siddeed neef oo ari ah oo keliya, Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in fikraddan beero-falashada ay ku dhalatay markii ay arkeen dad xoolo dhaqato ahaa oo beero samaystay, dalagna goosanaya, taas oo u caddaysay in deegaanka uu ku habboon yahay wax beerista.

Siddeed boqol oo kiilo oo yaanyo ah iyo basbaas dhan 200 kg oo ah wixii ugu horreeyay ee beertooda ay ka goostaan ayaa looga iibsaday lacag dhan $460. Waxay ku rajo wayn yihiin in dhaqaale intaas ka badan uu u soo xeroodo marka ay bisha Janaayo goostaan tacabka xiga.

Khudaar noocyo kala duwan leh, galley, masaggo, seytuun, liin iyo qare ayaa u beeran. “Filashadeennu waa inaan heli doonno saddex jibbaar lacagtii aan horay u helnay,” ayuu yiri.

Beerta kooxda Cabdiraxmaan ayaa toban ku ah beeraha ay xoolo-dhaqatadu ku shirkoobeen ee ku yaalla deegaanka. Tii ugu horreysay waxaa bishii Agoosto laga aasaasay agagaarka ceel biyaha laga cabo.

Cawil Yaasiin Baaruud oo ka mid ah kooxdii billowday oo toban qof ka kooban ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay gaareen heer ay labadii maalmoodba goostaan khudaar gaaraysa 140 kg oo celcelis ahaan uu qiimaheeda dhan yahay $70. Tan iyo markii ay goosashada billaabeen waxay iska bixiyeen deymihii lagu lahaa ee dukaamada ka qaateen xilligii abaarta, haddana waxay joogto u helaan masaariiftooda.

Wuxuu xusay in deegaanka ay ku yaallaan ceelal dabiici ah oo biyo laga heli karo xitaa xilliyada jiilaalka, taas oo uu tilmaamay inay tahay arrinta ugu weyn ee ku dhiirrigelisay beeraha. Hase yeeshee maaddaama dhulkan ay beeraha ku cusub yihiin ay caqabado kala kulmayaan bahallo ay ka mid yihiin caano-qub (kashiito) iyo shimbiro cunaya miraha masaggada iyo galleyda. Waxay ka fikirayaan inay joojiyaan abuurista dalagyadaas maaddaama ay bahalladu curyaaminayaan wax-soo-saarkooda.

Billowgii sagaal neef oo ari ah oo ay isku darsadeen ayay ku iibsadeen; matoor duug ah oo laga siiyay $250, tubbooyin ay ku waraabsadaan beeraha oo ay ka soo bixiyeen $80 iyo qalabka beeraha lagu fasho oo ugu fadhiya $70.

Wuxuu xusay in kooxdooda uu ku jiro nin beeraha wax ka yaqaanna oo ka mid ahaa dadkii abaartii 1974-kii ay dowladda Soomaaliya geysay dhulka beeraha hodonka ku ah ee koonfurta. Tababarro abuurka iyo waraabka ah oo uu bixiyo ayay ka faa’ideystaan beeraleydan cusub.

 

Previous Post

Fanaan Gaashaanle boolis ah oo ku nool Hargeysa

Next Post

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

Related Posts

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Next Post
blank

Dhegeyso barnaamijka dhaqtarka raadiyaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-SEP-2026

IDAACADDA 15-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-SEP-2026
September 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-SEP-2026
September 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo