
Maamulka iyo ardayda dugsiga Alle Ammin oo ay wax ku bartaan dadka curyaamiinta ah ayaa waxay codsanayaan in laga caawiyo arrimo dhawr ah sida goob wax lagu baro curyaamiinta, dhaqaalaha iyo kuwa kale.
“Dugsiga waxaa dhigta arday gaaraysa 90 oo 30 ka mida ay yihiin dhagoolayaal,17 waa indhooleyaal 43 waa curyaamo, waxay isgu jiraan rag iyo dumar oo qaarkood ay yihiin dadwaaweyn oo xaasas iyo carruurleh, kuligoodna waa isku fasal oo qaarba wakhti ayey soo galaan, waana dad si caadi ah wax u baran kara haddii ay helaan wax u fududeeya sidaa waxaa Ergo u sheegay.“ Siciid Barre Khalaf oo ah maamulaha dugsigan.
Siciid ayaa intaa ku daray in dhammaan ardayda wax lagu baro hal qol oo kaliya, kuwaba wakhti bay dhigtaan waxayna isugu jiraan dad waaweeyn iyo carruur intaba, waxa ugu sareeye fasalka shanaad, ma jirto cid na caawisa, marka laga reebo wasaaradda waxbarashada Puntland oo nagu caawisa mushaarka hal macalin iyo buugaagta wax lagu qor, waxaa ka shaqeeya 7 macallin mid kaliya ayaa mushaari ah, inta kale waxay ku shaqeeyaan bilaa mushaar.
Maxamed Diini warsame waa ardey 35 jir ah oo dhugta fasalka 5aad ee dugsiga ardeyda naafada ah, waana ardey dhagaha la’a, waana aabe xaas iyo sadex 3 carruura ah leh oo markii sii hore ku barbaaray miyiga hadase ku nool Gaalkacyo oo wax kabarta dugsiga hoose dhexe ee alla aamin” waxan dhigtaa fasalka 5aad ee iskoolka Alla Aamin Galkacyo waxan jiraa 35 sano waxbarashada waxaan bilaabay anigoo leh xaas iyo carruur iskoolkan ka hor waligey waxbarasho ma helin, laakiin waxaa jira dhibaatooyin haysta dadka curyaamiinta ah tusaale ahaan aniga oo kal e majirto cid igu caawisa waxbarashada iyo nolasheyda kale ee xaaska iyo carruurta, ma shaqeeyo, waxaan daganahay guri kiro ah, wax kastana waa layga sugayaa inaan waxbartana waan rabaa, markiin aan meel shaqo u doonto waxa laygu yiraahdaa waxaa tahay dhegool shaqo kuma siinnayno anoo niyad jabsna ayaan soo noqdaa” Ayuu yiri.
Siciido Maxamud waa hooyada dhashay Shugri Maxamed oo ah gabar ardeyad ah oo 15 jira oo dhegool ah dhigatana fasalka 5aad waxayna Ergo u sheegtay inay ku dedaalayso inay waxbarato gabdheeda, waxay codsanaysaa in la caawiyo dadkan naafadaha ee doonaya inay waxbartaan si ay u noolaadaan.
Maxamed Diini warsame ayaa sheegay inay jiraan curyaamiin fara badan oo dhibaataysan oo aan awoodin inay soo gaaraan goobta waxbarashada una baahan iyo qaar kale oo qaba dhibaatooyin dhanka nolasha ah, waxaan dad waynaha leenahay tixgaliya dadka naafadaha oo caawi oo kala mid dhiga dadka lixaadka qaba ee shaqaysta waxna barta.
Burhaan Maxamed/FO








