Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

135 qof oo lagu la’yahay qaraxii Soobbe

admin by admin
October 17, 2017
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
135 qof oo lagu la’yahay qaraxii Soobbe

Sawir/Dhalinyarada Gurmad Qaran/Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dad gaaraya 135 qof oo loo maleynayo inay ka ag-dhowaayeen qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’yahay. Howl-wadeennada Ololaha Gurmad Qaran ee dadkii wax ku noqday qaraxaas ayaa noo sheegay in ehelada dadkaas ay weli ka baadi-goobayaan xarumaha caafimaadka.

Weli waxaa socda howlo burburka dhismeyaasha hoostooda looga baarayo meydad ama dad nool oo ay suuragal tahay inay ku hoos jiraan. Shalay ilaa maanta waxaa xarumaha caafimaadka laga helay toddobo qof oo nool, laakiin qaba dhaawacyo kala duwan. Guddiga ayaana ka shaqeeyay inay is helaan iyaga iyo eheladooda.

Sidoo kale 15-kii bisha meydad hor leh oo gaaraya 60 qof, kuwaas oo wejiyadooda ay isbeddeleen ayaa laga soo dhex saaray dhismeyaasha burburay. Meydadkaas waxaa lagu wareejiyay eheladooda sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdixakiim Ceynte oo ah madaxa qeybta diiwaangelinta ee Gurmad Qaran. Qaarkood oo watay kaarar aqoonsi iyo ehelada oo qaarka kale ku gartay dharkii ay xirnaayeen ayaa fududeysay in la bar-garto.

Fowsiyo Faarax Cali oo dhashay lix carruur ah ayaan nolol iyo geeri ku haynin gabar ay dhashay oo 17 jir ah, laguna magacaabo Bureekho. Gabadha la la’yahay toban daqiiqo ka hor ayay ka soo baxday gurigooda oo u dhow safaaraddii Mareykanka oo aan wax badan ka fogeyn isgoyska Soobbe oo ah halka ay wax ka dhaceen.

Gurigeeda uma hoyan tan iyo markii ay maqashay qaraxa, waxay hadba mid tagtaa isbitaallada magaalada iyadoo ka rajo qabta inay nolol ama geeri mid ku hesho gabadheeda maqan. “Ma sabri karo anigoo aan gabadheyda helin, maxaa yeelay waxaan ahay beer wax dhalay,” ayay tiri.

Isbitaallada waxaa aad u imaanaya dad dadkooda baadi-goobaya oo murugo ay ka muuqato.

Badi dadka oo gubtay ayaa sababtay in la kala garan waayo, isla markaana la isku qabsado meydadka si loo aasto. Ma jiro hannaan baaris oo lagu kala saaro dadkaas (DNA), haddii ay jirtana xaaladda gubasho, dayaca iyo waqtiga adag ayaan saamaxayn.

Goobaha caafimaadka ayaa maalintii afaraad uu ka jiraa mashquul aad u ballaaran. Waxaa weli xarumaha caafimaadka ku hoyda dad rajo ka qaba in maydadka aan dadkooda la helin ay iyagu aastaan, si ay uga harto murugada.

Dadkaas waxaa ka mid ah Caasho Hilowle oo nolol ku waysay walaalkeed, hase ahaatee waxay heshay goor dambe oo dorraad ah kaddib markii lagu qabsaday meydka walaalkeed oo qoyskale moodeen in uu wiilkoodu yahay. Wuu gubtay, lamina aqoonsan karin, taas ayaana adkeysay helistiisa sida ay noo sheegtay.

Agaasimaha isbitaal Madiina, Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in isbitaalkooda oo keliya uu diiwaangeliyay dhimashada 237 qof, iyo dhaawaca 111 qof. Dhaqtarka oo sanado badan ka shaqeynaya Soomaaliya ayaa qaraxaas ku tilmaamay kii ugu darnaa ee ka dhaca Muqdisho. Laakiin Cabdixakiim Ceynte wuxuu sheegay dhimashadu inay gaartay 302 iyo inay jiraan 130 dhaawacyo qaba oo 35 ka tirsan oo xaaladdooda ay darneyd loo qaaday shalay Turkiga.

Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Qadar ayaa gurmad caafimaad oo isugu jira deeq dawo ah iyo daaweyn dibadda ah u sameeyay dhaawacyada.

Previous Post

ISBITAALKA GUUD EE GAALKACAYO OO ADEEG LA`AANI HAYSO

Next Post

Dad nafaqa-darro ugu dhintay duleedka Caabudwaaq

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
SHAN CARRUUR AH OO CUDURRO KALE DUWAN UGU DHINTAY BUUR-DHUUBO

Dad nafaqa-darro ugu dhintay duleedka Caabudwaaq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-MAY-2026

IDAACADDA 10-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo