
Tuulooyin ka tirsan degmada Baydhabo ayaa wakhtigaan waxaa ka taagan biyo la’aan, kadib markii ay gureen ilihii biyaha laga cabi jiray, tuulooyinka Makuudo, Gooyaale, Bashaahin, Maara, Mugubo, Ashagow iyo Daboy oo dhamaan ka tirsan degmada Baydhabo, weriyaha Ergo ee Baydhabo Muxiyadin Xasan ayaa in deganadaani ku tiirsanaayeen waraha biyaha, iyagiina qalaleen, wakhtigii dawladii horena ay jireen matooro aysanse shaqayn muddo dheer.
Sheekh Abuukar Sheikh Mustaf waa gudoomiyaha deegaanka lagu magacaabo Mukuudo oo dhanka koonfur magaalada Baydhabo kaga began qiyaastii 10KM, isagoo Ergo u waramaya wuxuu sheegay “Dhibaatada koowaad aan dareeney waa biyo la,aanta. dadka halkan jooga waa kuwo iska tabaaleysan oo beeraley ah, warihii biyo waa laga waayey, ceelasha sidoo kale, Baydhabo oo naga fog ayaa biyo ka keenaan haweenka, mararka qaarna gawaarida ayaan soo sarnaa waa haddii la helayo, marka halis ayaa kasoo socta hadii si deg deg ah loogu soo gurman, deegaankan iyo kuwo kale oo badan nagu”.
Qoysaska degan deegaanada hoos yimaada magaalada Baydhabo oo markii hore la daala dhacayay xaalado dhanka nolasha ah, maadama nolashooda ay ku tiirsaneyd dhanka dalagga beeraha, ayaa waxaa ay kuu sheegayaan in haddii si dhow roobabka la filayo aan u dayin xaalka kasii darayo.
Xabiibo Maxamed Xasan waa 48-sano jir, waxaan kula kulmay deegaanka Booyaale oo biyo la,aan baahsan ay ka jirto, waxay Ergo u sheegtey “Biyo dhanaan ah oo laga helo ceelal naga fog ayaan soo dhaansanaa, carruurta way ku xanuunsadaan marka ay cabaan, nadiif ma ahan, hay,addaha waxaan ka codsaneynaa iney noo soo gurmadaan oo dhanka biyaha ah, dhibaatadeena ma yare, khatar caafimaad oo hor leh ayaa ka cabsi qabnaa”.
Faadumo Maxamed Isxaaq oo ka mid ah qoysaska ku dhaqan deegaanada xaalada biyo la,aanta ka jirta ayaan sheegtay inay haystaan dhibaatooyin markay biyaha u doontaan Baydhabo.
“Marka hore samafal ayaan u baahanahay, biyaha Baydhabo ayaan ka raadsanaa, 20 kii litir 5-kun oo shilinka soomaaliga ah ayaa nalaga soo siiyaa, haddii gaari aan soo saarno ilaa deegaankeena waa lacag kale marka dhibaatada waa dareemi kartaa, xoolahana biyo loomaba hayo”.
Sandheer Maxamed Iftiin oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada ee maamulka Baydhabo ayaa sheegay “Aad iyo aad ayaan ula soconaa biyo la,aanta ma ahan tuulooyinkaas keliya, Baydhabo ayeyba ka jirta biyo la,aanta, tan wax u qabashada dadka ku dhaqan meelaha magaalada ka baxsan, maba gaari karno amaanka dartiis, waxaana laga sugayaa maamulka Koonfur Galbeed iney wadooyinka isku furan si dadka biyo iyo gar ah loo gaarsiiyo”.









