Boqolaal qoysas ah ayaa ka barakacay magaalada ugu weyn gobolka Gedo ee Baardheere oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwo Midowga Afrika oo isla socda iyo kooxda Al-Shabaab. Dadka barakacaya oo u badan haween iyo carruur ayaa u qaxaya magaalooyin iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka, sida uu sheegayo weriyaha Ergo ee Baardheere.
Ruqiyo Cali oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa magaalada kala qaxday qoyskeeda oo ka kooban toban carruur ah iyada oo u barakacday magaalada Garbahareey oo isla gobolka ka tirsan. “Colka oo kale ah kama qaxeyno ee magaalada wax walba baa isbadalay. Bakhaaradu way xirmeen, raashinku waa qaaliyoobay,” ayey tiri Ruqiya oo la hadashay Raadiyoow Ergo.
Qoysaska qaar ayaa u qaxay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe, sida qoyska Cabdulaahi Muumin. Cabdulaahi oo saddex xaasle ah wuxuu ka mid ahaa muruqmaalka ka xoogsada degmada Baardheere oo ay qoyskiisu deganaayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay. Hadde wuxuu ka mid yahay qoyska ku nool xerooyinka dadka deegaankooda kasoo barakacay oo ku yaal degmada Saakoow ee gobolka Jubadda Dhexe.
“Aniga xoogsade iyo xamaali baan ahaa laakiin Baardheere lama joogi karin oo meel dagaal bay noqotay. Marka waan isaga tagnay,” ayuu yiri Cabdulaahi. Ciidamada dowladda iyo kuwo Midowga Afrika oo labo jaho weerar uga ah magaalada Baardheere ayaa degmada u kala jira 50km iyo 65km, taas oo kordhisay cabsida dadka rayidka ah. Weriyaha Ergo ee gobolka Gedo wuxuu soo sheegayaa in ku dhawaad afar meelood meel dadkii deganaaa Baardheere inay ka qaxeen magaalada. Dadka ayaa ku qaxaya baabuur, gaari dameero, halka qoysaska qaarkoodna lug uga baxayaan magaalada.