Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Puntland oo bacda joojisay iyo ganacsatada oo qorshe u la’

Radio Ergo by Radio Ergo
October 27, 2014
in Masiibooyinka
0
Puntland oo bacda joojisay iyo ganacsatada oo qorshe u la’
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaamulka Puntland ayaa bishii Agoosto ee sanadkan dib u soo nooleeyey qorshe hore loo go’aamiyey balse waxba ka hir-geli waayeen oo lagu joojinayo isticmaalka bacda, iyagoo ku amray ganacsatada iyo rayidkaba in aysan adeegan karin noocyada bacaha ee alaabta lagu gurto.

Goobaha lagu xakameeyo  dhaqdhaqaaqa amniga ee gobollada, degmooyinka iyo dekedda ayaa waxaa ka socanaya tallaabooyin lagu doonayo in looga hortago in bacaha ganacsiga ah ay soo gaalaan gudaha magaalooyinka,  kuwaasoo dilaaga aamusan ku noqotay dhirta iyo daaqa oo ay ku tiirsan yihiin xoolaha oo ah isha dhaqaalaha ee ugu wayn ee waddanka.

Magaalada Garoowe waxaa jira afar kooxood oo ciidan ah kuwaas oo bacaha iibka ee sharci darrada laga dhigay ku aruuriya meelo lagu kaydiyo, si mustaqbalka loo gubo.

“Xooluhu markay cunaan bacda  caloosha ayey u fariisataa, neefku wuu caatoobayaa ugu dmabeyna wuu dhintaa, geedka way isku maraysaa wuuna qallalayaa, waa nadaafad xumida ugu wayn ee dalka taalla, wax walba ayey u xun tahay.” Ayuu yiri Bootaan Axmed Bootaan oo in ka badan toban sano u ololaynayey arrimaha deegaanka.

Qofna dukaan wax kama iibsado ilaa uu helo bac uu alaabtiisa ku qaato, tani waa welwelka ugu ballaaran ee ganacsatadu ay qabaan, in kastoo ay taageersan yihiin qorshaha joojinta bacda, misana ilaa hadda ma garanayaan wax looga adeegan doono mustuqabalka dhow oo maamulku ma qoondayn beddelka bacaha, “Illaheenna dhaqaale oo ah xoolaha ayey bacdu u xuntahay, hala joojiyo  balse annagu ma garanayno wax aan dadka wax ku siin doonno dowladduna nooma sheegin mana diyaarin.” Ayuu yiri Maxamud Axmed Qumbe oo Garoowe ku leh dukaan lagu iibiyo alaabahaa la isku qurxiyo iyo sharaabka.

Bootaan Axmed ayaa qaba in la soo nooleeyo wax soo saarkii hooyooyinka Soomaalida, kuwaas oo farsamayn jiray alaabo kala duwan oo lagu soo adeegto. “Seledda ayey nooc walba ka samayn jireen, haddase cidna ma isticmaasho, tani waa fursad ay dhaqaale ku heli karaan dad badan, waana fursad ilaalinaysa wax soo saarka dadka,  “Waxaan qabaa in la howl-geliyo dadka alabtan noo samayn kara si ay bacaha u beddelaan.”

Xoghayaha dolwadda hoose ee Garoowe  Qaasim Maxamed Cabdi  ayaa Ergo u sheegay in gabi ahaanba ay ka go’antahay maamulka in uu meesha ka saaro isticmaalka bacda oo ciddii lagu arko ayadoo wax ku iibinayasa la ganaaxo gaar ahaan ganacsatada qofkii  u hoggaansami waayana  boolisku wuxuu u qabaa amar ah in la xiro oo laga qaado tallaabada ku habboon, wuxuu intaa ku daray  in ay jiraan dad badan oo kayd ahaan u qarsanaya bacda iyagoo filaya in mustaqbalka dhow sidii caadiga ahayd loo sii adeegsan doono.

Musuqmaasuqa ayaa noqday caqabadda ugu wayn ee aysan u fulin go’aamada dowliga ah ee lagu soo saaro danaha bulshada, maamulka dekedda Boosaaso ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aysan sidii la rabay u xakamayn bacaha dibadda laga keenayo, waxaase arrintaas iska fogeeyey agaasimaha firdooyinka Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf.

“Marnaba dekeddu ma oggola in bacahani si sharci darro ah ay ku soo galaan gudaha suuqayada balse waxaa laga keenaa koonfurta waddanka, ciidankeennu dhowr jeer ayey qabteen baabuur sida wayna gubeen bacdii ganacsiga loo waday ee sharci darrada ahayd. ” Ayuu yiri.

Puntland ayaa 3 sano ka hor soo saartay g’aanka ah in aan la isticmaalin bacaha.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji

Previous Post

SHEEKADA XAMSA GAABOW CALI OO LA IL DARAN ISU FURAN

Next Post

Gedo: 120 kun oo carruur ah oo laga tallaalay dabeysha

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gedo: 120 kun oo carruur ah oo laga tallaalay dabeysha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo