Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootigii Yemen ka yimid oo fursado shaqo ka helaya Boosaaso

Radio Ergo by Radio Ergo
August 12, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Returnees from Yemen bring new energy to Bosasso
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Photo | Maxamed Cabdiqaadir oo shaqadiisa ku guda jira/Sawir/Faadumo Taxadar
12 August, 2015 BOOSAASO

Qaar ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo qaxay dagaallada Yaman ayaa nolol cusub ka bilaabaya magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari. Qaxootigan oo qaarkood dhowr iyo toban sano ku noolaayeen xerada AlKharas iyo magaalooyin kale oo ay Cadan ku jirto shaqooyin ku helaya xirfado ay Yaman kusoo barteen sida cunto-karinta, halka qaarkoodna ay abuuranayaan ganacsiyo yar yar oo ay reerahooda ka quudiyaan.

Cabdiqani Maxamed Siidey waa 30 sano jir ka mid ah kumanaan qaxooti ah oo Yaman kasoo qaxay labo bilood kahor. Isaga iyo saaxiibkii ay Yaman iskala soo qaxeen waxa ay maqaayad cunto ka fureen meel ku dhow xero ay dadka soo noqday ay ka dagan yihiin Boosaaso. “Waxaan karinnaa nooc walba oo cunto ee qofku u baahan karo, si gaar ah dadka danyarta ah,” ayuu Cabdiqani u sheegay Raadiyoow Ergo.

Kahor inta isaga iyo saaxiibkii aysan maqaayadda furin, Cabdiqani wuxuu ka fikirayay in uu u gudbo Muqdisho oo reerkiisu degan yahay, shaqo na ka heli kari lahaa. Wuxuu se ogaaday in maqaayad la’aanta deegaanka ka jirta ay tahay fursad ganacsi oo laga faa’iideysan karo. Laakiin isaga iyo saaxiibkiis oo isna ah cunto-kariye ah ma aysan heli karin dhaqaale maqaayad lagu furo. Laakiin qof kale oo ka mid ah Qaxootiga Yaman kasoo noqday oo ay fikrada la wadaageen ayaa bixiyay qarashka ku baxay furitaanka maqaayada.

“Waxaan kariyaa cuntooyin fudud oo badankood aan hore magaalada looga aqoon, oo aan kusoo bartay dalka Yaman, dadkuna aad bey u jecel yihiin,”  ayuu yiri Cabdiqani oo hadda ka mid ah milkiilayaasha maqaayada. Maqaayadu hadda waxa ay shaqeysaa ilaa xilli dambe habeenkii. Cabdiqani kama fikirayo in uu meelna uga baxo Boosaaso, magaaladiisa cusub.

Cabdiqani oo keli ah ma ahan, laakiin boqollaal kale oo dhalinyaro Yaman kasoo noqotay ah ayaa iyana ganacsiyo yar yar ka furtay magaalada Boosaaso oo dhalinyarada deegaanku uga tahriibaan shaqo la’aan. Maxamed Cabdiqaadir waa aabe afar carruur ah iyo xaasleh. Lix bilood kahor ayaa kasoo qaxay xerada qaxootiga ee Alkharas oo tobankii sanno ee lasoo dhaafay uu ku noolaa.

Wuxuu dukaan lagu iibiyo khudaarta iyo cabitaanka ka furtay xero uu ka deggan yahay magaalada Boosaaso. “Waxaan ka helaa $10 ilaa $15 maalin walba, waan ku faraxsanahay wayna ku filan tahay nolosha reerkeyga, maaddaama aan dalkeenna nimid oo aan xornimo ku shaqeysaneyno waxba nagama maqna,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay Raadiyoow Ergo.

Si kastaba, Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah aqoonyahannada deegaanka wuxuu sheegay in dhalinyarada kasoo noqonaya dalka Yaman ay xirfado hal-abuur, ganacsi iyo ilbaxnimo kusoo kordhin karaan magaalada.

“Xagga dhismaha, howlaha guriga, farsamada korontada iyo sameynta alaabaha iyo ganacsiga guud ahaan waa dad aad ugu dheereeya, oo waxay ka yimaadeen dal ilbaxnimo caan ku ah. Waa inaan ka faa`iideysannaa oo aan soo dhoweynaa,” ayuu yiri Muuse. Wuxuu ku boorriyay bulshada deegaanka in dhalinyarada soo noqday loo fududeeyo dhexgelka bulshada si xirfadahooda looga faa’iideysto, iyaga looga faa’iidiiyo.

Faadumo Siciid Yuusuf/FM/MR

Previous Post

Beledwayne: 2700 qoys oo ka soo cararay colaado oo ku biiray barakacayaasha

Next Post

Bakool: Beeralley u qaxday Tiyeegloow

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Bakool: Beeralley u qaxday Tiyeegloow

Bakool: Beeralley u qaxday Tiyeegloow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-JUL-2026

IDAACADDA 27-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUL-2026
July 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo