
Saraakiisha caafimaadka ee hay’adda WHO ee gobolka Gedo ayaa sheegay in 120 kun oo carruur ah oo da’doodu ka yartahay 5 sano ay ka tallaaleen cudurka dabeysha oo sanadkii hore lagu arkay Soomaaliya kaasoo socday mudda afar maalmood ah.
Maxamed Sheekh Cali oo ah isku duwaha Hay,adda WHO ee Gobolka Gedo ayaa Ergo u sheegay in carruurta ku nool demooyinka kala ah Garbahaarey, Luuq, Ceelwaaq, Buurdhuubo, Dolow, Beledxaawo, Geedweyne iyo dhammaan Tuulloyinka hoos yimaada degmooyinkaasi oo da’doodu ka yartahay 5-ta sano ay ka faa’idaysteen tallaalka asagoo intaa ku daray in degmada Baardheere ee gobolka Gedo aan laga fulinin tallaalka.
Wuxuu intaa ku daray in howsha fulinta tallaalka ee gobolka ay qeyb ka tahay ololaha looga hortago cudurka Dabeysha, DR Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in tallaalka ay barbar socdeen wacyigelin loo samaynayey hooyooyinka oo ku saabsanayd nadaafadda, baritaanka cudurka Jadeecada, kiininga dila gooryaanka oo la siinayey carruurta, wareysiyo lala yeelanayey dadka oo ku aadanaa cudurka Dabeysha si loo helo xog ku dheeri ah oo lagu ogaanayo in cudurku dhamaaday iyo in kale.
Maxamed Sheekh Cali ayaa sidoo kale sheegay in degmada Buurdhuubo la wada tallaalay carruuta iyo dadka waawayn maadaama kiisaski ugu dabeyey ee dabesha u ku jiray qof 27 sano jir ah.
Caasho Maxamed oo ah hooya deggan degmada Luuq oo saddex carruur ah oo ay dhashay ka tallaashay Dabeysha ayaa ku boorrisay hooyooyinku in carruurtooda ay tallaalaan si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka uu keeno cudurkan oo ka mid ah curyaanimo, ayadoo intaa raacisay in dagaallada iyo barakaca ka jira gobolka ay sababab u noqdeen in carruurtu ay si joogt ah u helin tallaalka 5 cudur ee dilaag ah.
Fulinta barnaamijka tallaalka Dabeysha looga hortago ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Caafimaada Adduunka ee WHO iyo UNICEF, Waxaa mashruuca tallaalka fuliyay shaqaalo si tabarrucaad ah ku shaqeynayay oo gaaraya 500 oo qof oo ka kala yimid degmooyinka gobolka.
Axmed Cumar Salixi/FO








