
Xasan Ibraahim Maxamed oo ka mid odayaasha degmada Tiyeeglow ayaa Ergo u sheegay in xaaladda dadka ku sugan gudaha degmada Tiyeeglow oo u badan beeraleey iyo xoolo dhaqato ay meel halis ah marayso xilligan, kuwaasoo aan haysan cunno, adeeg caafimaad, una weheliso nafaqao darro haysa caruurrta, sicir barar maciishadda ah iyo dhibaatoooyin kale oo aan la soo koobi Karin.
Mukhtaar Isaaq ayaa Ergo u sheegay in dhibaatada ka jirta magaalada loo aanaynayo ganacsigi oo joogsaday kadib markii degmada ay noqotay mid go’doon ah oo aan waxba soo galin waxna ka bixin taasna waxaa ka dhashay sicir barar ku yimid maciishadda, markii hore oo beeraleeyda iyo xoolo dhaqata ay saamayn xooggan ku yeelatay abaarta ka dhacaday dalka.
Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed C/laahi Xasan oo la hadlay Raadiyaha Ergo ayaa sheegay in 8 kun oo qoys ay wajahayaan xaalad aad u adag, asagoo xusay in kiilada sonkorta hadda la iibiyo 40 kun oo shilin Soomaali ah halka markii hore ay ahayd 16 kun oo shilin Soomaali ah, taasina mahan mid ay awoodaan shacabka ku nool halkan, haddii maalmaha soosocda aan la helin gargaar deg deg ah xaaladdu way ka sii daraysaa.
Wuxuuna ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka inay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan bulshada degmadaas ku dhibaateysan. Degmada Tiyeeglow ayaa shanti sano ee la soo dhaafay waxaa ka arriminayey Al-shabaab balse waxaa dhowaan la wareegay ciidanka dowladda Soomaaliya oo hadda gacanta ku haya.
Waxaa jira qoysas ka barakacay oo gaaray magaalada Baydhabo bishan gudaheeda.
Muxiyadiin Muxsin/FO









