Boqollaal qoys oo ku soo barakacay abaarta ayaa ku nool magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa sameystay shaqooyin ay ku dabaraan nolosha qoyskooda. Dadkaas waxaa kamid ah Nadiifo Cilmi, oo maqaayad ay ku sameyso cuntooyin ka baxa gudaha dalka u jarmaadda aroor walba, sida uu warbixintaan inoogu soo diray weriyaha Ergo uga soo warramada Hiiraan, Jamaal Cali Yare.











