Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hooyo xoolihii uga badbaaday abaarta ku maalgashatay maqaayad

Radio Ergo by Radio Ergo
December 27, 2017
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Hooyo xoolihii uga badbaaday abaarta ku maalgashatay maqaayad

Nadiifo Cilmi oo ku mashquulsan howsha maqaayadda/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Nadiifo Cilmi Waasuge oo 34 jir ah waxay afar bilood ka hor maqaayad ka furatay magaalada Beledweyne oo ay u soo barakacday, kaddib markii ay xaraashtay 28 ari ah oo uga badbaaday abaarta.  Go’aankan oo ay aaminsan tahay inuu yahay kii ugu saxnaa ee noloshooda beddelay wuxuu ka dhigay qof ka soo kabaneysa abaarta. Hooyadan oo haysata shan carruur ah oo agoon ah ayaa habeen kasta la hoyata $14 oo faa’iido ah. Waa lacag ugu filan biil, kirada guriga, waxbarashada carruurta iyo baahiyahooda kale ee aasaasiga ah.

“Waxaan go’aankaan u gaaray, xoolaha waxaan u sii hayo ma garanayn, nolol iiguma filnayn, waxna iigama irmaanayn. Marka waxaan is iri shaqo ku abuuro wixii ay kuu gooyaan,” ayay tiri Nadiifo. Waxay horay u ahayd xoolo-dhaqato ku nool miyiga tuulada Yasooman oo qiyaastii 30 km dhinaca bari ka xiga degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Saddex maalmood oo ay seyladda ku noqnoqotay waxaa u suuragashay in xoolaha oo aad caato u ahaa laga siisto $414. Waxay ahayd bishii toddobaad ee sanadkan waxayna isla bishii xigtay ku furatay maqaayaddan oo raashinka lagu kariyo uu yahay dalagga beeraha gudaha ka soo go’a. Xaruntan oo bishii looga kireeyay $30 waxay macaamiisheeda oo u badan muruqmaalka aan awoodin inay maqaayadaha waaweyn ka cunteeyaan ay ku fariistaan gogol dhulka loo fidiyo.

Nadiifo oo cuntada karisa iyo wiil adeege ah oo ay maalintii siiso $2 ayaa ah shaqaalaha maqaayadda.

Shaqadan waxay u suuragalisay inay kireysato labo qol oo baraako ah oo ay bishii ka bixiso $20. Markii hore waxay dulsaar ku ahayd qoys ay qaraabo yihiin oo deggan deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Beledweyne. Waxay sidoo kale markii ugu horreysay saddex bilood waxbarasho gaysay labada ugu waaweyn carruurteeda oo kala ah wiil 11 jir ah iyo gabar 9 jir ah. Midkiiba waxay bishii ka bixisaa $10.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in aysan dooneyn in ay dib ugu noqoto noloshii miyiga iyo xoolo-dhaqashada. Sababtu waa iyada oo heshay shaqo fiican iyo fursadda waxbarasho ee carruurteeda oo aan oollin miyiga.

Abaarta oo deegaankeeda ka jirtay muddo saddex sano ah ayaa ka dishay 142 ari ahaa.

Saddexdii sano ee u dambeysay waxaa magaalada Beledweyne u barakacay 11,550 qof, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan. Dadkaan ayay abaaraha ka jira deegaanno kala duwan oo gobollada Hiiraan, Bakool iyo Bay ah ku qasbeen inay degaan 54 xero barakac oo ku yaalla magaalada iyo daafaheeda.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in dadkan oo qaarkood ka dawarsada magaalada ay u baahan yihiin in laga caawiyo sidii ay dib ugu noqon lahaayeen guryahooda iyo noloshoodii hore.

Previous Post

Dadki ku soo barakacay Beledweyne oo shaqo-abuur sameystay

Next Post

Shirkado xoolaha iibsada oo todobaadkaan sayladda Baydhabo soo galay

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Dhegeyso qiimaha xoolaha oo aan ku qaadanay qaar ka mid ah suuqyada dalka

Shirkado xoolaha iibsada oo todobaadkaan sayladda Baydhabo soo galay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo