Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

ISBITAALKA GUUD EE GAALKACAYO OO ADEEG LA`AANI HAYSO

admin by admin
October 17, 2017
in Caafimaadka
0
ISBITAALKA GUUD EE GAALKACAYO OO ADEEG LA`AANI HAYSO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
Isbitaalka guud ee gobolka Mudug oo ay soo foodsaartay baahiyo keeni kara inay joogsato shaqada uu dadweynaha uhayo, isbitaalka oo ka kooban 500 oo sariirood ahna kan ugu weyn gobollada bartamaha Soomaaliya ayaa wuxuu leeyahay qaybaha kala ah qeybta gargaarka, degdegga ah, qeybta qaaxada, qeybta dhalmada, qeybta carruurta, qeybta  bukaan jiifka, qeybta bukaan socod eegtada, qeybta raajada iyo sheybaarka  iyo qeybo kale isla markaasna isbitaalka waxa ku dhex taalla kulliyad caafimaadka lagu barto.
Isbitaalkan oo la dhisay 1935kii ayaa  baxsha adeegyo caafimaad oo lacag la`aan ah  waxana ka faa’iidaysta dad u badan danyar oo ka kala yimaada  meelo kale duwan oo dalka Soomaaliya  iyo darsikaba ah, waxana howlo caafimaad oo isugu jira qalliimo iyo daaweyn lacag la’aan ah kafuliya takhaatiir Soomaaliyeed.
Isbitaalka ayaa waxaa gacanta ku haysa wasaaradda caafimaadka Puntland mana jirto muddo saddex bilood ah wax taageero ah oo ka soo gaartay waana intii maamulku is bedelay, wax hay’ad samafal ah oo gacanta ku heysa tan iyo markii ay ka baxday hay’adda MSF, waaxaan tan iyi bixitaankii MSF jiray culays haysta isbitaalka, taasoo hadda keentay siday sheegayaan saraakiisha isbitaalku uu qarka u saaran yahay inuu xirmo.
Agaasimaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo Dr Maxamed Xuseen Aadan ayaa Ergo u sheegay inay jiraan  baahiyo u baahan in wax lagala qabto  isbitaalka oo gacan laga siiyo taas oo ay ka mid yihiin mushaar la’aanta shaqaalaha iyo adeegga kale ee isbitaalku dadweynaha uu qabto.
‘‘Isbitaalku wuxuu maalintii shaqooyin caafimaad oo lacag la`aan ah u qabtaa bukaan gaaraya 600 ilaa 800 oo qof, kuwaasoo u badan dadka danyarta ah gaar ahaan hooyada iyo carruurta, waxana ka shaqeeya oo ka howlgala  300 oo qof oo shaqaale iyo takhaatiir isugu jira, mana qaadan wax mushahar ah tan iyo bishii Diseebar ee 2014, waxaa kaloo jira caqabado keeni kara in shaqadu gebi ahaanba istaagto ayna ugu horreyso daawooyinka gargaarka degdeg ah ayaa hadda gabaabsi ah, qalabka rajadu ku shaqayso ayaa gabaabsi ah, sidoo kale daawooyinka shaybaarka loo isticmaalo ayaa iyana dhamaaday, waxaa kaloo jira dad qaata daawada qaaxada waxana  ku jira bukaanno gaaray heerkii xannuunku la qabsan jiray daawada, una baahan xanaano, oo haddii ay ka baxaan meesha ay daawada ku qaataan la kulmi kara khatar, sidoo kale waxaa jira  carruur yaryar oo u jiifta cudurada maqaarka, nafaqa daro iyo shubanka qaybta carruurta ee bukaan jiifka ah’’
Faadumo  Maxamed Cali waxay isbitaalka guud ee Gaalkacyo ku haysaa hooyadeed oo muddo xanuunsanaysay, waxayna  Ergo u sheegtay in isbitaalku u qabtay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, haddii uu taageero waayana ay waayi karaan adeeggaas islamarkaana aysan awoodin inay goobo kale oo lacag ah ay aadaan.
Canab Kulmiye cali oo ka timid deegaanka miyiga Xarfo  kana mida bukaanka ku jira isbitaalka guud ayaa idaacadda Ergo usheegtay inay heleen daaweyn lacag la’aan ah laakiin ay hadda welwel qabaan.
Agaasimaha isbitaalka Dr. Maxamed ayaa sheegay inay la xiriireen maamulka Puntland si arrintaan wax looga qabto, balan qaad ma ahane welise aysan wax ka soo gaarin, wuxuuna kaloo codsi u diray jaaliyaddaha iyo hay’addaha samafalka inay arrintaan gacan ka geystaan.
Burhan/MH
Previous Post

Qiimaha xoolaha qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya

Next Post

135 qof oo lagu la’yahay qaraxii Soobbe

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
135 qof oo lagu la’yahay qaraxii Soobbe

135 qof oo lagu la’yahay qaraxii Soobbe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo