Degmada Wajaale oo ku taal xadka Ethiopia iyo Somaliland ayaa suuqeedii ganacsiga waxaa baabi’iyey dab habeen hore ka kacay.Xog ururin lagu sameeyay khasaaraha maaliyadeed ee dabkaasi geystay waxaa ay noqotay in lagu waayay laba Milyan oo doolar, iyadoo ay ku shaqo waayeen 700 oo qof oo kala ahaa mulkiilayaashii.
Xamaaliintii iyo dadkii kale ee meheradaha iibin jiray sida uu raadiyaha Ergo u sheegay Maxamed Jaamac oo ah guddoomiyaha Ganacsatada Wajaale.
Warbixin arrintaan ku saabsan waxaa inoo soo diray Ilyaas Cabdi Cali. Halkaan hoose ka dhegeyso.









