Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadka soo barakacay oo ka maarmaya gargaarka

admin by admin
July 29, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dadka soo barakacay oo ka maarmaya gargaarka

Photo | Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaar ka mid ah dumarka deegaanadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa sameysanaya ganacsiyo yar yar iyo xirfado ay ku shaqeystaan si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta hey’adaha gargaarka. Iskudaygaas ayaa dabo-socda cuntooyinka iyo kaalmada ay bixiyaan hey’adaha shisheeye oo gabaabsi noqonayay sanadihii dambe.

Nuurto Maxamed oo ah agoonley afar carruur ah heysta waxey ka mid ah tahay labo kun oo qof oo dumar iyo carruur u badan oo ku nool aqallo cooshado ka sameysan oo ka dhex taagan xerada Sayidka ee ku dhow xarunta baarlamaanka. Aroorwalba ayey ka xerada, iyada oo raadineysa reer dhar dhaqid u baahan.

Maalinta wanaagsan waxey heshaa 40,000 ilaa 50,000 oo aan dabooli karin baahida qoyska, laakiin waxay dhaantaa maalinta ay dib xerada ugu soo noqoto iyada oo aan shilin helin. “lacagtaas noogu ma filna raashinka saddexda waqti, laakiin waxey dhaantaa sugista deeq aan la hubin xilliga ay imaan doonto,”  ayey Nuurto u sheegtay Raadiyoow Ergo oo ah agoonley.

Raaliyo Aweys Axmed waa xirfad yaqaanad ku xeeldheer farsamada danbiilaha cawda, babis xariirka, salliyada, darmaha iyo cuntada fudud, oo ku nool isla xerada Sayidka. Nasiibdarro se, ma heysato qalabka agabkaas lagu farsameeyo, sidaas darteed waxey doorbiday inay kariso kadibna iibiso cuntada fudud sida sambuuska iyo burka. “Saddex carruur ah baa ii joogta, waxaana ganacsigaas ka helaa 50,000 ilaa 60,000 oo shilin maalin walba,” ayey tiri Raaliyo.

Qoyska deegaanadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho badidood ma helaan raashin  iyo kaalmo joogta ah. Taas ayaa ku qasbeysa inay helaan xirfado iyo shaqooyin ay nolol maalmeedka kala soo baxaan, si uusan dabka uga damin.

Si kastaba, Aamino Xasan Aadan oo ururka Haweenka Qaranka u qaabilsan arrimaha dadka deegaanadooda kasoo barakacay iyo kuwo naafada ah waxey sheegtay inay bilaabeen diiwaangelinta dadka soo barakacay ee magaalada iyo xeryaha ku dhow ku nool. “Tiro-koobkaas wuxuu hordhac u yahay qorshe aan wadno oo ah in dadka soo barakacay xirfado shaqo loo tababaro, kadib shaqo loo abuuro si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta gargaarka wixii loo gaaro dhamaadka 2016-ka,” ayey Aamino u sheegtay Raadiyoow Ergo.

Previous Post

Qoysas ka qaxaya Baardheere

Next Post

QIIMAHA KHUDAARTA OO SARE U KACAY

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Qoryooley: Beero 40 hektar ah oo ku baaba’ay fatahaad

QIIMAHA KHUDAARTA OO SARE U KACAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo