Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Daraasad: Roob-yarida oo keliya ma sababto abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya

admin by admin
December 8, 2017
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Ayax ku degay tuulooyin hoos taga Saylac

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Roob-yarida oo keliya sabab uma aha abaaraha daba dheeraaday ee ku soo noqnoqday Soomaaliya, sida ay sheegtay daraasad uu 29-kii Nofeembar soo saaray madaxa xarunta daraasaadka ee jaamacadda PSU, Saciid Shidaad Xaaji Xuseen. Xaalufka ayuu ku tilmaamay dhibaato weyn oo si dhab ah u sii ballaarineysa abaaraha. Wuxuu xusay kororka dadka, si xun u magaaleynta miyiga, daaqsinta dhul-feenashada ah, dhir-jaridda, carro-guurka iyo isbeddelka cimilada inay sabab u yihiin xaalufkaas.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in roob-yarida iyo isbeddelka cimilada ay yihiin arrimo dabiici ah oo weligoodba la arki jiray, laakiin maanta dhibaatooyinkaas kale oo iskaashaday ay keeneen in roobkii 30 sano ka hor waxtarka lahaa uusan maanta waxba soo kordhineyn dhulkii oo gawaan noqday awgeed. “Roob yar oo dhiiqo ah marka uu da’o 40 sano ka hor dad badan ayaa ku degi jiray oo la isuma soo guuri jirin, laakiin maanta meeshii yar ee uu roob ka da’o waa la isugu imaanayaa,” ayuu yiri.

Carro-guurka oo inta badan ay keenaan dabeylaha, biyaha iyo cagta xoolaha ayaa waxaa hadda ku darsoomay ugana sii daray socodka baabuurta. Saciid ayaa xusay marka ay dhirtu dhamaato in ay biyaha si fudud ciidda u qaadayaan iyagoo dhulka ka dhigaya boholo, taas oo sii kordhineysa xaalufkii horay u jiray. Tan ayaa sababeysa in aysan abaartu si dhab ah u dhamaan, dhulkuna uusan awood u yeelan soo saarista daaqii la arki jiray. “Waxaa jira lama-degaan aan la qiyaasi karin oo aan laga fiirsan oo aad u ballaaran oo soo fool leh,” ayuu yiri.

Dhirtii ku taallay dooxooyinka ayuu sheegay in 80 boqolkiiba ay baaba’day 30-kii sano ee u dambeeyay, halka tii qararkana ay baaba’day 30 boqolkiiba.

Tan iyo bishii Abriil ee sanadkan oo ah intii uu daraasadda sameynayay wuxuu socdaal ku tagay lix gobol oo kala ah; Mudug, Nugaal, Bari, Sanaag, Sool iyo Awdal. Wuxuu u kuurgalay dhibaatooyinkan, isagoo wareystay dad badan.

Saciid Shidaad ayaa ku taliyay in la abaabulo xoolo-dhaqatada iyo dadka caadiga ah ee magaalada jooga, lana dareensiiyo dhibaatada iyo xajmiga nabaad-guurka dhulka ku dhacay si ay u sameystaan ururro iyo dhaqdhaqaaq deegaan-u-qareen ah, dowladdana ay kula xisaabtamaan wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la horumariyo beerista calafka.

Wuxuu sidoo kale xalka muddada dhow u arkaa in la billaabo dhaqangelinta siyaasadaha ay dowladaha iyo maamullada soo jeediyeen, lana sameeyo boolis sharciyada iyo siyaasadaha deegaanka fulinaya. Wuxuu qabaa reer miyiga iyo xoolo-dhaqatada in la siiyo qalab ay ku yareyn karaan nabaad-guurka, ayna ku ururin karaan qashinka badan ee miyiga lagu daadiyay.

Wuxuu xalka muddada dheer u arkaa in la dejiyo reer guuraaga iyadoo lagu billaabayo qoysas tusaale ah; iyo in raacatada qaraabadooda reer magaalka ah lagu boorriyo inay taageeraan dejinta raacatada.

Previous Post

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

Next Post

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
ANTHRAX AND OTHER LETHAL LIVESTOCK DISEASES IN BAY

Dhegeyso xubinta qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo