Cabdiraxmaan Xaaji Cawad oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool tuulada Laq-laajis, oo 50 km dhanka koofureed kaga beegan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa raadiyaha Ergo uga warramay xaaladda tuulada. Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji oo Ergo uga soo warrama Garoowe ayaa ugu horreyn waydiiyey halka uu joogo.
Ergo: Xaggeed joogtaa?
Cabdiraxmaan: Waxaan joogaa tuulada Laq-laajis.
Ergo: Waxaad iiga warrantaa xaaladda iyo sida biyaha lagu heli karo?
Cabdiraxmaan: Walaal abaar baa ka jirta deegaanka laba sano baraagaha biyo ma galin oo roob ma di’in, dadka qaarkii way ka guureen oo meelo kale ayey biyo u raadsadeen, booyado ayaa biyaha noo keena.
Ergo: Qiimaha biyaha see lagu helaa deegaankiinna?
Cabdiraxmaan: Booyado ayaa biyaha noo keena waxayna qaataan lacag dhan $300 00 dollar.
Ergo:Xaggee laga keenaa?
Cabdiraxmaan: Deegaanno ay k amid tahay Yoonbeys baa laga keenaa.
Ergo: Masaafo intee la`eg bay u jiraan deegaankiinna?
Cabdiraxmaan: Waxay u jiraan 30-35 km.
Ergo: Waxaa maxay sababta biyaha ay qaali u noqdeen?
Cabdiraxmaan: Booyadda qaadda 45 fuusto ayaa $300 00 dollar, 200 waxaa qaata booyadda 100 dollar waa biyaha.
Ergo: Sidee bay dadku u bixiyaan lacagta intaa dhan?
Cabdirxamaan: Hadda baabuurta ayaa shidaalka loo amaahdaa ee lacag lama siiyo oo dayn bay noogu dhaamiyaan, waxaana u sheegnay in xoolaha wixii hara marka abaarta laga baxo la siin doono lacagta ay leeyhin, haddii shidaalka loo helo ayaa nasiib ah.
Ergo: Waa imisa tirada qoysaska ku nool deegaanka?
Cabdiraxmaan: Waxaa jooga 130 qoys.
Ergo: Waxaad ii sheegtay in maalinti la keeno 4 booyadood oo biyo ah marka sidee bay u kala helaan biyahaas?
Cabdiraxmaan: Waxaa jira guddi ka shaqeeya oo dadka biyaha u qabiya oo hadba qoyska daran u hormarsiiya.
Ergo: Ma jiraan wax gurmad ah oo aad hesheen?
Cabdiraxmaan: Hal mar ayaa waxaa na soo gaaray 10 booyadood oo biyo ah.
Ergo: Dhanka xooluhu waa sidee?
Cabdiraxmaan: Xooluhu malahan wax iib ah ariga iyo geelaba waa wayd.
Ergo: Waxaad ii sheegtay in aad tahay xoolo dhaqato ma jiraan wa xoolo ah oo kaga le’day abaarta?
Cabdiraxmaan: Haa.
Ergo: Tiro intee leg?
Cabdiraxmaan: Waxaa iga dhimatay 30 neef marki hore 100 neef oo ari ah baan lahaa.
Ergo: Goormee le’deen 30 neef ee ariga ah?
Cabdiraxmaan: Intii aynu ku guda jirnay bishan.
Ergo: Maxaad codsan lahayd hadda?
Cabdiraxmaan: Waxaan codsanayaa in biyo deg deg ah nalal soo gaaro oo ah baahid u daran ee dadka iyo duunyadu qabaan.









