
Sahra Guled, ma ahan magaceeda runta ah, waa gabar 21 jir ah kuna nool xaafad ka mid ah Hargeysa, waxayna tahriib ay gashay kula kulantay kufsi siday sheegtay ay ka qaaday xanuunka HIV/AIDs. Sahra waxaa waraystay weriyaheenna Hargeysa Cumar Seerbiya, sheekadii dhex martayna waxay ahayd sida tan.
Iiga waran koritaankaagii hore?
Anniga waxaan ku dhashay Burco, annigoo yar ayaa aabahay iyo hooyaday dhinteen, wiil iyo galbadh ayaan ahayn reer abtigay ayaa na soo koriyey, waxbarasho ayaan galay dugsi Dhexe ayaan kaga baxay markii aan waayey lacagtii aan ku bixin lahaa, markaan qaan gaarayna waxaa dhimirka ka xanuunsaday walaalkaygii iga yaraa oo aan sanad ka weynahay, markaas ayaan go’aansaday inaan tahriibo si aan nolol ka wanaagsan taan ku jirno u helno.
Maxaa kugu dhaliyey tahriibta?
Runtii waa xanuun tahriibtu mar qalbigaaga ku soo dhacaysa, duruufta nololeed ee adag ee anniga iyo walaalkay oo aan waalid lahayn aan ku soo kornay iyo xanuunka walaalkay ee dhinaca miskaxda kaga dhacay iyo dadkii oo badi igula taliyey inaan tahriibo ayaa ugu waaweynaa waxa igu dhaliyey.
Ka sheekee bal markaas meeshaad aaday?
Anniga Yemen ayaan u tahriibay annigoo sii maraya Jabuuti, waxayna ahayd bishii Janaayo 2012, Yemen ayaan tegey bil baan joogay, markaan Yemen joogay bil ayaan u sii gudbay Sucuudiga, markaan xadka tagnay ayaa askai nala kulantay, ninkii na tahriibiyeyna wuu naga dhuntay, kadib meel saxaare ah ayaa nala ku xiray xabsi ku yiil, sided qof ayaan ahayn oo Soomaali ah 2 wiil oo xabsigii ku dhintay muddadii labada bilood ahayd ee aan ku jirnay iyo 6 haween ah, runtii jeelka cidluu ahaa askartii waxay haweenkeena noo geysanayeen kufsi aan xad lahayn subax iyo galab kasta kufsiga ayey noo geysanayeen.
Yaa ku kufsanayey?
Rag xiran dirayska askarta ayey ahaayeen, xoog bayna isticmaalayeen oo wax naxariis ah maysan noo geleyn, ilaa todobo askari ayaana ugu badnaa inta kufsiga noo geysanaya.
Kadib maxaa kugu dhacay?
Muddo laba bilood ah markii ay xabsiga nagu hayeen ayey nagu soo celiyeen xadkii Yemen, laba bilood kadib ayaan haddana Yemen dib uga tegey waan ku guulaystay markaas inaan galo Sucuudiga, waxaan tegey meel la yiraahdo Khamiis, waan yara xanuunsaday, takhtar ayan u tegey beer xanuun ayaa ku haya ayaa la I yiri, Jidda ayaan u sii gudbey oo qoysas aan qaraabo nahay degan yihiin, kuwaas ayaa ii geeyey isbitaal takhtar Soomaali ahi haysto, waayo uma tegi karin takhtar kale, anniga beer xanuun ayaan filayey inuu I hayo, kufsigiina waxaan cabsi ka qabay in uur aan yeesho, waxaase la ii sheegay wax aanan filayn oo ah inaan qabo cudurka HIV/AIDS.
Markaad ogaatay xaladaadii maxaad samaysay?
Dadkii qarabadda ahayn ayaa igula taliyey inaanan sii joogi karin wadanka maadama aan xanuunsanahay, waxaanan go’aansaday inaan ku soo noqdo Soomaaliya, Muqdisho ayaa tarxiil ahaan la igu keenay bishii ina dhaaftay badhtankeedii.
Markaad ehelkaagii u soo noqotay maxaad la kulantay?
Habaryartay oo aan la noolaan jiray ayaan u imid, waanan u sheegay inaan qabo cudurkaan, wayna I eriday, kadib 7 guri oo qaraabo aan nahay ayaa la iga eryey, annigoo dhowr habeen seexday gidaar, oo runtii aan noloshiiba nacay.
Hadda xaggee ku nooshahay?
Waxaa I caawisay xarunta ururka Talo wadaag oo ah urur daryeel u sameeya dadka la nool xanuunka HIV/AIDs, fadhiigiisuna yahay Hargeysa, guri laba qol ah ayey ii kireeyeen, waxaanan wax ka cunaa xarunta Talowadaag oo cunto diyaarsan lagu sameeyo.
Cumar/MH









