
Aadan Shuqul Nuunow oo ah guddoomiyaha deegaanka Faafax-dhuun ayaa Ergo u sheegay in 3da carruurta ah ay cabeen biyo aan nadiif ahayn oo laga dhaansado ceelasha deegaanka, kadibna laga qabtay caloosha oo ay sidaa u geeriyoodeen, waayo waxay ka soo jeedeen qoysas ka soo barakacay dhulka miyiga oo xoolihii ka dhammaadeen oo aan awoodin inay gataan biyaha ganacsiga sidaasna ay u istimaaleen biyaha aan wanaagsanayn,” ayuu yiri.
Deegaanku malahan xarumo caafimaad iyo adeeg caafimad midna, waxaa intaa u dheer biyo la’aan iyo cunto yari sii xumaynyasa xaaladda dadka iyo duunyada abaartuna way ka sii daraysaa sidaa waxaa Ergo u sheegay Siraaji Cali Aadan oo ka tirsan dadka deegaanka.
Aadan Shuqul Nuunow ayaa sheegay in laba maalin ka hor ay geeriyoodeen carruurtan oo mid ka mid ah da’diisu tahay 7 jir, midna waa 5 jir halka kan kalana uu jiray 4 sano.
Siraaji Cali Aadan ayaa u sheegay raadiyaha Ergo in dhibaatada ugu daran ee deegaanka ka taagan xilligan ay tahay biyo la`aanta oo gaartey heerkii ugu adkaa, fuusatada biyaha waxay maraysaa lacag dhan $17, halka laba bilood ka hor ay ahayd $2, waxaana laga keenaa meel 55 km u jirta deegaanka mana awoodaan lacagtaas dadka.
“Raadadka ka dhashey abaarta iyo biyo la`aanta waxay sababeen caafimaad darro in dadkii ay u dhintaan, xaaladdana waxay taagan tahay meel halis ah, mana jiraan wax gurmad iyo daryeel cafimaad ah, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ,hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha in gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah lala soo gaaro deegaanka sidaasi waxaa yiri Aadan Shuqul Nuunow oo ah guddoomiyaha deegaanka Faafaxdhuun.
Axmed Cumar Saalixi/FO









