Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Biyaha iyo cuntada oo gabaabsi ku ah qaxootiga Alkharas ku nool

Radio Ergo by Radio Ergo
April 9, 2015
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Biyaha iyo cuntada oo gabaabsi ku ah qaxootiga Alkharas ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa magaalooyinka Yemen ayaa ku qulqulaya xeryaha saxaraha ku yaal ee Alkharas. Qaxootigan ayaa xeryaha badbaado ahaan u aadaya iyaga oo ka qaxaya magaalooyin ay Cadan ka mid tahay oo ay dagaallo ku dhex marayaan ciidamada dowladda iyo shiicada hubeysan ee Xuutiyiinta la yiraahdo. Weriyaha Raadiyoow Ergo ee xeryaha qaxootiga ee Alkharas wuxuu soo sheegayaa inay xerooyinku buux dhaafeen iyada oo qaxootiga qaar ay dibad yaal yihiin.

Laakiin xerada oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaali ah oo ka badan soddon iyo shan kun oo qof ayaa waxaa isaga baxay hey’adaha gargaarka ee ka howl-geli jiray. Cali Maxamed Yuusuf oo saddex iyo labaatan sano ka badan ku nool xerada AlKharas ayaa sheegay in hal hey’ad oo maxalli ah ay hadda xerada ka howl-gasho.

“Cuntada iyo biyaha waa gabaabsi oo hey’adaha adeegyada bixin jiray oo dhan xerada wey isaga tageen,” ayuu Raadiyoow Ergo sheegay Cali. Wuxuu intaa ku daray in qaxootiga la siiyay raashin bil iyo bar ay isticmaali karaan dhammaadkii bishii hore.

Adeegyada caafimaadka iyo dugsiyada waxbarashada xerada ayaa sidoo kale xirmay. Hey’adihii bixin jiray adeegyadaas oo muhiim u ah nolol maalmeedka qaxootiga ayaa cabsi ammaan darteed xerada uga baxay. Ardey ka badan afar kun ayaa horey wax uga baran jiray dugsiya hoose iyo sare ee keli ah ee xeryaha ku yaal.

Faadumo Aadan Maxamed oo ah carruurleey xerada ku sugan waxey ugu baaqeysaa dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha gargaarka in qaxootiga la daad-gureeyo oo dhul iyo dalal kale oo nabad ah la geeyo xitaa haddii aan dib loogu celin karin Soomaaliya.

“Hadda adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada xerada oo dhan hakad bay ku jiraan. Biyaha iyo cuntaduna waa nagu gabaabsi. Marka waa in dalkeenna dib na loogu celiyo ama dal kale nala geeyo kahor inta uusan xaalku xumaan,” ayey tiri Faadumo Aadan oo la hadashay weriyaha Ergo ee xeryaha AlKharas.

Previous Post

Xoolo dhaqatada Gedo oo sheegayo in abaaro iyo cuduro haya

Next Post

Dad Yemen doonyo uga soo qaxay oo yimid Boosaaso

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Dad Yemen doonyo uga soo qaxay oo yimid Boosaaso

Dad Yemen doonyo uga soo qaxay oo yimid Boosaaso

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo