Biyo yaraan aad u daran ayaa saameyn ku yeelatay caafimaadka dadka ku nool deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo 10 carruur ah lasoo sheegay inay ugu geeriyoodeen cudurka jadeecada.
Dillaacitaanka cudurka jadeecada ayaa waxaa raadiyow Ergo uga warramay dhegeyste deegaanka ku nool oo lagu magacaabo, Cabdullaahi Xasan Nuur, oo ku nool tuulada Xagar, isagoo farriin cod ah usoo mariyay adeegga moobaylka ee Freedom Fone.
Xagar waxay 55 km dhanka kuufur-galbeed ka xigtaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, weriyaha Ergo, Fowsiya Cumar Barre ayaa Nuur wareysatay, isgaoo ku billaabay ka warbixinta xaaladda deegaanka ka jirta.
Cabdullaahi: Deegaanka biyo la`aan baahsan ayaa ka jirta, markii hore waraha ayaa laga cabi jiray, warihiina way gureen roobabkii Gugana lama helin sanadkan.
Ergo: Hadda dadku xaggey ka helaan biyo?
Cabdullaahi: Way iibsadaan, fuustadii biyaha waa 100,000 shilin Soomaali.
Ergo: Xaggee biyaha laga keenaa?
Cabdullaahi: Waxaa laga keenaa Afmadow.
Ergo: Ilaa goormey biyo la`aantan idiin heysay?
Cabdullaahi: Wixii ka dambeeyay Ramadaankii ayaa noogu daran. Xoolihii waxaa loo kaxeeyay dhankaas iyo Kismaayo, deegaanka sidoo kale malaha wax xarun caafimaad ah.
Ergo: Tirada dadka Xagar deggan waa imisa?
Cabdullaahi: 5600 ayaa lagu qiyaasayaa, waana xoolalley ku tiirsan xoolaha.
Ergo: Ma jiraan xoolalley ay xooluhu ka le`deen.
Cabdullaahi: Maya ilaa hadda, xoolalleydu badankood deegaanno kale ayay u raadsadeen daaq iyo biyo, laakiin inta joogta ee aan meelna aadin xooluhu waa weyd, caano lagama helo, iibna malaha.
Ergo: ma jiraan qoysas kasoo guuray miyiga oo yimid Xagar?
Cabdullaahi: Haa, ilaa 200 oo qoys ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay yimid, qaraabadooda ayay iskala nool yihiin.
Ergo: Hadda dadku noloshoodu waa sidee?
Cabdullaahi: Dadka dhexdooda ayaa is caawiya, qofba qofkuu ka roon yahay ayaa taakuleeyaa dadka kale.
Ergo: Maxaa hadda idinku daran?
Cabdullaahi: Biyo yaraan, iyo dhanka adeegyada caafimaadka ayaa noogu daran.
Ergo: Cudurro deegaanka ka jira ma jiraan?
Cabdullaahi: Haa, cudurka jadeecada ayaa ka dillaacay, ilaa 10 carruur ah ayaa u dhimatay bishii lasoo dhaafay, caanaha Ariga unbaan iska siinnaa, uma heyno daawo iyo xarun caafimaad oo aan geyno.









