
Goobaha lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa amniga ee gobollada, degmooyinka iyo dekedda ayaa waxaa ka socanaya tallaabooyin lagu doonayo in looga hortago in bacaha ganacsiga ah ay soo gaalaan gudaha magaalooyinka, kuwaasoo dilaaga aamusan ku noqotay dhirta iyo daaqa oo ay ku tiirsan yihiin xoolaha oo ah isha dhaqaalaha ee ugu wayn ee waddanka.
Magaalada Garoowe waxaa jira afar kooxood oo ciidan ah kuwaas oo bacaha iibka ee sharci darrada laga dhigay ku aruuriya meelo lagu kaydiyo, si mustaqbalka loo gubo.
“Xooluhu markay cunaan bacda caloosha ayey u fariisataa, neefku wuu caatoobayaa ugu dmabeyna wuu dhintaa, geedka way isku maraysaa wuuna qallalayaa, waa nadaafad xumida ugu wayn ee dalka taalla, wax walba ayey u xun tahay.” Ayuu yiri Bootaan Axmed Bootaan oo in ka badan toban sano u ololaynayey arrimaha deegaanka.
Qofna dukaan wax kama iibsado ilaa uu helo bac uu alaabtiisa ku qaato, tani waa welwelka ugu ballaaran ee ganacsatadu ay qabaan, in kastoo ay taageersan yihiin qorshaha joojinta bacda, misana ilaa hadda ma garanayaan wax looga adeegan doono mustuqabalka dhow oo maamulku ma qoondayn beddelka bacaha, “Illaheenna dhaqaale oo ah xoolaha ayey bacdu u xuntahay, hala joojiyo balse annagu ma garanayno wax aan dadka wax ku siin doonno dowladduna nooma sheegin mana diyaarin.” Ayuu yiri Maxamud Axmed Qumbe oo Garoowe ku leh dukaan lagu iibiyo alaabahaa la isku qurxiyo iyo sharaabka.
Bootaan Axmed ayaa qaba in la soo nooleeyo wax soo saarkii hooyooyinka Soomaalida, kuwaas oo farsamayn jiray alaabo kala duwan oo lagu soo adeegto. “Seledda ayey nooc walba ka samayn jireen, haddase cidna ma isticmaasho, tani waa fursad ay dhaqaale ku heli karaan dad badan, waana fursad ilaalinaysa wax soo saarka dadka, “Waxaan qabaa in la howl-geliyo dadka alabtan noo samayn kara si ay bacaha u beddelaan.”
Xoghayaha dolwadda hoose ee Garoowe Qaasim Maxamed Cabdi ayaa Ergo u sheegay in gabi ahaanba ay ka go’antahay maamulka in uu meesha ka saaro isticmaalka bacda oo ciddii lagu arko ayadoo wax ku iibinayasa la ganaaxo gaar ahaan ganacsatada qofkii u hoggaansami waayana boolisku wuxuu u qabaa amar ah in la xiro oo laga qaado tallaabada ku habboon, wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dad badan oo kayd ahaan u qarsanaya bacda iyagoo filaya in mustaqbalka dhow sidii caadiga ahayd loo sii adeegsan doono.
Musuqmaasuqa ayaa noqday caqabadda ugu wayn ee aysan u fulin go’aamada dowliga ah ee lagu soo saaro danaha bulshada, maamulka dekedda Boosaaso ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aysan sidii la rabay u xakamayn bacaha dibadda laga keenayo, waxaase arrintaas iska fogeeyey agaasimaha firdooyinka Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf.
“Marnaba dekeddu ma oggola in bacahani si sharci darro ah ay ku soo galaan gudaha suuqayada balse waxaa laga keenaa koonfurta waddanka, ciidankeennu dhowr jeer ayey qabteen baabuur sida wayna gubeen bacdii ganacsiga loo waday ee sharci darrada ahayd. ” Ayuu yiri.
Puntland ayaa 3 sano ka hor soo saartay g’aanka ah in aan la isticmaalin bacaha.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji








