Tuulooyinka Geed-cadlow, Hareeri-uus, Mooro-gubato, Makhuudaale, Carmooleey, Macee-tuurrey, Cilaanlley, Buur-dheere, Ban-gorayo iyo Jilacyaale oo ku yaalla galbeedka Jowhar ayaa dadka deegaanka oo xoolo-dhaqato ah ay qaarkood uga barakaceen biyo la`aanta dartood.
Maxamuud Xuseen Gurey oo ku nool tuulada Carmooley oo 18km u jirta Jowhar ayaa sheegay in ceelka keliya ee tuulada ay lahayd uu jaban yahay muddo shan sano ah, tuuladuna aysan in muddo ah helin roobab ku filan.
Xabiibo Axmed oo ah hooyo leh 5 carruur ah, kana soo barakacday deegaanka Duuraay oo 20km u jirta Jowhar, ayaa Ergo u sheegtay inay Jowhar usoo guurtay , oo ay xoolihii badankood ka le`deen haatanna ay nolosha ku adagtahay.
Maxamed Cabdi Cramooley oo ka mid ah nabad-doonnada galbeedka Jowhar kuna sugan tuulada Geed-Bacadlow ayaa sheegay in dadka tuuladiisa ay u qaxeen bariga gobolka oo uu maro webiga Shabeelle, si ay uga helaan biyo.
Wuxuu sheegay in dadka kale eek u haray tuulooyinkan ay ku iibsadaan biyaha fuustadii 200,000 shilin Soomaali ah, taasoo aysan xoolo-dhaqatadu awoodin.
Maryan Sheekh Cabdi/FM
Biyo yaraan ayaa laga soo sheegayaa ilaa 10 tuulo oo hoos timaadda magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay gureen warihii biyaha iyo ceelashii oo ay matoorradii ka xumaadeen.