Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas soo barakacay oo dhexdooda isu maalgaliyay ganacsiyo yaryar

admin by admin
December 29, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qoysas kasoo barakacay abaarta oo ku sugan xero lagu barakacay oo ku taalla duleedka Gaalkacyo ayaa lacag ay iska uruuriyeen ganacsiyo ugu abuuray kuwooda ugu duruufta badan. Howshan oo billaabatay toddobaadkii hore waxaa ka faa’iidaystay 120 qof. Waxay isugu jiraan qaar la siiyay lacag caddaan ah oo ay ganacsiyo yar yar ku maal gashadaan iyo kuwo loo iibiyay agab ay ku shaqaystaan.

Muuse Cabdi Xalane oo ah horjoogaha xerada ay dadkan ku nool yihiin oo lagu magacaabo Taallo-cad oo 15 km waqooyi-bari ka xigta magaalada ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in muddo 13 bilood ah ay dadka xerada ku nool ka aruurinayeen lacag. Maalin kasta waxaa qofkiiba laga qaadayay toban kun oo shilin Soomaali ah, xitaa kuwa aan shaqaynin waxay ka bixin jireen lacagta dawarsiga kusoo gasha.

Wuxuu xaqiijiyay in ay uruuriyeen lacag gaaraysa Shs50M ($1,724). Dadka ka faa’iidaystay maalingelintan oo deeq ah, kan ugu badan waxaa la siiyay $150, kan ugu yarna $40. “Waxaan is tusnay inaan lagu noolaan karin wax laga sugo hay’ado, sidaas daraadeed guul baan u aragnaa inay fikradeen shaqaysay oo qaarkeenna ugu daran aan shaqo u abuurnay,” ayuu yiri.

Dadka faa’iidaystay mashruuca waxaa kamid ah Xafso Axmed Maxamed oo loo iibiyay neef ari ah, miis iyo agabka hilibka lagu jar-jaro. Hooyadan oo korsata shan carruur ah oo agoon ah ayay shaqadani ka caawisay daboolidda baahida qoyskeeda. Inkastoo aysan shaqadan gaarsiinin heer ay ka baxdo xerada barakaca oo ay magaalada guri ka kiraysato, haddana waxay uga baxday cunta yaridii qoyskeeda haysatay ee ka dhalatay shaqo la’aanta.

Hadda maalin kasta waxay goobteeda cusub ee shaqada oo ku dhex taalla xerada ku qashaa hal neef oo ari ah oo ay soo amaahato. Neefka ariga ah ee qalliinka ah wuxuu Gaalkacayo ka joogaa Shs1.2M ($43). Maalinta ugu fiican waxay faa’iiddaa Shs300,000 ($11).

Xafso ayaa markii hore ka soo barakacday gudaha Itoobiya, kadib markii ay abaarta uga dhammaadeen 200 boqol oo ari ah iyo labo sac.

Shaqo abuurku kuma eka dadka ganacsiyada yar yar loo sameeyay. Waxaa sidoo kale jira 45 nin oo loo qaybiyay agabka lagu jebiyo dhagaxa. Xeradu waxaa u dhow oo rag badan oo soo barakacay ka faa’iidaystaan dhul laga qodo dhagaxa loo isticmaalo dhismaha. Gawaari ka timaada Gaalkacyo ayaa midkiiba uga buuxsada lacag dhan Shs250,000.

Axmed Cabdisalaan oo loo iibiyay burusyo, sabaradaha lagu bixiyo dhagaxa iyo badeello ayaa sheegay in maalin kasta uu jebiyo dhagax buuxin karta hal gaari. Muddo toban bilood ah oo uu xerada deggenaa, isla markaana uu shaqo la’aan ahaa waxay qoyskiisa oo ka kooban 12 qof ku noolaayeen caawimaad ay dad kale ka helaan.

Wuxuu kamid yahay dadkii ay saamaysay abaartii ugu dambaysay ee ku dhufatay gobolka Nugaal. Ari ka badan 200 oo neef iyo 12 geel ah ayuu ku waayay daaq la’aanta iyo harraadka ka dhashay abaarta.

Previous Post

Ku soo dhowow xubinta qiimaha xoolaha

Next Post

Hanti malaayiin dollar lagu qiyaasay oo ku gubatay suuqa Wajaale

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Hanti malaayiin dollar lagu qiyaasay oo ku gubatay suuqa Wajaale

Hanti malaayiin dollar lagu qiyaasay oo ku gubatay suuqa Wajaale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo